Sabanadan iyo Soomaalida u baqooshay Hindiya. W/Q Maxamed Cabdi Salaad



Tan iyo markii ay burburtay Dowladii dhexe ee  somaliya meshana ay ka baxday kala damayntii iyo nidaamkii dowladeed sanadii 1991, bulshadiii Soomaliyed  waxay noqdeen kuwo u kala  baxsada  daafaha aduunka, iyagoo door bidaya in ay nabad ka helayaan dalka ay xiliga u baxsanayaan.
 
 
Dal walba oo ad  tagto aduunka waxaa  ku arkaysaa  soomaali, lagama yabo in aad soomaali ka weydo,waxayna  bulshada kale ee aduunka kaga duwan yihiin meel walba oo ay tagaan wa la qabnsanayaan,  waxayna ka bilabayaan  shaqooyin kala duwan,inta badan dalalka ay somalidiu joogto waa kuwo  ku leh qiimeyn loolamana dhaqmo sidii ajaniib ee waxa  loola dhaqamaa  muwaadin  leh dalka,balse waxa  jira  qaar  dalalkaa ka mid ah oo shacabkoodu yahay shacab neceb soomaalida oo ay  mar mar kula kacaan wax yaabo fool xun,waxana  dalalkasi ka  mid ah South Africa,Ethopia iyo weliba dalal kale, balse   dalalkan dowladoodu ayaa ah  kuwa qiimeya  soomaalida.



Dhulweynaha Hindiya oo ah dal ku yaala  qaarada AASIYa,waa dal  ka kaboan 28 gobol waxaana  ku nool dad gaaraya 1.2 bilyan oo ah dadka dalka u dhashay,waaxana  ay kala haystaan diimo kala duwan, waxaana ugu badan dimaha ay haysataan ,Hindus(83%),islaam(13%),kiristaan(1.4%),badka dhulweynaha hindiya waa  3,287,240km2 waxa ku nool kumanaan Soomaali ah kuwasi oo halkaas u joga  labao  qorshe.
 
qeybta koowaad waa inay wax ka bartaan halkaas, iyo kuwa kale oo ah kuwa u jooga jooga  hab qaxooti ahaan ah oo ay qaado hay'ada u qabilsan qaramada midobey ee  UNHCR.
 
Ardayda ayaa ah kuwo barata  culueumta  qaybaheda kala duwam waxaana ka mid ah mamulka iyo maraynta,dhaqaalaha,culuumta siyaasada,caafimadka  ,enginerinka iyo weliba  madooyin kale. kuwasi oo inta badan  wax kabarta Haydarabad,Madras,Puna,Dalhi,Mansoor,  waxaana ugu badan oo ay ardaydu wax kabarata wa  Hayradabad iyo  Madras.
 
Hadaba Haydarabad wa meel caynke ah ?

Magalaad haydarabad waa magaalo ku taala  gobolka Andhra Pradesh  mar aan boqday magalaada ayaan waxan kula kulmay qaar ka mid ah soomaali ku nool Haydarabad ee gobolka   Andhra Pradesh.
 
Dr.Saciid Adam Yusuf(gacamey) waxa  uu ka mid yahay dadka an kula kulmay Haydarabad waxna ka barta jamacadaha dalka Hindiya,bal in uu iga waramo xalaada guud ee dadka ku nool ?

"Magaladan waxa ku nool dad lagu qiyaasy 24 milion,waxana ku nool kumaanan ajaniib ah ee aan u dhalan dalkan,inta badan dadka ajnabiga ah ee ku nool waxay ka soo kala jeedaan wadamada Sudan, Colombia, Soomaalia, DJabbuti, Falastine, Yemen, Ertrea, China,America,Egland iyo wadamo kale,dadka soomaalida ah ee ku nool guud ahaan Hindiya waxay gaarayaan 1500-2000,waana kuwo ay qiimeyan dadka Hindida ah iyo weliba dowldada dalkan.,soomaalidan ayaa  ayagu  u kala yimi  qorsheyaal kala duwan, waxaana ka mid ah waxbarsho iyo in ay ka sii tahriiban,balse waxa  ugu badan wa  waxbarsho""ayuu iigu jawaabay.

 
Waxaan weydiyey  ujeedada  dhabta ah ee dalkan  ay u yimaadaan somalidu   ?"

qofba si buu u yimaadaa,  qaar waxay u yimaadaan in ay waxkabartaan , kuwana in ay kasii dhoofaan oo ay ka sii tahriiban",
badanaa laakiin surta gal uma noqoto in ay tahriibaan
'''  ayuu  yiri saciid..
 
Waxan wax ka weydiyeey DR.Gacamey ujeedada dalka Hindiya looga soo doonto waxbarasha oo looga yimaado dafaha aduunka ?
 
"ha waa runtaa waxa  laga yimaadaa aduunkoo dhan waxaana  weeye sababtu waa wadan ay maciishadiisu hoosaysaa waxbarashadiisana waa saraysaa , jamacadahana waa raqiis,waxaana ka heleysaa aqoon leh tayo'' ayuu gacamey ii shegay
 
Waxan kale oo weydiiyey DR.Gacamey bal inuu iiga waramo xiliga uu yimi,waxa uu u yimi iyo sida uu u arko in uu wax ka barto Hindia ?
 
"waxaan imi dalkan Hindiya  16 oct 2007, waxaana u imi sidii aan kor ugu sii qaadi lahaa tayadayda aqooneed,waxaana  si gaar  ah u bartaa  Bechalor of medicine and Bechalor of Surgery(dawaynta iyo qaliinka si guud), waxaana u arkaa in ay tahay fursad golden ah oo uu illaah igu maneesatay madama aan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo Soomaalida ku nool dhulweynaha Hindia"  Dr. Gacameey ayaa yiri  sidaa.
 
Ugu danbeytIi Dr.Saciid  AAden YUusuf(gacaymey) waxa uu shacabka somaliyeed ugu hambalyeey bisha barakayrsan ee ramadanka waxana uu ugu baqay in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada,nabaduna ay tahay waxa kaliye ee ay ku soo noqon karto sharafta umada Soomaliyeed loguna horumarinkaro dalka.
 
Dhanka kale waxaa  jira Soomaali ayadu ka Ganacsata dalkan, kuwaasi oo keena kana dhoofiya badeecadaha qaybaheeda kala duwan.
 
Mombay wa  magalaada  ganacisiga ah ee dalkan waxaa  ka Ganacsada  ganacsato soomaali ah.
 
Waxay ahayd xili  aan safar ku marayey  dhulweynaha Hindiya waxaan ka soo degay garoonka diyaradaha ee Mombay(Airportka Mombai),intii aan ku jiray gudaha garoonka waxaan kula kulmay Soomaali fara badan, waxaana ka mid ahayd Hooyo magaceeda iigu sheegtay Caasho Faarax Cali,salan iyo marxabayn ka dib ayaa waxaan weydiiyey meesha ay u socoto iyo weliba halka ay ka timi ?
 
''Ha hooyo waxan  ka tegay Mombay waxan u soocda Soomaaliya ''
 
Ma waxaad degantahay  Mombay, mise waxa  u timi arimo caafimad ayaan weydiyey ?
 
"'Maya hooyo waxaan  ka shaqaystaa dalkan anoo Soomaaliya wax  ka sooqa  kenana  Hindiya"
 
Waxaan kale oo weydiyey, maxaa keentaa  dalkan, ma keligaa ayaa Soomaali ah dadka ka shaqeysta halkan, mise waxaa  jira  dad kale oo ka shaqeeysta dalkan sida adiga  oo kale ?
 
"'Hooyo waxaan keena Dharka shiidka ah,waxaan ka qaada Cilaanka ay dumarku isku qurxiyaan iyo waxyabo kale,haa Soomaali badan ayaa  ka shaqaysata   inkasto hada ay  yartahay Soomaalidu  oo ay u wareegsadeen ganacsigoodi dalka Chine,balse waxaa jira  Dumar iyo Rag  kale  oo weli ka shaqeysta dalkan, kuwasi oo kala qaada  badeecado kala duwan  haba u badnatee Daawada iyo waxyaabo kale'' ayey  ii sheegtay Casho, inkastoao aanan waqti saas  u sii badan aanan wada joogin ayadoo uu  waqyigu  aa mid  aad u yar oo aanu   safar  kuwada  jirnay  qof walbana uu  u socady meel gaar ah,ayaan hadana waxaan u sheegay in aan u kuur gelayo xaalada Soomaalida ku nool dalkan  Hindiya, kana qorayo qoraalo, waxaan si gaar ah  uga codsaday  in an sawir ka qaado kuna soo  dabaco  qoralada,balse wa  ay ii surta geli weyday oo waxa  ay iishegtay in aysan hada diyar u ahen sawir laga qaado.



Ugu danbeytii Ardayda ayaa ah kuwo siwacan wax uga barta jamacadaha dalkani, kuwasii oo ad  marka ad  aragto ka dareemayso dadaalka ay ku jiraan sidii ay  uga faa'iidaysan lahaayeen waqtiga ay haystaan, ee  ay wax ugu baran lahaayeen dalka,dadka iyo diintaba,waxayna gaarayaan ardayda wax ka barata dalkani ilaa 1000 arday kuwasi  oo  barta culumta qaybaheeda kala duwan,dhanka amaanka  la dhaqanka bulshada   dalkani waa mid  meel sare ka gaarsisan.



Waxaa diyaariyey Maxamed Cabdi Salaad



xabeeb76@hotmail.com



Somalireal-Newdelhi-Hindiya

Comments to date: 2. Page 1 of 1.

inanta kl   malaysia

11:15am on Saturday, October 24th, 2009

salaam all somalians am live in kuala lumpur am studing there iam realy love it malaysia coz malaysia have high education and muslin country also beautiful and nice weather i hope india also like that

mohamed   malaysia

11:46pm on Saturday, September 12th, 2009

walaahi aad iyo aad yay u wanaagsan tahay in lagu noolaado dalka hindiya waay waxay leedahay maciishad raqiis ah halka dalka malaysia oo aad u qaali tahay ma ciishadiiisu somalida kunool na ay aad ula yaaban tahay

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay
  Sh Maxamed Tahliil alaha u naxariisto maxaan ku bartay? Sh Ahmed Cabdi Samad
  HILIBkA CULIMADU WAA SUMEYSAN YAHAY EE HA CUNIN.
  DURUUS KU SAABSAN RAMADAANKA KA FAA'IIDEYSO.
  DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA ? Shiikh Maxamed Idirs qebta 1-aad