CASHARO KU SAABSAN BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN KA.



MUXUU YAHAY SOONKU?



Soonku waa bilawga ilaa dhamaad ka bisha 9aad (shacbaan) taariikhda Hijiriyada ee islaamka; sifadiisuna waa in afka laga xirto cunto, biyo, xan, cay, iyo wax alaale iyo waxii danbi keenaya ee kuwaas la halmaala, adiga oo u niyaysanaya cibaado, laga bilaabo fajriga labaad ee aalasayda laguna geeyo ilaa inta qoraxdu ay ka dhacayso.


Xukunka Soonka iyo daliilkiisa?
 
 Xukun ka Soonku waa waajb waxana daliil u ah kitaabka quraanka ah.(
يا أيُها الدِين آمنوا كُتب عليكُم الصِيام كَما كتب على الذين من قبلكم لعلّكم تتقون)
{Dadka Alle iyo Rasuulkiisa rumeeyayaw waxan idin ku waajibinay Soonka sidii aan ugu waajibinay kuwii idin ka ho
reeyay, waxad mudantihiin inaad alle ka cabsataan.}


 Waxaa kale oo daliil u ah sunada Nabiga C.S.W. xadiis kii uu wariyay Ibnu cumar oo ahaa; in Rasuulku C.S.W, uu yiri ( shantiir baa lagu dhisay Islaamka; (1) ashahaadada oo la qiro in ilaah xaq lagu caabudo uusan jirin ilaahayga xaqqa ah mooyaane, Nabi Mohammed na yahay rasuulkuu soo dirsaday,(2) salaadoo la oogo (3) Sadaqadoo lala baxo, (4) soonkuu la soomo, (4) Xajkoo la xajiyo qofkii awooda.



 Waxaa kaloo daliil ah umadda Nabi Mohammed C.S.W, way isku raacday soonka jiritaankiisa mana isku khilaafin, inta la ogyahay.

 YUU KU WAAJIBAY SOONKA OO LAGA RABAA:-

• Qofka Soonku ku waajibo waa inuu Muslim yahay, Gaal laguma lahan Soon waayo ilaahayba ma aaminsana.


 • Waa inuu qaangaar yahay qof aan qaan gaarin laguma lahan soon inkastoo haduu awoodo ay u fiicantahay inuu soomo waxaa xusid mudan sanadka qaangaaridu waa 15 sano Muslimiinta.



 • Qofku waa inuu awoodaa Soonka qof aan awoodin laguma lahan waayo ilaahay makalifin muslimiinta (لا يكلف الله نفساً إلى وسعها)
 
• Waa inuu qofku nagi yahay qof musaafira laguma lahan Soon waayo safarku waa dhib. Dhibna soonka laguma dari karo.



 • Waa inuu miyir qabaa oo caqli leeyahay, qof waalan oo miyir la’ lama amrin soon waayo qofkaas kalifaadii oo dhan baa laga qaaday maahan qof wax garanaya, soonkuna mas’uuliyad weeye qof aan caqli lahayna masu’uuliyad ma qaadi karo.

• Waa inuu qofku ka maranyahay waxyaalaha buriya Soonka, taasna waxay khaas ku tahay Gabdhaha ama dumarka guud ahaan, waayo Gabadhu haday dhiiga ama caadada qabaan laguma lahan soon.

FADLIGA (ajarka) SOONKU LEEYAHAY:-


Soon ku waxuu leeyahay Fadli iyo ajar aad ubadan, sida aad ogtihiina Soonka waxaa ku jirta habeen ka fadli badan KUN HABEEN, sidaas darteed waxaa la oran karaa xiliga soonka waa xili aad u faa’iido badan oo ajar badana leh waxana lagama maarmaan ah in laga faa’iidaysto waayo waa fursad ama jaanis aan soo noqnoqan.



 • Qofka soom lama celiyo ducadiisa, urka afkiisana ilaahay agtiisa waa uga udgoonyahay urka miskiga ama wax alaale iy waxii aad u udgoon.

 • Dadka soomana waxay leeyihiin albaab ay ka galaan janada maalinta Qiyaamada qof aan iyaga ka mid ahayna albaabkaas ka gali maayo.

 • Soonku aakhiro qofka saaxiibkiis ah waa u shafeeco qaadaa oo ilaahay buu danbi dhaaf u waydiiyaa waxuuna kala dheereeyaa qofka saaxiibkiis ahaa iyo naarta.

 MAXAA KA REEBAN QOF KA SOOMAN?
 
Qof ka sooman waxyaalo badan baa ka reeban waxaana ka mida:-
 
 • Cunida iyo cabida, Soonka inta lagu jiro qofku haduu kas u cuno ama cabo isaga oo og waa ka burayaa Soonku.

• Galmada, Soonku waa ku buraa galmada ama isku taga nin ka iyo naagta, galmada aan ka hadlaynona waa tan sharcigaa, maahan mid xaaraantaa, taasi Soon iyo Soon la’aanba ma banaana waana xaaraan.

• Hunqaacada, Soonku waa ku buraa hunqaacada, hunqaacada aan ka hadlaynona waa mida la iska keenay midaadan iska keenin soonku ku buri mayo.



 • Xaydka, ama dhiiga dumarka ka yimaada, waa jabiyaa Soonka, naagtu haduu dhiig ka yimaado soonka halkas bay ku joojinaysaa waxii dhaafana Soonka dabadiis ayay qalaynaysaa.

 • Waxaa kale oo Soonka jabiya qofku haduu isku duro irbad nafaqo wada, sida faleembaha iyo waxii la halmaala, Soonku waa ku jabayaa waayo waa cunto ugudbaysa jirka.

 MAXAA LOOGA BAAHANYAHAY QOFKA SOOMAN:-

 Soonku waa bil cibaado sida aan wada ogsoonahay lamana mid ahan bilaha kale, qof walba waxaa looga baahanyahay inuu ka faa’iidaysto waayo waxaa laga yaabaa Soon danbe inuusan kusoo marin hadaba aan soo koobo waxa looga baahanyahay qofka sooman:-

• Qofka sooman waxaa looga baahanyahay inuu wax alaale iyo waxii soonkiisa wax u dhimi kara uu kasoomo, waayo Soon ku maahan inaad cunada iyo cabitaanka iska dayso, waa inaad indhaha ka soontaa dhagaha ka soontaa afka ka soontaa lugaha iyo gacmaha ka soontaa, qofka afka marku ka soomayo waa inuu iska ilaaliyaa xan, cay, laqdabo iyo waxyaalaha la hilmaala, markuu isha kasoomaya waa inuu iska ilaashaa ishiisu inay wax xun ku dhacdo, marka uu ka soomayo gacanta, gacantiisu waa inaysan wax xun taaban ama qaadan, luguhu waa soomaan meel xun inay aadaan waa inay ka soomaan.
>
> • waxaa kale oo lagaaga baahanyahay inaad badiso akhriska Kitaabka Quraanka ah, ajar badan baa laga helaa, bisha Ramadaan waa bishii uusoo dagay quraanku, sidaas darteed badiya akhriska Quraanka.


 • Waxaa kale oo haboon bisha Ramadaan inaad sadaqada la baxdo Nabiga C.S.W. waxuu badin jiray sadaqada bisha Ramadaan.


 • Waxaa kale oo loobaahanyahay bisha Ramadaan inaad badiso Qiyaamka ama istaagida, oo hurdada aad yarayso habeenkii taraawiix iyo tahajudka inaadan ka gaabin, ama dad la tuko iyo masaajidka ama galigaaba tukee.

• Waxaa kale oo loobaahan yahay cibaadada si guud inaad u badiso bishaas oo aad ka faa’iidaysato, waayo Malakul jibriil baa nabiga C.S.W. u yimid markaas buu ku dhahay, Nabi allaw waxaan ku duceeyoba aamin dheh, haye buu dhahay, waxuu dhahay qofkii bisha Ramadaan soo marto oo aan loo danbi dhaafin allaha naartii kufogeeyo, nabiguna aamiin buu dhahay marka khatar weeye in soonkii aad la kulanto markuu dhamaadona aan laguu danbi dhaafin ama khayraad badan aad ka kasbanwayso.

Walaalayaal intaas baan kusoo koobayaa, ilaahay dhamaanteen Soonkaan hanawada waafajiyo, hanagana dhigo kuwii uu ugu danbi dhaafo. Naartiina uu uga xoreeyo. AAMIIN.


Waxii talo ah ama soo jeedin ah ama mawduuc Soonka ah su’aal ka qaba fadlan. Comments ka ku reeb. Waana ku mahadsantihiin akhriska aad akhriseen.



Waxaa Diraariyay Axmed C.rashiid Dhoodaan

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  DURUUS KU SAABSAN RAMADAANKA KA FAA'IIDEYSO.
  Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 4-aad: DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW
  Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 3-aad: QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB
  Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 2-aad: Dulaankii Abraha ku soo qaaday Kacbada.
  Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 1-aad Nasabkii Rasuulka.