CABDULLAAHI IBNU UMMI MAKTUUM
"NIN INDHO LA’ OO EEBBE (SW) ISAGA DARTIIS KU SOO DEJIYAY 16 AAYADOOD, KUWAASOO LA AQRIYAY, LANA AQRIN DOONO LABADII CUSBAA INTAY KA SOO LAABTAAN (HABEENKA & MAALINTA)"
|
|
|
|
DHUFAYL BINU CAMR AL-DOWSI
Dhufayl wuxuu kaaba qabiil u ahaa qabiilka uu ka dhashay ee Daws, wuxuuna ahaa nin carabta dhexdeeda ka leh sharaf iyo qaddarin. Dhufayl wuxuu ahaa deeqsi oo wuxuu maal iyo lacag hayo wuxuu ku quudin jiray masaakiinta aan waxna haysan, sidoo kale wuxuu magangelin jiray dadkii kuwii weydiista magangelyo.
|
|
|
|
CABDIRAXMAAN BINU CAWF
CABDIRAXMAAN BINU CAWF
"ILAAH HA KUU BARAKEEYO MAALKA AAD BAXSATAY IYO MAALKA AAD REEBATAY"
Ducadii Nebiga (scw) ee Cabdiraxmaan Binu Cawf
|
|
|
|
CUMEYR BINU WAHAB
Cumeyr wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay dagaalkii Badar, isagoo la safnaa gaalada. Nasiib wanaag kuma uusan dhiman, laakiin waxaa lagu qafaashay wiilkiisa Wahab oo gacanta u galay Muslimiinta. Cumeyr wuxuu ka cabsan jiray in ay Muslimiinta u qabtaan wiilkiisa dhibaatadii uu aabihiis u geysan jiray Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa, waayo wuxuu Cumeyr ka mid ahaa kuwii sida aadka ah u cadaadin jiray Nebiga iyo asxaabtiisa.
|
|
|
|
CABDULLAAHI BINU CABBAAS
Cabdullaahi Binu Cabbaas waxay ilmo adeer ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna ahaa Saxaabigii ugu aqoonta badnaa sida tusaale ahaan marka la eegayo tafsiirka iyo macnaha xeesha dheer ee qur’aanka oo Rasuulka (scw) ayaaba arrinkaa ugu duceeyay. Wuxuu caan ku ahaa Alle ka cabsiga, wuxuu badin jiray soonka, salaadda habeenka isagoo khaaliqa weyn (sw) ee abuuray mar kasta weydiisanaya denbi dhaaf iyo raalli ahaanshahiisa. Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa saxaabada ugu da’da yar oo wuxuu dhashay 3 sanno ka hor hijriga, markii uu Rasuulka (scw) dhintayna waxay da’diisu ahayd 13 jir.
|
|
|
|
UMMU SALAMA
Ummu Salama magaceedu waxaa la oran jiray Hindo, laakiin waxay caan ku ahayd magaca Ummu Salama. Aabaheed wuxuu ka mid ahaa kaaba qabiillada reer Khazraj ee sar sare, sidoo kale wuxuu ahaa mid aad u deeqsi badan.
|
|
|
|
ABUL-CAAS BINU RABIIC AL-ANSAARI
Rasuulka (scw) markii uu u hijrooday magaalada Maddiina, arrinkiisana uu darraaday, ayaa qureysh soo baxday iyadoo dooneysa la dagalaallanka Rasuulka (scw) iyo Asxaabtiisa. Abul-Caas wuxuu si aan qasad ahayn uga qayb galay dagaalkii Badar, isagoo la safan dhinaca gaalada. Hase yeeshee ma jirin jaceyl uu jeclaa in uu la dagaallamo Muslimiinta, laakiin darajada uu tolkiisa ka joogay ayaa ku kelliftay in uu ka qayb galo dagaalkaas.
|
|
|
|
التوبة وشروطها
قول الله عز وجل: (يا أيها الذين ءامنوا توبوا إلى الله توبة نصوحًا) (سورة التحريم/ءاية 8) ويقول تعالى: (وتوبوا إلى الله جميعًا أيها المؤمنون لعلكم تفلحون) (سورة النور/ءاية 31) ويقول تعالى: (واستغفروا ربكم ثم توبوا إليه إنّ ربي رحيم ودود) (سورة هود/ءاية 90 ويقول تعالى: (وإني لغفار لمن تاب وءامن وعمل صا لحًا ثم اهتدى) (سورة طه/ءاية 82. وروى ابن ماجه رحمه الله أن الرسول محمدًا صلى الله عليه وسلم قال: «التائب من الذنب كمن لا ذنب له«.وعن أبي هريرة رضي الله عنه أنه سمع روعن ابن عباس وأنس بن مالك رضي الله عنهما أن الرسول صلى الله عليه وسلم قال: «لو أنّ لابن ءادم واديًا من ذهب أحبّ أن يكون له واديان، ولن يملأ فاه إلا الـــتـــراب، ويــتــوب الله على من تاب« رواه البخاري ومسلم.
|
|
|
|
|