Aqoonsi ah ka wayday calamka ma waxad ku helaysa Reerkee tahay?‏




Maxamed Cabdi Salaad


Xabeeb76@hotmail.com.


Somaliya oo ah dal  ku  yaal geeska afrika aya wixii ka danbeyey sanadi 1991   waaxay noqotay dal an aysan ka jirin  xukumad ka arimisa  guud ahan dalka oo ah dal balaran,balse wax  ka  dhashay qaar ka mid ah gobolda  dalka mamulo kuwasi oo u kala baxay kuwo  jecel somalinimaad iyo weliba kuwo la diriraya   eryga  somaliya .
 
mamul la magac baxay Soamliland  aya  sanadkii 1991 waxaa  loga dhawaqay gobolada waqooyi galbeed somaliy ee Awdal,waqooyi galbeed iyo gobolka togdheer  kuwasi oo shegay in ay ka go'en gebi ahan ba  dhul waynaha  somaliya  lana magac baxeen  Jamhuuriyada Soamliland,Siyasiyin iyo wax garad ka soo jeeda gobolada ayaa  iyagu ahaa kuwo  xiliga isku tagay in ay samaysatan mamul kasi oo ay kaga dhuunta  dagaalad  ka soconayeye   dalka intisa kalen waxayna ku guleysteen in ay sameeyan xilliga mamul ka taliya  gobolada.
 
Masuul walba oo qobta xilka ugu sareeya mamulka la magac baxay somalilnad ee  gobolada waqooyi  galbeed somaliya  waxa kuu geed gaban iyo geed dheer ba u fulaa sidii uu aqoonsi gu heli hala caalamka loona  aqoonsan laha in ay yihin Dowlad balse waxa waji gabax ku noqotay masuul walba marka uu  tago dalalka calamka    una gud biyo qorshihisa  ku  wajahan in al aqoobnsado  aya waxa logu jawaba  somaliya mahan dal kala go'i kara   wax aqoonsi ahna  kuma  siin karno  ee  waxa tihin somali mana dooneyno in ay   Soamliya  kala  go'goyno maax yela  somaliya wa hal dal.
 
shacabka iyo  mamulka  aya ah kuwo ka siman  hal fikarad oo ah in ay ak go'een somaliya inteeda kale oo ay yihin   dowlad somaliya deris la ah, waxayan ula dhaqmana  dadka  shacabka  ah ee kala yimaad somaliya inteeda kale in ay  jogan dal ajnabi ah oo qof walba waxa uu u arka in  Ay  somaliland tahay dowlada gaar ah wa  shacabka degan  gobolada waqooyi galbeeed somaliya,hadab waxan safar kub soo maray   gobolada  waqooyi galbeed somaliya  ee lamaagc baxay somaliland  waxan ka kulmay  waxyabahan hoos ku xusan.



waxay ahayd 06/05/02009   markii an ka soo baxay  magalada xeebta ah ee mash quulka  badan ee u ah xarunta  ganacsiga  Puntland  ee Bosaso  anigoo  u soo kicitimaya dhanka magalada  Hargaysa ee  Xarunta u ah  Mamulka  la-magac baxay Somaliland  waxaana  ku soo maray safar  dhanka dhulka ah.
 
12:50pm  ayan  Gari mark !! ah ee somalidu u taqan market ka soo racay  goobta  laga raco baburta u   baxaysa  hargaysa  waxana soo maray  wadada  lamiga ah ee bosaso  uga soo   baxda dhanka konfurta dalka somaliya waxan soo  marnay  magalooyin waweyn oo ka mid mamulaad somalilnad iyo pumtlland.
 
laga bilabao magalada  an ka tegay ee bosasao  ee  puntland  waxan intooda badan marnay  xili habeen ah marka laga reebo  magalada madaxda   Puntland ee garowe   oo anu soo  marnay  xili   arooryo hore ah,waxay indhagagu qabanayn  marka ad mareeyso  wadada   lamiga ah   abaar balaran oo ka jirta   Deganka  tasi oo an indhaha qofka xiliga maraya ama degan degankas uu  sa maxayn in uu sii firiyo  abartaan  owgeed.
 
xiliga  habeenkii ahaa ee unu  marayney inta u dhexeysa magaloyinka bosaso  iyo garowe   ma  jirin wax amni xuma ah ee anu la kulanay  xaladuna  waxay ahayd mid degan waxan ka jirtay  kul  kasi oo uu sababay sida ay ii sheegan   qaar ka mid ah   dadka degan  magaloyinka oo an  lakulmay waxana ka waydiyeye xaladaha  magalada uu xiliga jogo inta badana waxay ii shegan  in ay hada ka jirto abar  balaran kulkanina  uu yahay abartan,  basle  amanku uu yahay mid wanagsan.
 
gobolka sool oo ah gobolka ay  isku hayan mamulidisa   mamulka  PUntland iyo somaliland aay ah gobol   leh  xasasiyad gaar ha,deganka tuko raq oo laascanood xarunta gobolka sool ka xigta dhanka  magalaad garowe  wa  goobta ay joga cidamaada darawiishta dowlada goboldka somaliyeed ee puntland   waxanaa  halka   ku arki karta  gadiidka dagalka iyo weliba   ciidan  gooobta ku sugan  waxana  la is tajinaya  baburta iyadoo la barayo  balse   markii anu soo garnay  goobta  ayan waxana lakulmin wax  dhib ah   wxaan u ugudub dhanka  mamulka somaliland,ciidanka somaliland  waa kuwo ku  sugan irida  hore ee magalaad  laascanood.
 
 
marka uu  soo garay gaariga an sarnayn   barta  kontrolka ee  ay jogan cidanka somalinad  aya wxa nalagu amray in an ka soo degno gari waxana ka soo degnay garika  iyagoo baray  gari  kana soo dejiyeye  boorsooyinka  rakabka kuna amrya  in shaqsi walba uu furo borsada uu wato iyago gebi ahanba    badananka ka soo dhigaya dharka ku jira borsada. walow ayasna jirin wax inta ka  buran oo an kala kulanay inta  ay wadeen barinaka cidankasi marka laga reebo  baritankaan.
 
waxan u gudubnay  gudaha magalada laascaanood  anaga oo ka  quracanay hotelka la yirahdo   Xamdi  intii ay  rikabku quracanayeen ayan waxan   socdalku soo bixiyeye  gudaha madalaad lascanood anoo ka soo bilabay irida hore ee magalada oo ah meesha uu ku yaal hotelka xamdi waxaan ku  garay   mesha laga baxo  magalada  wa marka ad u socoto dhanka waqooyiga .
 
laascaanod waa  magalada xarunta uu ah gobolka  sool  wa  magalo weyn dhisamahan  waxayna leedahay dhismayaal  qurux badan waxayna ku taalaa  labo  burood dhexdood ,intii an dhex maryey waxay  indhaygu  qabteen wax  yabo kal duwan inta badan magaladu waa  cidlo ama wa faruq oo  ma arkayso dad  meel wada joga waxana arkeysa  marka ad cabaar socoto    qof keliya oo meel  maraya   intii in marayey gudaha magalaad   weli indhaygu ma qaban   dhalin yaro ee  waxan arkayey  odayal iyo dumar iyagu  wata howl mal meedkoda, marka  la soo garo  mesha laga baxo magalada ayan waxan ku arkay   koox  odayal ah oo iyagu  fadhiya  meel  kuwasi oo ku mashquulsan waxay somalidu u taqan korka bood ama shax.
 
guud ahan magalaad laascanood waaxay u muuqata  goob dagaal oo waxa ad arkaysa    dad shacab ah oo iygau wato  hubka fudud una malayn meeyso goob mamul ka jiro ee  waxad u malayneysa  goob ciidan,shacabka aya hada ah kuwa  an  ku qanacsannayn jogi tanka cidanka  ka amar qata  mamulka somaliland, qaar ka mid ah shacabka oo an wax  ka waydiyey aya waaxay ii sheegen in  aysan u aqoon mamulka somaliland.
 
mamul  meel uu ka arimeyo waxa lagu yaqan in ay ka socdan  howlaha mamulka  iyo weliba  qadida cashuurata  laascanood  lagama  qaado  ganacsatada wax cashuura  waxan sida ii sheegay  Hooyo ku  gacansaneysay   gudaha magalaad laascanood oo an la kulmay laguna magacrabo Caasho  Siciid Ciise,sidoo kale Caasho waxay ii sheegtay  in   Uu mamulkani uu sana  aahayn   mamul ee uu yahay magac oo keliya  soolna uu  xakumin.
 
 
safarakayagii  ayan siiwadanaya  ku wajahna  magalada hargaysa  waxana  soo marnay magalooyin waweyn oo ka tirsan   somaliland  balse waxan  kala kulanay ciidanka ka amar qata  mamulka lamagac baxay somaliland  waxyabo badan oo ku habonayn in lagu sameeyo shaqsi muwadin  somaloyeed oo u kala  safraya gobolda  dalka somaliya. 
 
guud ahan xarumaha  ay jogan ciidanka  ka amar qata mamulka la magac baxay somaliland  ee     aya ahaa  kuwo    lagu dhibo dadka  rikabka  ah ee  ku safraya wadada  laguna waydiyo waxyabo an ku haboonayn in al waydiyo muwadin  somaliyeed,waxayna nagu amran meel walba oo anu soo istagno in an  ka soo  degno gari soona rogno  borsooyinka furnona waxa alab ku jirana  bananaka ka soo  dhigan una baran  shey shey.
 
Deeganka Caynabo waxay ka mid tahay goba'ah an  kala kulanay  waxyabahan  foosha xun markii uu gariga soo istagay   kantaroolka ayaa waxa lagu wargeliyey wadihi gariga in uu  dhigo meel  bakin ah  gari  waxana garigi la dhigay   goob u dhoow  kartaloorka,waxana gebi ahanba laga soo dejiyeye wixii sarna gari iyagoo barintan nu geysaty xata waxa la baray  jeebabka  rakabka oo  bananka laaga soo dhigaya wixii jeebka  ugu jiray  shaqsiga safariga ah.
 
intaa oo keliya nogama harin  ee waxay noo gudbiyeen  shaqsi ay  nogu sheegen in uu yahay Taliyaha goobta waxana uu jogay  meel ka samaysan  cooshad waxan uu cunayeye qaad waxaan uu  noo shegay in anu qof qof ugu soo galno.
 
waxana loo gelayeyey  shaqsi  shaqsi  waxana uu   u qof walba u shegayey in uu u jiro xoga kana fogado isaga.
"'haa soo gal   halka fariso,keen sharcigagi ,sheeg magacaga.xagee ka timi,qabiilkagu yaaweye ?"" ayuu  waydinaya  qof walba.
 
waaxana logu jawabayeye sidan aniga oo ka mid aha dadka la waydinayo su'alahan ''haye,sharciga la iga raba muxu yahay somaliya ayan joga miyan dal kale tegay ,waxa la i dhaha maxamed ,waxan ka imi meel ka mid ah somaliya   waxan ahayn somali ?''  ayan ugu jawabay.
 
waxa kale  oo i waydiyeey  ma Xamar aya ka timi mesi bosaso ?  waxan ka imi Meel ka mid ah somaliya waxana ka ma gelin goobt an ka imi  ee  adiga  maxa kaga xirin mesha  an ka imi ayeey  ahayeen waxan ugu  jawab celinayey
dhamaan sualahan iyo jawabahan aya  aha kuwo ay ka sinayeen rikabka an la socday oo la waydinayeye  qof walba
 
inta  marka uu u shegay    ruux walba aya waxa uu  amar ku siyey  askarti in   dadkan la geeyo mel ay u samayeen in wax ay ku xiran waxan waydinay waxa nalagu xirayo waxan uu shegay in a tihin dad qas wadayal ah kana yimi somaliya  donayan in ay wax rabshadeeyan mana lihidin wax sharci ah  ee waxaad soo gashan labo mid kood
wa  tan koobade in ad sheegtan qabiilkina,meesha ad ka timadeen  ama  ad bixisan lacag dhan qof kiba  30 $doollar  oo ganax ah.
 
aad ayan ula yabnay waxa uu ku hadlayo waxana ugu jawabnay  ma nihin waxad  shegayso  ee waxa nahay dad rikab ah  waxad shegaysona manaqan meel ad ka kentay wana wax laag xumada in ad  sida u hadsho adoo somali aha miyaa nahay ajnabi
 
AAAAAAAAAAAH AAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAH  wa maxay somaliga ad shegaysan  adeer  halkan waxa la dhaha  Somaliland  mana han somaliyee ee waxa laraba in ad u hogan sannatan Amarka  sharci aya ka jiraa   ayuu  noo shegay  waxan  nala geyey  meel coshad ka dhisan oo ah meel ay dadka ku xiran wa sida uu noo shegay mid  ka mid ah askarta oo an wax ka waydinay arintan.
 
dood dheer iyo  wada hadal u dhexeya  Anaga ,taliyihi iyo weliba askarti meesha aya noo samaxday in an  dib   u sii wado  safarkeena anaga oo qof walaba laga qaday lacag dhan 20$ oo ay noo sheegen in ay tahay  ganax.
 
Deganka  Caynabo ila magalada hargaysa waxan la kulmeyney  dhacadan an kor uga soo  waramay  oo goob walba waxa na la waydinayeey  wixii nala soo waydiyey iyo baritan  walow an wax kale  an soo garin  naftayada.
 
hargaysa waa  magalada xunta u ah mamulka lamagac baxay somaliland wa  magalo weyn waxanaya leedahay wadooyin waweyn wa magalo qaabooow amaan ahan wa uu ka wanagsan yahay  gobolada kale  ee  mamulkan ka arimeyo,mana la kulmin wax  dhib ah walow an ka bixin hotelkan kaga degnay magalada  ee Yassin Hotel oo ah  xarunta loga baxo dalka Ethopia oo ahayd meesha safarkeenu ku wajahna.
 
waxan magaladan hargaysa ka racnay  gari mark !!  kasii oo nageyeye  deganka  xududa ah ee u dhexeysa somaliya iyo   ethoipa ee wajale
wajale waa goob can ku ah dhanka ganacsiga inta badan dalka somaliya waxa loga  qada  alabta  qaybaheeda kala duwan waxayna  u kala qaybsantahay  labo qaybood wana  qayb  ay degto somaliy iyo  qayb ay degto Ethopain.
 
waxana   ka baxa labo gaari oo ah mid  marta   dhinaca beraha  qaadka oo ay racab dadka shari darada  ku galaya  dalka ethopia iyo wado  marta   Xarumaah  socdalka dalka ethiopa ee  ku yaal wajale oo ay isticmalan dadka wata  shariciyada  labaduba waxay ku kulman degan jig jiga ee  xarunta is mamulka somalida ee   dalk  ehtoipa.
 
Jig jiga wa  magalo  weyn waxayna ka mid tahay  magaloyinka ugu waweyn   ethopia waxana magalaad xarunta u ah kilinka shanad  ee ay degaan somalida waxayna leedahay wadooyin waweyn iyo  dhismamayal  querux badan.
 
waxana  halka  ku yal  xafiisyo ay leyihin   shirkado iskashato gaadid oo ka kala shaqeeya    addis abab iyo jig jiga kuwasi oo dadka Rikabka ah  qadaa,waxan ka racnay  mid ka mid ah   gadiidka  kasi oo nageyey  magalaad xarunt u  ah  dalkani ethopia  ee addis abab.
 
marka  la is bar bar dhigo  Puntland iyo somaliland waxa dareemaysaa wax yabo  badan taasi oo uu dareemi karo shaqsiga mara  gobolada  guud ahantooda Puntland wa  gobolo  ka mid ah somaliya  kuwosi oo ah kuwo   ad dareemi karto in ay yihin kuwo somalinimada laga jecel yahay  oo arki meyso cid ku dheheysa xagee ka timi yase tahay ,balse  somaliland oo ah iyaduna  gobolo ka mid ah somaliya aya ah kuwo ad ka  dareemeyso   in ay yihn   gobolo an  laga jeclayn somalinimada oo waxa la guwaydiinaya  ya  tahay xagee ka timi iyo waxyabo kale ,isku soo  dubo safarkan  aayan ahayn safarkii igu horeyey ee an ku imada  balse waxa uu aha safarkii igu xumaad intii an  ku soo jiray  deganka  mamulka la magac baxay somaliland  kasii oo aha  mid lagu tilmami karo mid ka fog  xaquuqda islamka iyo weliba tan uu leyahaya muwadin somaliyeed  oo xaaq  u leh in uu ku safro guud ahan dalka somaliya  si  siman oo an laga xigi  gobolkasta,degma kasta iyo weliba tuula  walba  e   ay isgu mid yihin   hadaba mamulkan la magac baxay somaliland ma sidan aya dan ugu jirtaa ? mise waxay ku helayan aqoonsi sidan ?

Comments to date: 4. Page 1 of 1.

Aleksandr Nuzhdin   alex.nu@mail.ru

12:27am on Wednesday, September 2nd, 2009

Пришлите пожалуйста тексты уголовного и коммерческого кодексов Сомали или электронные адреса

Send please texts of criminal and commercial codes of Somalia or electronic addresses

Aleksandr Nuzhdin   alex.nu@mail.ru

12:26am on Wednesday, September 2nd, 2009

Пришлите пожалуйста тексты уголовного и коммерческого кодексов Сомали или электронные адреса

Send please texts of criminal and commercial codes of Somalia or electronic addresses

abdi abdi   hi

3:57pm on Sunday, July 26th, 2009

what is going on

ahmed   nairobi

12:51pm on Sunday, June 28th, 2009

somaliland waxaa ka jira maamul maamulku sidan ictiraf maku keenaya mise maya waa su'aal jawabteedu cadahay :MAYA: se waxaa jirta aragti oranaysa somalinimada aynu ku dadaalno sidii aynu isaga fogayn lahayn kadibna aduunku inoo aqoonsanlahaa tusaale
1:somaliland waa qaybta somaliyeed ee ugu horaysay ee saxiixda heshiiska ladagaalanka argagixisada somaliduna utaqaano ASHAHAADO LADIRIRKA (antiterrorist)
2:waxay isku dayeen in ay cilaaqo ama xidhiidh la samaystaan maamulka sahyooniyada ee yuhuuda iyaga oo dhanbaal ay ku beerlaxawsanayaan u diray
3:iyo in ay ethopia ama east african zeionist u dhiibaan ama u gacan galiyaan si ay u helaan kal-gacaylka iyo mawadada ethopia ama meles

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay
  Sh Maxamed Tahliil alaha u naxariisto maxaan ku bartay? Sh Ahmed Cabdi Samad
  HILIBkA CULIMADU WAA SUMEYSAN YAHAY EE HA CUNIN.
  DURUUS KU SAABSAN RAMADAANKA KA FAA'IIDEYSO.
  DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA ? Shiikh Maxamed Idirs qebta 1-aad