DHAQAN-GOOB: WAXA CURISEY CANAB GUULEED MAXAMAD




 


DHAQAN-GOOB: WAXA CURISEY CANAB GUULEED MAXAMAD

Bishii May ee sannadkii 2008dii ayey Canab Guuleed u socdaashay tuulada la yidhaa Ismaaciil Diiriye oo ka tirsan gobolka Oodweyne, dhulkaas oo ah deegaankii ay Canab ku dhalatay kuna barbaartay. Canab intii ay socdaalka ku jirtay waxay indhaheeda ku aragtay dhaqan guur ku dhacay dadka, duunyada, deegaanka iyo qalabkii reer guuraaga Soomaalidu adeegsan jireen. Haddaba gabaygan Dhaqan-goob oo ay kaga hadlayso arrimahaa murugada leh ayaa maskaxdeeda ka soo maaxday maalmahaa ay socdaalka ku jirtay. Canab Guuleed waxay gabaygan ku soo bandhigtay oo ay kaga qayb gashay bandhiggii dhaqanka, suugaanta iyo carwadii buugaagta ee loogu magac daray MOOGE ee Hargeysa ka socday 22kii-27kii bishii Juulaay 2009ka. Canab Guuleed gabaygan hodanka ah ee Dhaqan-goob waxay fagaarahaa ka tirisay galabnimadii bishu ahayd 24kii Juulay 2009ka, maalintaa oo ahayd xilligii loo qoondeeyey suugaanta haweenka ee bandhiggii MOOGE. Waxay ku bilawday sidan.

Ga’da gabay haddaan gacalkayow, guudka ka higgaadsho
Gilgishaye haddaan soo gembiyo, waxan la guuxaayo
Gobo’ runa haddaan sheego oon, gole ka faalleeyo
Garawshiiyo maan helin tolow, garasho waa yaabe
Anoo galab carraabaaya oo, beesha yara gaadhay
Gadaashaa dambaa layga yidhi, gacalo soo jooge.



 


Goortii an dayey dhaqanki baa, gacanta ii haadshay
Iguhaadiyoo wuxu i yidhi, ereyo gaagaaban
Goobteed ku hoyataan ku idhi, waan guntanayaaye?
Wuxu yidhi, “Go’doon baan ku jirey, goor iyo ayaane.”
Wuxu yidhi, “Warmaa laygu ganay, aanan geyahayne.”
Wuxu yidhi, “Anoo geydh qabaan, meel galluubnahaye.”
Wuxu yidhi, “Dadaw ii gurmada, goosan baan ahaye.”

Geesiga u sheeg buu i yidhi, garasha dheeraaye
Gaadhsii haweenkuu i yidhi, gaari dumaroo dhan
Waana gocasho aan sii qaboo, igu gedaannayde
Gabbalkii markuu dhacay miyaa, gama’la ii diiday.

Marku waagu galac yidhi miyaan, sahanka googooyey
Geestaan jalleecaba miyaan, xaalki garanwaayey
Hadba midab guhaadlayn miyaan, wada galiilyooday
Gacantayda dhabankii miyaan, guudka ku illoobay
Hayin gibisha loo jiidayoo, gaban yar loo dhiibay
Gucle orod waxaan daba socdaa, geeddi sii rarane
Dhaqan laga gudbaan goobayaa, meesha uu galaye
Godka loo qodaan waayo dheer, laga gayoonayne
I gargaar Allahayow adaa, gacan leh oo weyne.

Gudbay oo dabeed baylahdii, galay dedaalkeeda
Fardaa gaasabixin loo cuskaday, layligana geele
Guluf iyo colaadaha fardaa ugu, gadhqaad dheere
Gabbaan looma dhiibee nin raga, gacanta loo saarye
Geyi dheer ayaa lagu tagaa, orod ku gaadhaaye
Gurmadkiyo garmaamada markuu, fadalka goynaayo
Ee u geesi guudkiisa koray, ganafka soo haabto
Ee qurux u gaariyo xariir, guudka laga saaro
Gelbiskiyo damaashaadka iyo, gabadh la soo doonay
Iyana waa gob iyo caadadeed, gola ka heenseeye
Arrintaa ninkii garanayaan, gacal wadaagnaaye
Gaadiidku wuxu nagu ahaa, guunyo qaaliyahe
Gammaankii fardood wuu ka tegey, gobolladeenniiye.

Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi
Raggii doob-garfaankiyo lahaa, geeljiraha naaxay
Raggii geeshageeshayn jiree, timaha gaydhaystay
Guurdoonka nimankii ahaa, gacalku xiiseeyo
Geesiga raggii loo yiqiin, gacanta loo taago
Hubka geela loo qaato iyo, gumuca maadhiinka
Markay garabka saaraan raggii, gelayey taariikhda
Waran-gacan raggii qaadan jirey, ammase gaashaanka
Raggii laba go’iyo garan lahaa, guudka ka iftiima
Waa dhaqan gaddoomoo ka tage, gobolladeenniiye.
Gadaal dhalad dambaa soo bixiyo, guuto weerarehe
Gulufkay ku qaadeen dhirtii, gawda laga saaray
Waa gelengel kaymii ahaa, gees walba u raace
Galoolkiyo maraageenni baa, sii gabaabsi ahe
Ragga geela seeteeyey iyo, ramadka goohaaya
Iyaguna garaabada qallalan, gega ku ruugaaya
Habeenkiina guuraha ku taga, guriga reerkooda
Waa gurintir nagu soo baxoo, godobi noo taalle.

Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi
Guudiyo hablii loo yiqiin, Gaasiriyo Dhuuxo
Hablihii garayskiyo lahaa, summad kaloo gaara
Hablii timaha gadafeyn jiree, joogey gurigooda
Hablii geela laga bixin jiriyo, gaado faraskeenna
Hablii garangar beeshoo u taal, wada gargaaraayey
Ee qabyada ku geeraari jirey, gebagabaynteeda
Iyaguna gaddoomoo ka tage, gobolladeenniiye

Gurboodkii ka soo hadhay na nece, guri-dhiggoodiiye
Magaalada markay soo galeen, xaalkigaran waaye
Bac guduudan bay guri hortii, gega ka waabteene
Garaabiyo waxay iibiyaan, geed-xun iyo shaahe
Geyaankoodi baa gabay hadday, gebi dhacleeyeene
Haddaydaan ka gadanaynin may, gegeda joogeene
Goobtaana idinkaa na dhigay, garanna maysaane.

Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi
Ubbadii Gedaan-dheer, qumbiyo, goobti subaggeenna
Guda weyne kolay gii dhacdada, guri dhan qaadaayey
Xeedho gobi ku kulantoo gardhiyo, giringir loo yeelay
Iyo gocayo haanoo gadhoodh, subag ka soo goysa
Gurgur saabsanoy gaari dumar, gacanta soo saartay
Oo wada gingimanooy dhammaan, gadaw sibbaaqaysay
Marke gaar leh gorofkoo la culay, geela lagu maalo
Masaf garawga lagu haadiyoo, wada garaaraysan
Garka iyo dhegaatiga dhanrare, surradda loo giijo
Iyo waxaan garaad koobinoo, guriga hoos yaalla
Gawdiidka dhigaha iyo lool, quruxda loo gaafay
Iyo udub gengaanka u hayoo, guriga xooggiis ah
Gudbanow aloolkiyo kebdaha, baraley goobaysan
Harrar gobolba cayn yahay xariir, magaca googoosa
Gabdhihii samayn jirey ka tage, gobolladeenniiye.

Gob waxaan ku nahay dawlad, aan gaar u leenahaye
Gob waxaan ku nahay geedka iyo, gacal ku-sooryeyne
Gob waxaan ku nahay gaadhka iyo, gogosha hoos taalle
Gob waxaan ku nahay gooddigiyo, talo la guulaaye
Gob waxaan ku nahay gacanta oon, tacab ku gaadhnaaye
Gob waxaan ku nahay guunyadiyo, badaha guuxaaya
Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi
Garka iyo wadnaha ruux la jaray, waa galbanayaaye
Galawga iyo fiintaa ka ciya, roobka soo guda e
Xidhadhkii gasiinkiyo ahaa, gaadhka iyo hooska
Quruxdeenna gaarka ah haddii, ganacsi loo qaado
Nin garaabo siistiyo haddaan, gudinta loo diidin
Innagoo gumawna iyo caydh, gororku weeyaane
Nimanyahaw ammuuraha gedmada, ee la garan waayo
Naf go’daanu celinine nin ragi, waa gorfayn jiraye
Guntadoo ka kaca yeynu noqon, gegi habaas weyne
Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi
Goobtuu ku hoorana ma qoyo, geedku Genayow e
Daadkaa galgalad nooga tagon, xididka gaadhayne
Gebiyada biyaha goostay ee, naga gaddoomaaya
Gacammada haddii loo xidhoo, gudubka loo leexsho
Gubasho iyo oonka na helay, waan ka gami’layne
Geyigeennu wuxu noqon lahaa, godan barwaaqaade
Guntada oo ka kaca yeynu noqon, gegi habaas weyne.

Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi
Ahminkaa gurguuranaya iyo, gorodda noo joogta
Gammaanka iyo geesley dhammaan, guunyadaan hayno
Goodirkiyo ugaadheenna iyo, gorayadii heeryo
Guyaal joogi maayaan haddaan, geedka loo tudhine
Guntada oo ka kaca yeynu noqon, gegi habaas weyne.

Allahayow gacmaha hoorsannee, barako aan guurin
Noo geli raggeenniyo kuwaan, haatan garan weynay
Allahayow gacmaha hoorsannee, barako aan guurin
Noo geli haweenkiyo gabdhaha, guudka fidhanaaya
Allahayow gacmaha hoorsannee, barako aan guurin
Noo geli gurboodkiyo dhallaan, guriga noo jooga
Allahayow gacmaha hoorsannee, barako aan guurin
Noo geli daruuraha giblane, guudka naga maydha
Gu’ onkoday xareed galacle iyo, rays gabbala yeesha
Oon gufaaco xoogliyo lahayn, gaydh wax naga laysa
Guullow Allahayow na sii, gacani waa taaye
Guntimaha isdhaafiyo Allow, garawgu noo beermo
Gasiinkana Allow nooga yeel, midhaha gaaxdooda
Oo maalka naga gudhan Allow, godol ku soo jooji


Qalinkii Cabdalla Xaaji Cusmaan
Cabdalla_xaaj@yahoo.fr





 



 

Comments to date: 1. Page 1 of 1.

zaki   yemen

11:41am on Monday, November 9th, 2009

runti waxa sharaf ah in gabar somaliyed ay garto waxay garanwayen abwanada somaliyed sida hadarawi yamyam(alle ah u naxariste) iyo sangub waxan leyahay halka ka wad gabyadada waxad u muqata qof leh mustqbal dhanka fanka thank you

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Abwaan Cabdirashiid Cumar Al khaalidi (ina cowsgurow). Waa Abwaan da'yar oo ku dhashay Magaalada Garissa Sanadku markuu ahaa 1980.
  Maansa cusub oo Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi ka tiriyey qaadka
  Maahmaahyo Somali iyo ingiriis ah
  Taariikhda Qoraalka Far Soomaaliga
  Gabay lagu difaacayo Nabiga, abawaan Abshir Bacadle