Bishan dhexdeeda ayaa ilaahay kitaabkiisa kasoo dejiyey lawxul-maxfuudka wadar ahaan, keenayna halka loo yaqaan baytul-cizza ee samada ugu dhow ku taal, halkaas ayuu muddo 23 sanadood ah kasoo degeyey isagoo xalinayey hadba dhibaatooyinka nolosha aadanaha soo wajaha, ahna dastuur la jaan-qaadi kara aminkasta, iyo manhaj si cad u qeexay danaha labada la cusleeyey waa (insiga&jinka).
Bishan dhexdeeda ayey ahayd markii Nuurka islaamku ka bidhaamay jaziirada carabta dhexdeeda, waa Nuur xambaarsan samaha iyo toosnaanta tusayna dadka toobiyaha xaqa ah, bulshadii markaas noolayd waxay ku sugnaayeen gudcur dam ah, noloshuna wax qiimo ah uguma fadhin,qaanuunka keliya ee shaqayn jiray wuxuu ahaa tamarta iyo taagta ciddii ku tilmaaman baana nolosha xaq u lahayd inta kale, dhaca, addoonsiga, iyo hagar-daamooyin kale ayaa ugu qornaa dastuurkii caalamka waagaas u yaalley.
Taariikho badan oo bulshada islaamku ku naalooto meel sarena kaga qoran xasuus qorka muslimiinta ayaa bishan dhexdeeda dhacay waxaana ka mid ahaa:
17, Ramadaan sanadii labaad ee hijrada waxaa dhacay dagaalkii waynaa ee BADAR taariikhda ku galay, dagaalkan waxaa fooda isku daray laba guuto, mid waxaa hogaaminaya Nebi Muxamed (NNKH), kan kalena waxaa gadh-wadeen ka ahaa Fircoonkii ummadan Camar bin hishaam (abu jahal) guushii waxaa la galbaday kooxdii Islaamka ahayd, waxaana la laabay calankii kibirka iyo qabwaynidu horkacaysay Abu Jahal iyo rag kalena dhegtaa-dhiiga loo daray, taasi waa guulweyn oo bisha ramadan lagu xasuusan karo.
Gabyaagii caanka ahaa ee Cali Cilmi Afyare meerisyadan gabayga ah ayuu dagaalka ka mariyey:
Goobihii asxaabtiyo wixii nebigu uu gaystay.
Gaalada sidii loo jebshiyo gamaski loo qaatay.
Guulamadii yawmul-beder go'aydi yeedhaysay.
Genbi iyo dagaal buu ka maray geesigii caliye.
Galladaas rag baa dhaliyey iyo goolka nolosha ahe.
Ilaahay gargaar kama helaan duul gedaadsaniye.
8-H-RAMADAN: wakhtigan Nebigu wuxu isku duba-ritay 10.000 oo ciidan ah, Makka oo ahayd magaaladii laga soo saaray ayuuna dib ugula wareegay, dhagxantii gaaladu caabudaysayna waa uu biya raaciyey, guul labaad dheh.
9-H-RAMADAN: waxaa gacanta lagu dhigay daa'if iyo qabiilkii degi jiray (thaqiif) ka dib madax-adayg iyo labaatan sano oo ay xaqa ka biya-diidayeen.
13-H-RAMADAN: Muslimiita iyo dawladii furus(persia) waxaa dhexmaray dagaalkii (buweyb) ciidanka Muslimiinta waxaa hormuud ka ahaa saxabigii (al muthanaa bin xarithah) dhanka gaaladana waxaa bandiirada u siday (mahraan) Muslimiintu maalintaas waxay gallaafteen ciidan 100.000 lagaga dayriyey, iyagana waxaa ka shahiiday rag aan tiro yarayn.
91-H-RAMADAN: Muslimiintu waxay furteen gacantoodana kusoo dhacday (andlus) guushaasna waxaa Muslimiinta usoo hooyey geesigii caanka ahaa taariikhduna baalka aan la ilaawi karin ku qortay ( Daariq bin ziyaad) ciidanka Muslimiinta waxaa tiradiisa lagu sheegaa 12.000, dhanka kale waxaa kasoo jeeday boqorkii spain(ludriiq) ciidankiisu waa 100.000, waxaa laysku herdiyey waadiga la yidhaahdo(lakkah) Muslimiinta ayaana ku lib helay dirirtaas.
223-H-RAMADAN: khaliifkii Muslimiinta berigaas( almuctasim bin rashiid) oo wata 150.000 ayaa galay magaaladii dawladii roomaanku sida weyn u ilaalin jirtay( Cammuuriyah), magaaladani waxay ahayd meel si adag ammaankeda loo sugi jiray, dawladuna waxay u waar-diyeyn jirtay si ka daran caasimada (Qostantiniyah) waxay ahayd meel ay nafta agdhigaan.
264-H-RAMADAN: waxaa Muslimiinta gacantooda gashay (saraqosah) oo ka tirsanayd jaziirada (siqiliyah) jacfar bin muxamed ayaan hawl-galkaas fuliyey tasi waxay dhabar-jab ku keentay biizandiyintii waxayna manja-xaabisay istaraatiijiyadoodii dagaalka.
658-H-RAMADAN: waxay ahayd maalin Muslimiinta culays badani ka degay ayna xoogaysteen kadib maray jilicsanaayeen, amnina ay heleen dareen cabsiyeed dabadiis,
Waa maalintii ay dhacday (caynu-jaaluut) tattaarkii iyo Muslimiinta ayaa maalintaas fooda isgeliyey ilaahay wuxu u hiiliyey kooxdii dhinaca tawxiidka kasoo safnayd.
666-H-RAMADAN: tanina wa ayaan kale oo tarikhda islaamku horay u'amba qaaday waa maalintii ay xorowday magaalada (andaakiyah) gacantii macatableydana laga fara-maroojiyey, boqorkii halyeyga ayaa (dahir baybaras) ayaa Muslimiinta markaas u ariminayey, intii magaaladu gacanta saliibiyiinta ku jirtay waxay ahayd meel ay dagaalka Musliminta ka dhanka ah kasoo abaabulaan, gulufyo colaadeedna kasoo qorsheyaan.
673-H-RAMADAN: waxay maalmuhu wareegaanba habeenka iyo dharaartuna isdaba guuraan waxaa la joogaa xilligii la furtay (armenia) himiladii Muslimiintu ku riyoon jireen ee ahayd inay maalin uun halkas gaadhaan waxaa u hirgeliyey boqorkii Dahir baybaras.
702-H-RAMADAN: waxay ciidamada Muslimiintu dagaal ba'an la galeen (magolliyintii) markay damceen inay taliskii islamka ee masar ka jiray xidida u siiban, khaliifadii al Mustakfi billaah ayaa Muslimka Madax u ah amintaas,dagaalkaas waxaa ka qayb galay caalimkii weynaa Sheikhul Islaam Axmed bin C/xaliim(ibnu-teymiyah) af iyo adinba wuu kaga qayb-qaatay shiikhu dagaalkaas, bilawgii dirirta waxaa gacan sareeyey magolliyiinta guushuse markii danbe Muslimiinta ayey usoo meertay.
829-H: dawladii Muslimiintu waxay hanatay jaziirada cyprus(qubrus).
927-H-RAMADAN: waxaa la furtay magaalada (belli-garad) dawladii cusmaniyiintu (Osman empire) ayaa fulinta hawshas hirgelisay gaar ahaan suldaankii xilligas joogay (suleymaan al qaanuuni).
Bishan dhexdeeda meelo fara badan ayaa Nuurka Isalamku gaadhey , cadaalada iyo sinaantuna ka hana-qaadeen dadkuna ka gilgishay dulmi in badan noloshooda ku badhxanaa, dhanka kale marka laga eego waa bil taariikhda islamku horu-kac weyn samaysay.
Waa markii ciidanka Muslimiintu gaadhay yurubta galbeed qaybo ka mid ah gaar ahaan (france) meel 30KM u jirta dhanka galbeedna kaga aadan magaalo madaxda dalkaas (paris).
Ramadaantu marka laga tago khayrka iyo badhaadhaha kale ee dhexdeeda ceegaaga waa bil jihaadka iyo guulaha waaweyn ee islamku gaadhey lagu xasuusto taariikhduna ku xusto.
Qofka baalasha taariikhda rog-roga wuxu arkayaa Ramadaantu inay tahay xilli taariikhdu raad badan ku leedahay.
W/Q. Aadan Cige Cali
Comments to date: 2. Page 1 of 1.
Bile Norway | 5:32am on Friday, August 13th, 2010 |
dagaal dagaal dagaal dagaal. | |
c.samad axmed australia/melbone | 3:42am on Wednesday, September 23rd, 2009 |
waa article tarikh muhiim ah tilmaamaya, waxaana jecelahay articles kan oo kale in naloo soo badiyo si aan uga faa'iidaysano. | |