Is caddee!|Sh.Axmed C/samad



Is caddee waa oraah loo jeediyo ninkii Muqdisho taga oo hadalkiisa ama ficilkiisa ay ka caddaan weydo cidda uu ka tirsan yahay ama uu taageersan yahay. Waxaa kale oo dhacda in qofka si toos ah loo weydiiyo su’aalo haddii uu ka jawaabo lagu ogaan karo ra’yigiisa. Is caddayntu waxay laga ma maarmaan u tahay in ay dadka aad la joogtid idin dhexmarto sheeko dhab ah, oo noqon karta mid kalsooni xambaarsan, oo wadata xogwaran iyo talo is dhaafsi ama mid rag iska celin ah, oo garnaqsi iyo is raddin ku dhisan.


Calaamado lagugu caddaysan karo!


Khasab ma aha in mar walba loo baahdo is caddaynta, ee waxaa jira waxyaabo kale oo lagu ogaan karo kooxda aad tahay ama taageersan tahay, waxaana ka mid ah:


1. dhinaca aad magaalada ka degtay ama cidda aad ku soo degtay. Taa macneheedu waxaa weeye in magaaladu qeybsan tahay, oo deegaana dowladda loo yaqaan, deegaana ururada kale, dadka magaalada degan ee siyaasadda daneeyana meelo ayaa lagu kala tiriyaa; sidaa darteed dhinaca aad degtid ama ninka aad la degtid baa lagugu tirinayaa.


2. cidda aad raacdid, la fariisatid ama aad la sheekaysatid.


3. qabiilka aad ka dhalatay ama deegaanka aad ka timid. Taa oo macneheedu yahay in badanaa qabaa’ilka iyo deegaanada Soomaaliyeed midba mowqif lagu xanto, ha ahaado mid kacaanimo ama mid kacaan-diidnimo’e.


4. Ururka dacwadeed ama dariiqada aad ka mid tahay ama ku soo tarbiyoowdey, illeyn waxaa kala jira qaar 100% dowladda ka mid ah ama taageersan, kuwo 100% la col ah iyo kuwo kala qeybsan.


5. taariikhda qof ahaaneed, oo ilaa xad laga dheehan karo mowqifka aad maanta ka isataagi kartid waxa jira.


Tilmaamo kale oo qofka lagu ogaan karo


Intaa kaliya ma aha ee waxaa jira waxyaabo kale oo lagu xukumo ninku cidda uu raacsan yahay, waxaana ka mid ah sida uu u faalleeyo dhacdooyinka ama u qiimeeyo shakhsiyaadka iyo hadaladooda.


Waxaa kale oo jira tilmaamo si gaar ah loogu xukumo culumada iyo ducaadda, mana aha waxay caddaysteen ee waa mawaadiicda diiniga ah ee ay ka hadlaan, waxayna u qaybsantaa mawaadiic ninkii ka hadla lagu xukumo inuu dowladda taageersan yahay iyo kuwo ninkii ka hadla lagu xukumo inuu muqaawamada taageersan yahay.


Kuwa dowladda taageersan!!


Ninkii ka hadla mawaadiicdaan si otomatik ah baa loogu xukumaa inuu dowladda ku jiro ama taageersan yahay, ama uu ka soo horjeedo mujaahidiinta!.


1. fitnada iyo xaaraanimada dhiigga muslinka.


2. fiqhiga masaalixda iyo mafaasidda.


3. takfiirka iyo khawaarijta.


4. musaalaxo iyo wadahadal.


5. joojinta dagaalada iyo dhibaatada dadweynaha haysata.


Kuwa muqaawamada taageersan!!


Ninkii ka hadla mawaadiicdaan, isna wuxuu ku xukumanyahay inuu muqaawamada ka mid yahay ama taageersan yahay, ama uu dowladda ka soo horjeedo.


1. socoshada jihaadka.


2. walaalnimada muslimiinta iyo cadaawada gaalada (alwalaa’ walbaraa’)


3. axkaamta riddada iyo murtaddiinta.


4. munaafiqiinta iyo jawaasiista.


5. gumaysiga iyo AMISOM


Waxaa iyana jira erayo ninka laga maqlo lagu tirin karo inuu dowladda la jiro, sida: dowladda, madaxweynaha, hirgalinta shareecada, beesha caalamka, argagixiso, mucaarad iwm. Waxaa kale oo jira erayo qofkii laga maqlo uu yahay muqaawamada ama mid dowladda mucaarad ku ah, sida: mujaahidiin, muqaawamo, amiir, maamul islaami iwm.


Muxuu ka hadlayaa wadaadku?


Marka la sheego in muxaadaro ama darsi nin sheikh ah jeedinayo waxaa la is weydiiyaa: muxuu ka hadlayaa (mowduuca)?. Haddii mowduucu noqdo kuwii aan soo sheegnay ama sheekhu yahay nin la garanayo dhinaca uu u janjeero, ragga is haya iyo xubnaha raacsan midna darsigaas ma imaanayaan, marka laga reebo kuwa u qaabilsan soo dhagadhagaynta waxa kooxdooda laga sheegayo ama kooxaha kale sheeganayaan.


Haddii mowduucu noqdo mid ka duwan kuwa kacsan ama Sheekhu yahay nin aan wali la ogaan halka uu ka biyo-cabbo waxaa dhici karta in dad badan oo kooxaha is haya ka tirsan darsiga dhagaystaan. Waxaa kale oo cashar-dhagaysiga daba-yaal: muxuu yiri? Iyo muxuu uga jeeday?. Ragga dhagaysanaya ama looga waramayo darsiga marka Sheekhu masalo sidii ay rabeen uga hadlo waa marqaamayaan, haddii uu si kale sheegana waa la is galayaa. Darsiga inta Sheekhu wado waxaa fadhiya dad duubaya maqal iyo muuqaal ama maqal kaliya; bal si rag calculus uga baaraan wax kooxda lid ku ah ama kooxo kale taageeraya; si hadhow looga jawaabo.


Waa maxay ujeeddada laga leeyahay is caddaynta qofka?


Waxaa loo baahanyahay in la ogaado qofka ra’yigiisa iyo mowqifkiisa; si looga qaato go’aan ku habboon, go’aankaas wuxuu noqon karaa mid soo dhaweyneed ama fogayneed. Go’aanka soo dhaweyneed waxaa ka dhalan kara:


1. in la buunbuuniyo; si taageerohoodu muhiim ugu muuqdo.


2. in si buuxda loo kasbado, ka dibna la qarameeyo.


3. in la kaashado ama la daliishado hadalkiisa.


4. loo sheego xubnohooda in ninkaas saaxiib ama sokeeye yahay.


5. in kuwa ay is hayaan lagu garaaco.


Go’aanka fogayneed-na waxaa ka dhalan kara:


1. in la iska waardiyeeyo.


2. in la diyaarsado wixii mawqifkiisa looga jawaabi lahaa oo masalooyin iyo xog ah.


3. in la diyaarsado wixii xubnaha loo sheegi lahaa; si loogu qanciyo xumaantiisa iyo khayryaridiisa.


4. in xubnaha looga digo xumaantiisa.


5. in la dicaayadeeyo, lana colaadiyo.


Maxaa ninkaan lagu sheegi karaa; si dadka loo qanciyo?


Si xubnaha ama dadweynaha loogu qanciyo in ninkaan mowqifkiisu khalad yahay waxaa loo baahan yahay in lagu dhajiyo shaabbad lagu nici karo. Haddaba maxaa ka mid ah tilmaamaha la isku shaabbadayn karo?:


1. waa miskiin aan siyaasadda iyo waaqica waxba ka fahmayn, waana la qalday.


2. waa fulay, naftiisa ayuu u baqayaa haddii uu xaqa caddeeyo.


3. waa danayste, xoogaa ayaa loo laabay[1] ama hadda ayuu is qorayaa.


4. qabiil ahaan buu inoo la dirirsan yahay.


5. mucaaradnimo ayaa ku jirta ama colaad gaar ah ayuu inoo qabaa.


6. waa jaajuus cadaw Ilaahay ah, culumonimo iyo Somalinimo ayuu ku gabbanayaa.


Waxaa kale oo dhici karta in hal qof kooxo kala duwan wada colaadiyaan, iyada oo mid waliba ka duulayso in uusan aragtideeda wada waafaqsanayn ama koox ay is hayaan uu arrimaha qaarkood kala fikrad yahay.


Saldhigga jacaylka iyo nacaybka


Waxaa si buuxda inoo ku cad in jacaylka iyo kalsoonida qofka la siinayo ay ka ambaqaadayso sida uu u taageero kooxda iyo mawaaqifteeda. Dhinaca kale nacaybkiisa iyo colaadintiisu ay ku dhisan tahay sida uu u diido ama uga soo horjeesto kooxda iyo barnaamijkeeda ama wax ka mid ah. Haddaba muhiim ma aha in qofku xaq wado ama uu keeno ra’yi qiime leh ee waxaa muhiim ah inuu taageero kooxda iyo argatiyeheeda waxay doonto ha noqotee.


Gabagabadii aadanuhu wuxuu maraa heerar kala duwan xagga garaadka, heer kastana wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah, tusaale ahaan: marxaladda koowaad wuxuu ku dhegaa walxaha (alaabta) gaar ahaan kuwa dhalaalaya, iyada ayuuna wax kasta ka jecelyahay, waxna ku qiimeeyaa. markii garaadkiisu xoogaa kobco-na wuxuu ku dhegaa dadka (sida waalidka iwm), heerkaan marka uu gaarana dadkaas uu ku dhegan yahay ayuu wax walba ka horreysiiyaa ha saxnaadeen ama ha qaldanaadeene, intaas ka dibna wuxuu ku dhegaa afkaarta, wuxuuna wax ku qiimeeyaa qofku fikradda uu wato ee qofka laftiisa ma eego. Haddaba bulshooyinku markii aqoontooda, wacyigooda iyo xadaaradoodu sare u kacdo waxay wax ku qiimeeyaan mabaadi’da iyo afkaarta dadku kala wataan, wayna ka gudbaan inay dadka qof ahaan ugu dhegaan, innaga se waxaa muuqata in aynu wali marayno heerkii qof ku dhegga, waliba innaga (muslimiin) oo la inoo diiday in aynu dadka indho la’aan ku raacno!.


[1] Waa la laaluushay.


Axmed C/samad


alwaqaar@hotmail.com


somalireal.com


Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay
  Sh Maxamed Tahliil alaha u naxariisto maxaan ku bartay? Sh Ahmed Cabdi Samad
  HILIBkA CULIMADU WAA SUMEYSAN YAHAY EE HA CUNIN.
  DURUUS KU SAABSAN RAMADAANKA KA FAA'IIDEYSO.
  DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA ? Shiikh Maxamed Idirs qebta 1-aad