SUFIYADA SOMALIA: MARXALADII BUNKA IYO TAN BAMBADA.



Waxaa xusid mudan inaan isla fahano kelmadda (suufiyah) ama (suufi) meesha laga soo dheegtay asal ahaana ay kasoo jeedo, eraygaas culimadii rogrogtay waxay ku macneeyeen laba arimood oo luuqad ahaan loogu abtirin karo:
1) Aragtidan waxay leedahay kelmadaasi waxay ku biya-shubanaysaa loona tiirin karaa"dadkii danyarta ahaa ee masaajidka nebiga (NNKH)deganaa (ahlu suffah) iyadoo la waafajinayo culimada suufiyadu qaabkay u noolyihiin oo malaa u'eg hab nololeedkii kooxdaas aan soo sheegnay.
2) tankale waxay tahay eraygani wuxuu ka yimid (suuf) oo maro jilicsan la macno ah ujeedaduna waxay tahay culimadasi waxay ku lebisan jireen maryo jilicsan sidaas ayaana magucu ugu baxay aragtidan danbe ayaa xaqiiqada u dhow sida loo badan yahay amaba laysla qiray.
suufiyadu waa urur-diineed muddo aan yarayn geyigeena somaliyed ka dhisaalaysnaa, summadooda iyo astoontooduna waxay ahaan jirtay, dharwr sooni, aduunyada oo waxweyn aan loo arag, wakhtigooda waxay qayb-libaax leh kasiin jireen arimaha diinta, dedaal aad u xeeldheerna waxay ku bixin jireen fidinta, faafinta iyo fahansiinta mabaadi'da islaamka ee bulshaday ku dhexnoolyihiin, kolol badan waxaa la arki jiray wadaadkii oo ku foogan kitaabii oo rixli usaaran, haddaanu markaas akhriyeyna kama aga fogaan jirin, waxay ahaayeen saldhig muhiim ah oo loo noqdo markii arini murugto oo xeerkii la dhigtay shaqayn kari waayo sidaan ka dheegan karno suugaanta somalida dhexdeeda, aan hadalkayga ku xoojiyo tuducdayan gabayaagii waynaa  ee Adan Yusuf axmed (adan carab) Alla haw naxariistee arintaas ku taariikheeyey markuu lahaa:
Mufti wuxu hadlaa goor cilmiga loo muctaad yahaye .
jeerooy masalo oodantoo maaro laga waayo .
oo meher haween iyo xaqoo murugsan loo keeno .
muqniga looma soo furo su'aal aan macno lahayne.
dhanka kale suufiyadu ma lahayn himilo sii ridan iyo damac qota-dheer oo ay ku doonayeen inuu kitaabku noqdo manjah haga dhammaan dhinacyada nolosha aadanaha caynkastay tahay ba!.waxay ku koobnayd keliya amuuraha shakhsiga ah sida: guurka, dhaxalka, iyo simitaanka dakharrada iyo daanooyinka kala gaadha haddaan dhanka xeerka loola kicin!.
bushadeeni hore tixgelin iyo qaddarin baaxad wayn bay u hayeen diinta iyo wadaadka xambaarsan ba! nolosha ninka wadaadka ah waxaa dhabarka u ridan jiray beeshuu markaas dhexjoogo waxayna siin jireen waxay hayaan waxa ugu fiican, waa loo loogi jiray, gabdhaha ayaa lagu dari jiray iyadoo yarad iyo gabaati doona aan la waydiinsan! waxaa dhici jirtay aabaha caruurta dhalay inuu mid ama labo wiilashiisa ka mid ah ku lamaaniyo wadaadka si ay diinta uga bartaan, aabahasi wuxu huri jiray wuxu hayo waxa ugu qaalisan waa geela, wiilku markuu qur'aanka kala badhkiisa joogo qaalin buu wadaadku lahaan jiray markuu kitaabkoo dhan ebyona qaalin kale ayaa wadaadka loo darbijiray.
Iyadoo tixgelintasi jirto hadana waxay qabeen aragtiyo gurracan oo ah inaanu wadaadku ka qayb qaadan karin dhammaan dhinacyada nolosha tusaale ahaan : markii rag layska celinayo lama tirsan jirin ninka wadaad ah, somalidii hore ee raacata ahayd qaarkood waxay ba qabeen raganimada wadaadku inaanay dhamaystirnayn, "waayeel somalidii berigaas noolayd ah ayaa la waydiiyey su'aal ah (intee barbaar ayaad dhashay) warcelintiisii waxay noqotay ( waxan dhalay afar wiil iyo mid wadaad ah!!) ma aamin sanayn inuu wadaadku buuxin karo kaalinta ninka warna laha ahi buuxiyo sida dhaca, dhicinta geela iyo haasaawaha haweenka iyo arimo kale.
sagaashameeyadii qarnigii ina waydaartay waatii arinta somalidu mugdi gashay taasoo la dhihi karo ilaa hadda mugdigii iyo madowgii bay weli dhex muquuranaysaa!.
kooxo aan tira yarayn ayaa garoonka mustaqbalka ummadu yaaley isugu yimid mid waliba wuxu rabay inuu qaab iyo qorshe isaga u gooni ah u maamusho waase laysku maandhaafay.
horjoogayaal dagaal ayaan tareenkii ummadu saarnayd isteerinkiisa dhinaca haysta! dhanka kale waxaa haysta wadaado hammuun u qaba hirgelinta shareecada islaamka! dockaloo sadexaadna waxaa haystey dawlado shisheeye dano badanna dalka iyo dadkaba ka leh.
koox-diineedan suufiyah qayb la taaban karo kama qaadan jaahwareerkii ummadu gashay ma meel ay ka bilaabaan bay garan waayeen! mise dhibaatada dhacaysa ayey ka dhawrsadeen in mustaqbalka loogu abtiriyo lama garan karo!!!?.
waxay hawada ka maqnaadaan ba haday iskeeneen iyadoo cadow somaliyed oo guun ahi galbinaayo (ethiopia).
waxaa ka go'an inay saami la taaban karo ka qaataan burburka iyo barakaca dadkooda, taba-baro baa loo fidiyey hub iyo saanad culusna waa lagu soo hubeeyey, siday hawsha u fuliyaana sheeda ayaa lagala socdaa, ma doonayaan inay ka gaabiyaan dhaliilina uga timaado hirgelinta hawshii loo igmaday!!.
magaca lagu shaqaynayaa waa magac islaami ah oo qaali ah (Ahlu-sunnah wal jamaacah), magaca laftiisu waa afduuban yahay waxaana laga maroorsaday malaayiin ku abtirsata!!..
suufiyadu hadday shalay ahaayeen rag ka caagan hurinta iyo afuufida dababka fitnada maanta iyagaa hormuud ka ah, hawlgallada ummadu lagu halaagayona iygaa hogaanka u haya!!!
markaad daymooto xawligay ku socdaan iyo siday ethiopia ula mataanoobeen waxaa dubaaqaaga ka daadegaya inay suufiyadu doonayaa inay soo qalleeyaan qalalaasihii dalka ka aloosnaa muddadii sideed iyo tobanka sano ahayd oo malaha ka qayb-qaadashadiisa ay ka qatanaayeen!!.
warku wuxu ku iba-beelayaa su'aasha ah "xilligii bunka iyo hadday tahay wakhtigii bamboyinka iyamay suufiyada ugu badisaa!!!?.
jawaabta akhristaha ayaan uga tegayaa.


W/Q. Aadan Cige Cali


softhair05@hotmail.com


www.somalireal.com


Comments to date: 12. Page 1 of 1.

Cabdi casiis   Jigjiga ethio

10:17pm on Sunday, September 5th, 2010

Asalaamucaleykum
waxanleyahay dadka camada cilmilawayaasha ah suufi wax hakashegina suufi macnehedu waa saafi saatir dhowron saxar xuman ah laga heleyne

barkhadle   lasanod

9:05am on Thursday, August 19th, 2010

suufiya aniga aya kamidaha lakin tan manta tagerta ethopia e ahlusunah ala baxday wa suufiyo siyaasadaysan mana manjahkana gudub martay qoraga waxna wa kusaxsanyahay waxna wa kuqaldanyahay oo waxu isracshay suufiyada wali duurka kaga jirta dulmiga falidisa iyo ta u kaashatay cadowga

Anonymous   Location unknown

5:21am on Monday, December 14th, 2009

Marka kowaad waxaan si diiran ugu mahadcelinayaa qoraaga maqaalkan quruxda badan uu maskaxdiisa kasoo maaxdey allah ya cizzak baan ku leyahay mr cige.
waa tan labaade suufiyada waa virus aad u foolxun oo ummada somaliyed kusoo biray waxaana naas nuujiyey cadowga ethiopia ee malcuunka ah.
waxayna ku caanbexeen diin xumo damiir xumo dadnimo xumo iyo daba dhilifnimo.
waa nimankii markii qabqablayaasha somalidu is laynayeen mid kasta intay lacag ka taaqaan ku lahaa adigaa weli ilahay ah caydid bay ku dheheen oo jar ka tuureen isagoo umadda dhiigeedii cabaya baa suufi xun o injir badan oo weligiinba aan qadayn been u sheegay oo xagaana ka qaatay.
tankale jaahilkan doqonka ah ee meesha ku soo qoray salaaxu diin baa suufi ahaa iyo daariq binu siyaad, wuxu dadka u sheegay inu jahil dhega xidhan yahay.
suufiyada somalia waa laba nooc oo an shaqo isku lahayn xataa isku caqiido ahayn.
nimanka saalixada la dhaho waa niman sharafleh waana ragii uu seyid maxamed ka mid ahaa iyo mahdiga iyo waana nimanka weligood galada la dagaalami jiray jihaadkana u taagnaan jiray. xata markii siyedku yimi somaliyed qadiriyada oo qaad iyo sigaar dhuuqaysa ayuu u sheegay inu xaram yahay waa wax qoran
kuwa kale waa qadirayah waa kuwa ugu liita caqiqo iyo cilmi tona ma leh waana nimanka melez nazaawi hada hoostiisa galay saalixiyana shaqo kuma leh waa rag culimo ah meelahay joogaan waa la yaqan.

Hersi   america

9:55am on Wednesday, December 9th, 2009

jaahil baa maqalka sare qorey aan xattaa carabiga aqon ulaheyn..sufiya waxey ka timit al-tasawuf micnuhuna waa qalbiga oo laga safeeyaa xuaanta tassawufna waa safeyn ama daahirin micnuhuna waa quluubta oo xumaanta laga dhowro..somaliana sufiyadu taariikh weyn bey ku lahaayeen ka xoreyntii gumeysiga dalka sida ahmed guray ..sayid maxamed..sh..sufi ..sh/zeylaci boq/osman.. sul/keynadiid kulli suufiyaal bey ahaayeen ka qaaradahaana africa ,eeg cumar muqtaark libya mahdiga suudaan ..sh/sanuusiga aljeriya kuuli suufi bey ahaayeen xaga kale islaamka dib u,eeg daariq ibn ziyaad ee andlus furay waa suufi ..salaxdiin al-ayuubi oo xoreeyey al-qudsi suufi buu ahaa .sidoo kale maxamed al-faatixii 2ad ee furay qasdhan-dhiin (turkiga)ee nabigu tilaamay in lamahadindoono isaga iyi ciidankiisuba suufi buu ahaa waana tan ay suufiyadu ku faanaan in nabigu amaaney waana xaddith uu amaam axmed musnadkiisu ku wariyey al-xaakim al-dahabi iyo bayhaqiiba saxiixeen ..marka ninakani jahilk diinta ka ah aqoon la,aanbaa diinta ka heysa ..qofkii aan wax aqoon waxaa wacan in uu iska aamusaaa ama dadka aqoonta leh wax weydiiyaa culimada islaamka ugu caansan oo dhan waa wada suufi sida imaam al-nawawi ..ibn xajar al-casqalaani ..al-dhabari ..al-bayhaqi alxaakim al-dahabi iyo badi a,immada islaamka oo dhan

Khalif Duale   uk

7:58pm on Monday, November 30th, 2009

Mr Mohamed aden cige sidaad run uga hadleysey ayaa been ku gunaanudey adoo kalena waa la yaqaaan waaa tahay wahaabi kalkaal uu alle ka cabsi giisu yar yahay. hadii aad alle ka cabsaneysidna culimada u aadan gafteen.

wahaabi jabiye   somalia

7:58pm on Monday, November 30th, 2009

wahaabiyoow magacyo badan maanta ma shaarkaan ayaa soo gashateen somali badankeed waa idin fahamtey sida aad u dhantihiina fashil ayaa idiin dambeysoo insha allah

wahaabi jabiye   somalia

7:54pm on Monday, November 30th, 2009

wahaabiyoow magacyo badan maanta ma shaarkaan ayaa soo gashateen somali badankeed waa idin fahamtey sida aad u dhantihiina fashil ayaa idiin dambeysoo insha allah

Khalif Duale   uk

7:52pm on Monday, November 30th, 2009

Mr Mohamed aden cige sidaad run uga hadleysey ayaa been ku gunaanudey adoo kalena waa la yaqaaan waaa tahay wahaabi kalkaal uu alle ka cabsi giisu yar yahay. hadii aad alle ka cabsaneysidna culimada u aadan gafteen.

axmed   gaalkacyo

11:37pm on Wednesday, November 11th, 2009

hadii aad rabtaan in ay weeso idiin dhoowrnaato soo celiya comentigii jaamac oo muqdisho jooga

axmed   gaalkacyo

11:36pm on Wednesday, November 11th, 2009

kuwa webka maamulo waa qurun axmaqiin ah oo aan cadaalad aheeyn ogaada waxaad tihiin dad bahalo ah oo saxaafada meel kaga dhacay maxaad aragtida suuban meesha uga saartaan inkaar idinku dhacdaye

c.salan jamac   hindia

6:40am on Saturday, September 19th, 2009

waa maqaal fican lakinse waxaad moodaa inuu cadaalad ahayn waayo suufiyada keliya ayuu qoraagu wareeray aaway dhibaatadii al shababka iyo tii xisbul islaamkuba,

axmed cabdulle   UK/berminham

12:15pm on Thursday, September 10th, 2009

yaa salaam maqaal aan la dhacay weeye, aad baana qoraaga ugu mahad-celinayaa.
waa article isbarbardhigaya siday xaalku shalay ahaa iyo siduu maanta yahay!!.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay
  Sh Maxamed Tahliil alaha u naxariisto maxaan ku bartay? Sh Ahmed Cabdi Samad
  HILIBkA CULIMADU WAA SUMEYSAN YAHAY EE HA CUNIN.
  DURUUS KU SAABSAN RAMADAANKA KA FAA'IIDEYSO.
  DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA ? Shiikh Maxamed Idirs qebta 1-aad