Aqoon guud oo ku saabsan diinta Islaamka


Diinta Islaamka waa diinta kaliya ee xaqa ah, mana jirto diin kale oo qofka laga aqbalayo inuu haysto, diinta waa diin dhameystiran oo ilaahay ugu tala galay inay sii jirto ilaa aduunyada laga gaba gabeynayo.


Diinta Islaamka waa diinta ilaahay raaliga ka yahay waxaana umadan soo gaarsiiyay Nabi Maxamed (SCW) wuxuuna geeriyooday markii uu umadan soo gaarsiiyay, iyadoo markii uu geeriyoodayna ay Saabiibadiis ay umada soo gaarsiiyeen waxayna inaga ina soo gaartay iyadoo dhameystiran oo sidii Nabi Maxamed uga tagay ah.


Diinta Islaamku waxay ku taagan tahay 5 tiir waxayna kala yihiin.


1- inaad qirto in cid xaq lagu caabado ayan jirin ilaah mooyee, qofkii cid kale cibaadada alle u leexiyana uu gardaran yahay.


2- Inaad Salaada toosiso, waxaadna maalintii tukaneysaa 5 waqti.


3- Inaad Zakada bixisaan cidii awooda oo xoolo ay xeko ku waajibtay haysta.


4- Inaad bisha Ramadaan soonto, iyadoo dadka qaarna ay cudur daar leeyihiin.


5- Inaad xajido oo booqato Kacbada cidii awooda, waxaana qofka lagu leeyahay cumrigiisa hal mar, qofkii awoodana wuu ku noqnqon karaa laakiin hal mar ayaa waajib ku ah.


Arimahaas waa kuwa qofka laga rabo inuu sameeyo waana tiirarka uu Islaamku ku taagan yahay.

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  DURUUS KU SAABSAN RAMADAANKA KA FAA'IIDEYSO.
  Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 4-aad: DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW
  Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 3-aad: QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB
  Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 2-aad: Dulaankii Abraha ku soo qaaday Kacbada.
  Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 1-aad Nasabkii Rasuulka.