Dhibka Gaalkacyo goormuu dhamaan
Galkacayo waa magaalo uu hareeyey khlilaaf kusaabsan wada noolaanshaha qabaa'ilka dagan,waxaana kajiray colaado intii mudo ahayd taas oo ilaahada aysana muuqan in laga gudbidoono,inkastoo qabaa'ilkii isku haysan jiray ay maamulo dhisteen hadana waxaad moodaa in maamulka siyaasadu uu wali kusaleysan yahay habkii qabiilka ,oo aysan jirin horumar nabad galyo oo aysoo kordhiyeen maamulada siyaasada ee kajira galkacayo .
Waxaa jira wax looyaqaano khadka cagaaran oo kala qaybiya waqooyiga iyo koonfurta Galkacayo ,laakiin runtu waxay tahay in aysan jirin waxlayiraahdo khadcagaaran oo meeshaas yaala, waxaadna dareemeysaa markaad joogto halkaas in dadka shacabka ah uusan wax dhib ah dhex'oolin,tusaale ahaan isbilaatada iyo goobaha bulshada cidna cida kale kama celiso, lamana yiraahdo waa reer koonfureed ama reer waqooyi,hadaba yaa dhibta wada oo hurinaya hadii dadka shacabka ah aysan dhib isu qabin,waa su'aal ubaaahan in laga jawaabo,
ilaa iyo intii lasameeyay maamulka puntland dhanka waqooyi waxaa kajiray nidaam leh haykal dawladeed haseyeeshee majirin wax uu kaqabtay isu kasanista dadka walaalaha ah ee dariska,taas badalkeeda waxaa ladhihi karaa dabkii ayuu baasiin kusii dhubay, taas oo kudhalisay dhanka koonfureed in ay iyana kudhawaaqaan maamul ugaar ah,hadaba marka la'eego xeerarka caalamigaa ceeb maaha in halmagaalo ay labo maamul kataliyaan laakin taasi waxay leedahay shuruudo farabadan.
Galkacayo maahan magaalo kala qaybisa labo dawladood mana ahan midkala qaybisa labo qoomiyadood ee waa magaalo kudhextaal halwadan ayna dagantahay halqoomiyad, sidoo kale maahan meel ay wada dagan yihiin muslimin iyo masiixiyiin/yahuud/amaba kooxkale,hadaba dadka saas ah ma haboontahay in ay sameystaan wax lagu tilmaamay khadcagaaran taasi waamaya sidee lagu tirtiri karaa khadkan beentaa?
taasi waamaya sidee lagu tirtiri karaa khadkan beentaa?
xalka glk
xalku waxuu kujiraa sidantan
- in lasameeyo dib uhishiisin lagu dhameynayo colaadii hore
2- dakhliga kasoo xarooda airportka la qeybsado
3.in laqybsado maamulka magaalada sida gudoomiyaha gobolka duqa dagmada golaha deegaanka iyo iwm
4.ugu danbeyntii in lajoogiyo kala fogeynta dadka dariska ah iyo abuurista colaad aan jirin iyadoo qolo walba qolada kale ay uragto in meelkale ay kuxiran yihiin sida Garoowe iyo Muqdisho,waa in dadka loosheegaa inaysan jirin cid isaga sukaysa oo arimahooda soo dhexgali karta.
30/08/2009
Axmed c/qaadir Nuur (qoodaar)
somalireal.com
Comments to date: 2. Page 1 of 1.
Anonymous Location unknown | 3:48am on Thursday, September 3rd, 2009 |
Marka hore Gaalkacyo waxaa xalkeeda haya ALLAHA wayn, intaa kadib xalku waxuu ku jiraa in qabaailada daga magaaladu aysan dhabarka marsan ninkii nin dila, hadii ninkii nin dila aan loo dhiibin qabiilkii uu wax ka dilay taasi waxa ay keenaysaa cawaaqib xun sida in la dilo qof aan wax galabsan oo aqoonyahan ama wasiir ah. |
abdiqafar Sweden | 12:39pm on Monday, August 31st, 2009 |
waxay ila tahay in uuku jiro xalka gaalkacyo inlagu xukumo shareecada islaamka dhamaan koofur iyo waqooyi dhamaaneed ayadoo culumada aan loo kala soocin koonfur iyo waqooye midn
|