Maliibaanayaasha lagu liibaaney W/Q Cabdiqani



Qofkasta oo arka ciwaanka Faalada waxaa u iswaydiinayaa macnaha uu xambaarsan yahay ciwaanka Faalada.
Laakiin akhristow Hogaamiyaasha, may yagaa Dagaalama?,may yagaa Dhinta?,Qoyskooda miyaa Geeriyooda?,dhimashda dhalinta miyay ka damqadaan? may yagaa dagaalamama? ,waxaan u malynayaa Qof kasta oo su,aalahaasi la waydiiyo waxaa uu la soo Dag dagayaa maya maya.


Waxaa hubaal ah tan iyo markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Wadanka Soomaaliya (27,1,1991) ayaa waxaa Wadanka martida u ah Dagaalka ee Soomaaliya lagu arkayay waxyaabo salka u haya arimaha lagu yaqaan dowlad la,aanta kuwaasi oo ay ka mid yihiin,Dil,Dhac,Kufsi,Dagaal,Barakac,Burbr,Qas,Qalalaanso uu quutay Wadana qaska quutay ee Soomaaliya ee Qarankiisii dumay oo qalfoofka harsanaya.


Waxaa wadanka ka dhacayay Dagaalo is daba jooga,kuwaasi oo dhibaato ay ka soo gaaratay umada Soomaaliyeed,marka laga yimaado Hogaamiye Kooxeedkii awood ku faanka iyo Keeb la yuururka ahaa ,waxaa jiray dhalin yaro fara badan oo iyagu isiday Qoryaha kuwaasi oo marnaba aan fahan sanayn Hadimada sababtay Halaaga ee gacanta kula jireen.


Dhalin yaradaasi ayaa waxaa ay ahaayeen sagaal iyo tobankii sano qayb kamid ah kuwo lagu beer laxow saday Qabiil,Dhaqaale iyo waxyaabo kale oo salka ku haya,waa arimaha keenay in mustaqbal koodii uu geed dheer ku laalmo,isla markaasina uu ku soo ururo Dhimasho iyo nolol liidata,dhalin yarada ku Dhimata xaalkaasi maxay ku dambaynayan geerida ka dib mar hadii Bulshada Soomaliyeed oo aan waxba galabsan ay hiiga dhegta u dareen? jawaabta su,aashaasi waxaan filayaa waxaa cadeeyay Quraanka Kariimka ah.


Kaagaba sii darane Dhalin yarada Hubka u wada Hogaamiyaasha ma ahan kuwo joog saday ee waxaa ay noqdeen kuwo marba marka ka dambaysa sii siyaadayay,waayo waxaa ay heleen Dhiiri galin taasi oo ay keentay todobo Qaaf oo uu Dagaalku uu baray oo Jaamacada Dagaal ee sagal iyo tobanka sano(19 SANO) ay baranayeen ay uga soo baxeen, kuwaasi oo kala ah,Qaado,Qayil,Qaylo,Qabiil,Qalalaanso,Qab,iyo Quursi oo markii dambe dhaxal siisay shahaado la qaato tan ugu liidata oo ah adigaa( Quman),waana tan ku dhiirisay in dagaalada ay sii wadaaan.


Hogaamiyuhu waxaa uu ka hadlayaa Saxaafada magaciisu waxaa uu noqonayaa mid caan ah,waxaa uu ka qayb galayaa shirar caalami ah oo u dhaxeeya isaga iyo cida uu markaasi la Dagaalamayo,laakiin dhibka waxaa maraya waa Dhaliln yarada Soomaaliyeed wax aan ugu yeeri karno dheef ku sheegna waxaa helaya Hogaamiyaha,akhrisrtow inay tahay amakaag waan filayaain aad garowsatay.


Akhristow mar hadii Hogaamiyaha kan hubka u wada uu yahay Dhalin yaro,la,aantiisna aysan waxba u suurto gasheen miayasan habooneen inta lala hadlayo Hogaamiye kooxeedka in dhalin yaradaasi la wacyi galiyo,si Mustaqbalka loo waayo dhalin yaro Qoryo u sida Hogaamiye Kooxeedyada?.


Xaalada shacabka Soomaaliyeed waxaa ay u muqanaysaa mid salak ku haysa maahmaahda ah(Bowdyo Geel Manafsi Xaxaan) waayo oadaygaa reeka Geela leh,halka uu usha kaga dhufto ayaa cunuga uu dhalay ee laba jirka ahaa marka aabihii Geel raaca ahaa,marka uu waynaado uu isna kaga dhuftaa,miyay san dhab ahayn dhalin yarada soo baxayana in mustaq balka ay mid taasi dhigeeda ah ay u gaysanayaan shacabka hadii xaalku uu sidaa sii ahaado?.


Dhalinta Maanta iyo Dhibaatadooda


Sanadihii ugu dambeeyay waxaa Wadanka Qaska Quutay ee Soomaaliya ka soo baxay Ururo Diimeed oo iayagu mar kasta oo ay hadlaanba sheegaya in ay ku jiraan jihaad,lana dagalamayaan wax ay ugu yeeraan Murtad,Dad ridoobay, waa arimaha ay ururda Diimeed ee ka jira Wadanka Soomaaliya ay waxa ay ugu yeeraan jihaadka ay sal uga dhigaan.


Waxaa dhowananhanba is Qarxinayay Dhalin yaro aqoon yahano ah oo wax ku Bartay Wadamada hormaray Dhibaato badana geystay Dad wax tar lahaana Luxudka aakhiro marti uga dhigay,miyaysan wali kuu muuqan in Dhibaatadu in ay tahay dhalin yarada,mar hadii hawsha intaasi le,eg ay hayaan maxay faa,iidayaan?,Qofkasta oo su,aashaasi jawaab u doona ee xaalka Wadanka ka war haya waxaa uu si fudud u heli karaa ja waab waafi ah oo ka tarjumaysa faa,iidada Dhalintaasi.


Hadaba akhristow Soomaalidu waxaan filayaain aan isku raacsanahay in Wadankii dhalin yaradiisu ay wanaag sanaadaan in uu noqonayo wadan horumaray,waxaana aan laysku diidanayn in dhalin yaro ay ku hormari karto iyagoo hela wax barsho iyo tababar,inkastoo dhalinyada maanta ay u baahan yihiin wacyi galin.


Soomaalidu waxaa ay tiraahdaa hadal badan haan ma buuxyi aan soo afmeero faalada akhriste dhlin yaradu miyaysan ahayn maliibanayaan lagu liibaanay.


11


C/qani C/laahi Cabdi


Kaahil10@hotmail.com
Bosaso, Puntland

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay
  Sh Maxamed Tahliil alaha u naxariisto maxaan ku bartay? Sh Ahmed Cabdi Samad
  HILIBkA CULIMADU WAA SUMEYSAN YAHAY EE HA CUNIN.
  DURUUS KU SAABSAN RAMADAANKA KA FAA'IIDEYSO.
  DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA ? Shiikh Maxamed Idirs qebta 1-aad