Gabay lagu difaacayo Nabiga, abawaan Abshir Bacadle


 


 


 


Maxay ahlu towxiidku sugi waa su’aal furane,


  • Sanka miyaa bir laga galiyayoo seeto lagu taagay,


  • Suddan miyaa qalbiga nooga xiran samaha diideysa,


  • Cawinaad miyaa nalagu sabay sun iyo dhuunkaal ah,


  • Ma wax Nabigii lagu seejiyaa gacanta loo saaray,


  • Waxay sahala ugu eegayaan waa saqiifnimo’e,


  • Usaamiyo Sarkhaawiba walley naga saxnaayeen,


  • Haddaan labadaa saacidi lahayn sidan ma joogneene,


  • Ninkii xaar u seyriyay samada wuu ku soo noqone,


  • Iyana saafi madaxiisina suuli buu noqone,


  • Sakhiifkii Nabiga caayayow saa umbaa tahaye,
     


  • Nabigii saafi adigana bir baan kula sugeynaaye,


  • Seeftii Sarqaawoo sahneyd saa laguu mariye,


  • Wixii aad sahaala u qortaa joogi sababtaada,


  • Sakhiifna waxaa ah gaal seyn lahoo suubanihi caayay,


  • Kuwii Sanam Illaah moodayoo una sujuudaayey,


  • Suubanaha iney caayayaan safiihigaa mooge,
     


  • Nin liwaadka suubiya unbaa suubanaha caaya,


  • Nin Illaahay seejiyey xaqaa suubanaha caaya,


  • Suddan jannada ninkii looga xiraa suubanaha caaya,


  • Sagaashan oday nin loo gubay unbaa suubanaha caaya,


  • Ninkii Hooyadii saartay baa suubanaha caaya,


  • Nin saqiir liwaaday unbaa suubanaha caaya,


  • Nin walaashi xabad saaray baa suubanaha caaya,
     


  • Qalinkiisi baa sabab u noqon saala weynaha’e,


  • Inuu seexan waayaa la badi saahir buu noqone,


  • Afka wuxuu ka sii deynayaa sun iyo dhuunkaale,


  • Markii aydhiskii saaqay buu suubanaha caayay,


  • Hadba wuxuu ku salalaa raggii saartay oo kuday,


  • Haddii daba saliid iyo khaniis suubanihi caayay,


  • Maxey ahlu-towxiidku sugi waa su’aal furane,
     


  • Salka may ka gooyaan kufriga subax khamiisaad,


  • Sallallaahu Nabigu ha farxo subax isniinaade,


  • Illaahay shafeecaduu u sugay waa naloo sixiye,


  • Sallallaahu Nabigeeniyoo saa la yeelahayo,


  • Nafta haddaanan mowdka u sallimin seegnay taladiiye,


  • Shafaacaduna sahal ma aha ee seefta wada qaata,
     


  • In Illaahay nagu sugo xaqana saamaleyl kacaya,


  • Ka saahida adduunyada naftana siiya Nabigeena,


  • Raggii seef isaga dhigoo wadnaha lagaga soo saaray,


  • Oo Uxud sidaa loo wariyo sahanki maan raacno,


  • Zukhrufkaan adduunyadana maan zaahid ka ahaano,


  • Oo maan nolol sidaan nahay ka roon seefta lagu doono,


  • Silcata-llaahi qaaliya muwaan saabka lagu haynin,


  • Warhooy maa jannada loo sacyiyo saan u gadanaaba,


  • Suddan miyaa qalbiga nooga xiran saatirkaa faxane,
     


  • Safar baa dunida lagu yahoo waan ka soconaaye,


  • Saad kheyr leh weeyaan wallee hiilka suubanuhu,


  • Naf jannadi lagaa siistay baa sahan u kheyr roone,


  • Niman yahow su’aalo aan hayoon sugi jawaabtooda,


  • Goormaa nalaka saamaxay jihaad waa su’aal furane,


  • Surka miyaan la goyneyn kufriga suubanaha caayey?


  • Saxan saxo udgooniyo jannadi sow la sugi maayo?
     


  • Adigoo dilkooda u sacyiyey oo niyada saaray,


  • Surka haddii lagaa jaro jannaad sugi Insha-Allahu,


  • Sariirihii jannada iyo aroos suuban baad heli,


  • Nimco aan lagaa saarinoon suulin baad heli,


  • Naftoo waaritaan loo sugiyo sixiyo liibaan leh,


  • Saxan saxo udoon Xuurul-ciin wada suleekhaahe,


  • Sanka taad ku qabatiyo shafkana aadan saluugeynin,



  • Shirib







    • Samadaad xaar u seyriseen,


    • Nabiga suuban waa saliim,



    Geeraar







    • Gaalada suubane cayday,


    • Oo Illaahay saddaxeysay,


    • Oo Kitaabkii suuli ku tuurtay,


    • Oo Ciraaq siday yeeshay,


    • Afgaanistaan ku sameysay,


    • Annana noo sahaneysa,


    • Nabaddaan ka sugeyno,


    • Horta maysa su’aallay?


    • Saaxiriinta Denmaak,


    • Holan oon ka sukeynin,


    • Iyo Noorweeyoo saddaxeysa,


    • Caanahooda suntaa,


    • Yaan caruurta la siinin,


    • Kuwii suubanaheena,


    • Sawir fool xun u yeelay,


    • Oo Illaah saddaxeeyey,


    • Saddexdaa waddanoo,


    • Geeraarka aan ku sifeeyey,


    • Caanahoodu sumooboo,


    • Sawirkey bixiyeen baa.


    • Suubanihii ku habaaray,


    • Caanahooda sumeysan,


    • Caruurtaada ha siinin,


    • Waa su’aashi labaade,


    • Anigu aan hub sameysto,


    • Isticmaarna ku saaro,


    • Adna ha igu sameysan,


    • Sharcigaana sidaasa,


    • Anigaana saxiixay,


    • Waa inaad sabcisiin,


    • Yuhuuddu waa saxanyiin,


    • Waa la saacidayaa,


    • Falastiin hala seemo,


    • Sideedaa ha ahaato,


    • Anigaana saxiixay,


    • Sidaa aan u asiibay,


    • Waa in loo sabciyaa.

    Dailypuntland Station

    Comments to date: 7. Page 1 of 1.

    Abu fatima   yusuf01_4@hotmail.com

    2:20am on Saturday, April 3rd, 2010

    Waa sax weeye kalaamkuye
    Maxaad saaka kumaagtay
    Raga gaalada saafay
    Sanka toogtay kufaarata
    Salka gooyey amxaarta
    sawdigii kasaqaafay
    Sawdigii kusaluugay
    sawdigii kalasaaray
    Mujaahidiinta safkooda
    Sawdigii safiih raacay
    Iyo kay soodireen
    Saan cadaale kufaara
    Maxaa saatan kuyeelay
    Abshirow ku saluugtay
    Wixii aad sidiqaysay
    Sanado aadku baaqday
    Qabiilo aadku sifaysay
    Sinjigooda kucayday
    Sahyuuniyad aadku tilmaantay
    Maxaad maanta saluugtoo
    Aad sidaa usamaysay
    Bal su,aal kajawaab
    Seeg seegana haygu samaynin

    Xasan   B/weyn

    4:07pm on Wednesday, March 24th, 2010

    Waad kumahadsan tihin geeraarada layaabka leh

    Cabdi nuur halac   Kenya

    1:01pm on Thursday, November 19th, 2009

    Waan kaxumahay gacma dhere inaad kahadashid ciyaaro waxlamid ah iyadoo suubanaha ladifaacayo

    Gacmadheere114@hotmail.com   B/weyn

    9:25am on Sunday, September 6th, 2009

    Waa codsi waxaan ahay macaamil ku xiran websaadkaan.. Maxaa dhacay oo loogu soodari laayahay barnaamijka sports & falaqeenta ciyaaraha..!?.,!...?

    Gacmadheere114@hotmail.com   B/weyn

    9:24am on Sunday, September 6th, 2009

    Waa codsi waxaan ahay macaamil ku xiran websaadkaan.. Maxaa dhacay oo loogu soodari laayahay barnaamijka sports & falaqeenta ciyaaraha..!?.,!...?

    Gacmadheere114@hotmail.com   B/weyn

    9:23am on Sunday, September 6th, 2009

    Waa codsi waxaan ahay macaamil ku xiran websaadkaan.. Maxaa dhacay oo loogu soodari laayahay barnaamijka sports & falaqeenta ciyaaraha..!?.,!...?

    Gacmadheere114@hotmail.com   B/weyn

    9:23am on Sunday, September 6th, 2009

    Waa codsi waxaan ahay macaamil ku xiran websaadkaan.. Maxaa dhacay oo loogu soodari laayahay barnaamijka sports & falaqeenta ciyaaraha..!?.,!...?

    Magacaaga:

    Halka aad joogtid:

    Fariinta:

     


    LA XIRIIRA
      Abwaan Cabdirashiid Cumar Al khaalidi (ina cowsgurow). Waa Abwaan da'yar oo ku dhashay Magaalada Garissa Sanadku markuu ahaa 1980.
      Maansa cusub oo Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi ka tiriyey qaadka
      Maahmaahyo Somali iyo ingiriis ah
      DHAQAN-GOOB: WAXA CURISEY CANAB GUULEED MAXAMAD
      Taariikhda Qoraalka Far Soomaaliga