Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa magaciisu uu aad u soo shaac baxay markii ay socdeen dagaaladii u dhexeeyey maleeshiyaad ay isku soo uruuriyeen hogaamiyayaashii dagaalka ee Muqdisho iyo dagaalyahano markii danbe ku midoobay Maxkamadihii Islaamiga ahaa, wuxuuna Shariif gudoomiye u noqday midowga Maxkamadihii Islaamiga horaantii 2006-dii, kuwaasoo bartamihii isla sanadkaas la wareegay gacan ku haynta gobolada bartamaha iyo inta badan Koonfurta Soomaaliya.
Shariif Shiikh Axmed wuxuu durbadiiba soo jiitay quluubta dad badan oo Soomaaliyeed, waxaase isweydiin mudan muxuu Shiikh Shariif ku kasbaday kalsoonida intaas le'ekeyd, ileen wuxuu ahaa wadaad ka mid ah wadaada Soomaaliyeed?
Jawaabta su'aashaas waxaan ku soo uruurinayaa laba arimood.
1- Wuxuu hogaamiye u ahaa Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee nabada iyo rajada u' ifiyey shacabka Soomaaliyeed ee wanaaga quud darreeya.
2- Wuxuu ahaa aftahan qancin kara inta dhageysaneysa, iyadoo xitaa qofka diidan ee ka soo horjeeda uu daldaloolo kawaayi jiray hadaladiisa.
Iyadoo kalsoonidaas loo hayo ayaa waxaa dalka qabsaday ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ka dib dagaalo adag oo ay la galeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee uu hogaamiyaha u ahaa Shiikh Shariif , wuxuuna Shariifku gobolka J/hoose uu kagalay daalka Kenya, isagoo intaas ka dib saldhigtay magaalada Asmara, wuxuuna halkaas ka bilaabay xiriiro kala duwan oo uu la sameeyey beesha caalamka, waa halka wadaadka laga raacayee.
Ugu danbeytii wuxuu Shariifku u soo wareegay dhinaca magaalada Jabuuti halkaasoo mar danbe loogu doortay Jagada Madaxweynenimadii uu isaga tagay C/laahi Yuusuf oo horey wax badan ugu bi'iyey raadinta xilkaas.
Dabcan waxaa la wada ogyahay in Shiikh Shariif gaaritaankiisa xilka Madaxweynaha ay qeyb weyn ku lahayd beesha caalamka ee uu xiriirka la lahaa, waxaa iyadana ayan su'aal ka taagneyn sida beesha caalamku uga fog tahay kooxaha Islaamiyiinta ah ee doonaya inay Dimuqraadiyadda ku bedelaan Islaam.
Waxaa dabka Baaziin ku sii shubay oo arinta sii qarxiyey markii Shariif Shiikh Axmed maalintii la doortay maalinkii ku xigay ka dagay magaalada Adis ababa, iyadoo sida laga wada dharagsan yahayna uu Shiikh Shariif shaashadaha caalamka ka soo muuqday isagoo la fadhiya Meles Zenawi oo dhaawicii uu u gaystay umada Soomaaliyeed uusan weli buskoonin.
Intaas arintu kuma ekaanin ee waxaa qaar ka mid ah wargeysyada caalamka lagu soo qoray wareysiyo Shiikh Shariif ku siiyey magaalada Adis ababa uuna ku leeyahay waxaan la dagaalamayaa kooxaha xagjiriinta ah, intaas waxaa bar bar socday hadalo ka soo yeerayey dhinaca beesha caalamka oo qaarkood leeyihiin Shiikh Shariif wuxuu nagula heshiiyey inuu dalka Soomaaliya ka hirgelin doono dowlada Dimuqraadi ah, isla markaasna xididada u siibi doono xagjiriinta, hadalada ceynkaas ah kama jawaabin Shiikh Shariif.
Wixii intaas ka danbeeyey ayaa waxaa bilaabatay in maalinba maalinta ka danbeysa afka Shariif Shiikh Axmed laga maqlo hadalo horey loogu bartay Madaxdii isaga xilkaas uga horeysay, waxaaba intaas ka sii daran isagu inta uusan xilkaas qaban wuxuu hadalada ceynkaas oo kale ah uu ku maagi jiray ama ku qoonsan jiray ragii isaga uga horeeyey xilka uu hada ku magacaaban yahay.
Toloow maxaa ka mid ahaa ereryada shariifka laga maqlay ee horey loogu aqoon jiray Madaxdii isaga kaga horeysay xilkaan uu maanta shariifku u bur buriyey sumcadii uu ku kasbaday mudadii gaabneyd ee uu ka mid ahaa shaqsiyaadka caanka ka noqday bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.
" Waxaan dagaal kula jirnaa kooxo xagjir ah, beesha caalamka waxaan ka codsaneynaa inay nagala shaqeeyaan sidii aan uga takhalusi lahayn kooxaha xagjirka ah" intaas wuu ka sii dheereeyey oo wuxuu yiri " waxaa wadankeena ku soo duulay al-qaacida, waxaan dagaal kula jirnaa kooxo argagixiso ah oo isaga kala yimid caalamka" kuwaasi waxay ka mid ahaayeen hadalada uu maalmahan danbe ku hadaaqayey Shariif Shiikh Axmed.
Hadalada Madaxweyne Shariif uu islahaa ku beer laxawso ama beesha caalamka taageero kaga kasbo kuwan oo kaliya ma'ahayn ee waxaa jira kuwa kale oo fajiciso ku noqday dad badan oo u hanweynaa Shariifka.
Aniga oo daawanaya taleefishina afka carabiga ku hadla ee al-jazeera ayaa shaashadii 'i hortaalay waxaa ka soo muuqday gudoomiyaha baarlamaanka oo shir jaraa'd ku qabtay aqalka Madaxtooyada, wuxuuna af mugii ku yiri " awoodii dowlada waa la wiiqay ee wadamada, Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Yaman ciidamo hanala soo gaaraan mudo 24 saac guduhood ah" ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe.
Waxaan isla markiiba dareemay in hadalka gudoomiaya baarlamaanka ka soo baxay uu yahay hadal culus oo ah go'aan dowladeed, balse waxaan hoos iska iri tolow maxay fali doonaan wadaadadii Madaxweynuhu ugu weynaa ee dowlada kula jiray, misana waxaan isku qanciyey kolay iyagu waa ka xishoonayaan inay yiraahdaan hadalada noocaan ahee Shiikh Aadan madoobe ayey iska soo hormariyeen oo ku yiraahdeen adiga inoo qeyli oo dariska noogu yeer "Itoobiya".
24 saac kama soo wareegin markii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed uu ayiday hadalkii Shiikh Aadan madoobe, weliba wuxuu sii raaciyey in ciidamada dowladu dalbaneyso ay yihiin kuwa u gargaaraya shacabka ee ayan ahayn kuwa wax dhib ah u geysanaya.
Nasiib wanaag hadalada Madaxweynaha aniga markii hore madhageysanin ee waxaa telefone iigu soo sheegay nin aanu saaxiibo nahay, balse waxay ila noqdeen wax aan macquul ahayn, waan yaabay, waxaana mar kale is weydiiyey toloow wadaadii kale maxay faleen oo maxay oran donaan, balse waxaa waa cusub ii baryey markii aan Janaqoow labada dhagood ee ilaahay i siiiyey aan uga maqlay isagoo oraya" dowladu waa lagu kalifay wax kasta, xaq ayeyna u leedahay" Janaqoow.
Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Madax muuqda iyo Mindi saawira midna lagama quusto, akhristoow ha'ila yaabin hadaan weli isleeyahay Shiikh C/qaadir Cali Cumar toloow isagu ma dhaamaa saaxiibadiis, laakiin waxaanan jawaab u heli karin hadii leygu yiraahdo waana sida ay tahaye, wuxuu ka mid yahay golaha wasiirada iyaguna go'aanka qeylo dhaanta ah way isku raaceen.
Gunaanad
Akhristaha faaladan daalacan doonoow ma'ila aragtaa in Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu dib u qaaday raad arooryaad, iyadoo aynu ognahay halka uu ku dhamaaday geedigii C/laahi Yuusuf adis ababa ka soo bilaabay sanadkii 1978-dii, kuna dhamaaday Baydhabo Desember 2008-dii.
Mid waan aqbalay oo waaqica ayaa ii sheegay in wadaadadii aan wanaaga ku bartay ay maanta isbadaleen oo afkii ay shalay ku lahaayeen Jihaad ay mudo yar ka dib ugu yeeranayaan kuwii ay lahaayeen hala jihaado, laakiin mida aan weli iga daadegin waxa ay tahay waxa maanta ay Shariifka iyo saaxiibadiis uga indha saaban yihiin inayan waxba u soo kordhin karin ciidan daris ah iyo kuwa fog toona, toloow ma waxay isleeyihiin dal ayey idin qabanayaan?, mase waxaa maankooda kujirta in dowladnimo aan lagaarsiinin ragii iyaga ka horeeyey ee ay la yaabanaayeen la gaarsiin doono? ma isweydiiyeen halka ay ku danbeeyeen C/laahi Yuusuf iyo Cali Geedi? mase meesha wax kale mayaalaan ee wadaadadii Shariifku horboodayey ayaa waxaa idmaneyd in meeshan ay maradu uga dhacdo? su'aalahaas jawaabtooda hadii ay jirto cid jawaab u haysa waan soo dhaweynayaa inay aniga iyo inta kale ee dhafoorka haysata noo iftiimiyaan.
W/Q Maxamed Nuur Shire
Comments to date: 8. Page 1 of 1.
Abii hureyra Kenya | 10:32am on Friday, July 9th, 2010 |
Dhaawaca iima geesan gumeeste kufaar igu soo duulay c/laahi yuusuf ayaa ii geestay shariif sheekh axmed wuu iga danqiyay, waxaa lee yahay. ... Duqumadda xisaabta laheen daan daan sigee sidaa diinta bee ka weecdeen dastuurbee u hiilshaan gaalbee sidaan eray wexee yiraadaan nawad diid doonimeeno islaamdooni meeno shariif wuu duloobay | |
Hassan Mohamed - Hargeisa - | 2:41am on Monday, March 15th, 2010 |
Maxamed Nuur sxb aad baad ugu mahadsantay runtii waa wax lala yaabay dadkuna u qaadan waayeen sh. shariif sida mar kaliya uga baydhay mabdaiisiina u bedelay, sh. shariiq waxaan odhan karaa waa nin mar qudha isku dhex tuuray siyaasadda cajiibka ah ee laga ciyaarayo caalamkan, kuna dhex dawakhay markii dambena is dhibay meel uu ka noqdo garan wayay. somaliyeey waa inaynaan ku dagmin magacyadan quruxda badan ee la isticmaalayo sida Beesha caalmka, ciidamo nabad ilaalin, hay'ado sma-fal, dimuqraadiyad. ereyadan oo dhami literally siday yihiin maaha. | |
NUUR CIIS mogdisho | 5:29am on Tuesday, September 15th, 2009 |
maxaad uga hadli la,dihiin falaalka foosha xun ey shabaabka ku dhaqmaan mase idankaaba shabaab ah waxaana niiga codsaneynaa warbaahinaa tihiine kanoqda arinta dhaxdhaxaad mahadsanidiin | |
Xasan Maxamed Aadan (Booseey) USA | 10:53am on Sunday, July 12th, 2009 |
Maxamed Nuur Shiroow Ilaahey ha kaa raali noqdo, Faaladaada waxa iiga ifay nin daacada oo dhowrsoon inaad tahay mar haddaadba Aadan Madoobe aad Sheekh ugu yeereyso. Noocaaga Soomaalida xilligan joogta waa ku yar yahay. Dad qalbiga boogo ku leh oo Ilaahey qalbigooda ood ku jiiday ayaa loo batay. Ilaaheey baa hanuun iyo towfiiq leh. Halka uu maray shariifku ilaa hadda waa iga daadagi la' dahay. Ma dhabbaa mise waa riyo ayaan mararka qaar is weydiiyaa marka aan Shariifkii hore iyo Shariifka hadda isu eego. U malaymaayo sidaan isu siiyey Shariifka inaan ruux danbe oo Soomaali ah isu siin doono waayahan. Waa addunyo, Xaqqa ayaana baaqi ahaan doono! | |
axmed Sweden | 1:09am on Saturday, July 11th, 2009 |
Waxaa hubaal ah in aad tahay shabaab,ninkiisa u nin baas nin kale u nin khayr, jihaadka muslinka dhexdiisa kitaabkee dhigaya? | |
maxamed guleed cise Nairobi,kenya | 2:50pm on Tuesday, July 7th, 2009 |
Waan kugu waafaqsanahey boqolkiiba boqol | |
maxamed guleed cise Nairobi,kenya | 2:45pm on Tuesday, July 7th, 2009 |
Waan kugu waafaqsanahey boqolkiiba boqol | |
maxamed guleed cise Nairobi,kenya | 2:44pm on Tuesday, July 7th, 2009 |
Waan kugu waafaqsanahey boqolkiiba boqol | |