MUXUU KU SALEYSAN YAHAY WEERARKA LAGU HAYO INDHA SHAREEKA?


HOR DHAC

Xiliyadan danbe waxaa isasoo taraya weerarka lagu hayo Xijaabka kasoo asal u ah dhowrsanaanta Haweenka,bar tilmaameedsigan lagu ekeeyey Xijaabka ayaa looga gol leeyahay in  lagu wiiqo Xishoodka Gabdhaha Muslimaadka ah, isla markaasna guryahooda banaanka looga saaro,,arintani ayaa hada ah mid si aad ah looga dareemayo in badan oo ka md ah Dowladaha Islaamka, waxaana dabada ka wada Reer Galbeedka.



 


Waxa ay aheyd dhawaan markii wasiirka Cadaalada ee Tuniisiya uu shaaca ka qaaday in uusan Xijaabku aheyn dhaqan Carbeed, balse uu yahay caado ka timid Giriiga, sida uu hadlka u dhigay, waxaana sidoo kale  ku raacay arintan haween wax dhigta Jaamacadaha Tuniisiya qaar



 


XIJAABKA IYO WAAJIBNIMADIISA


Xijaabku waa Waajib Diini ah  loogana baahan yahay in Gabdhaha Muslimaadka ah ay ula yimaadaan sidii uu Ilaaheey u amaray, isla markaasna ay u hogaansamaan Waajibkaas lagu amray in Jirkooda dhamaantiis ay asturaan waxaana Asal u ah Qowlkii Allaah uu ku yiri.:"ياءيَهاالنبيُ قل لإزواجك وبناتك ونساء المؤمنين يدنن عليهنَ من جلابيبهنَ  ذالك أدني أن يعرفن فلا يؤدين وكان الله غفورا رحيماً"  سورة ألأحزاب                                               Waxaa kaloo uu Allaah lee yahay واليضربن بخمرهنَ علي جيوبهًنَ"سورة النور "ayaadahan allaah wuxuu ku   amrayaa haweenka Nabiga (SCW) iyo Gabdhihiisa iyo guud ahaa dumarka Muslimaadka ah in ay jirkooda oo dhan ku raariciyaan Maryahooda iyo jalaabiibtooda taasina waxa ay calaamad u tahay Iimaankooda iyo dhowrsanaantooda, hadii ay u hogaansamaanA ma jireyso dhib loo geysanayo maxaa yeelay waxaa ka muuqda calaamad muujineysa iimaankooda iyo dhowrsanaantooda.



 


Hadii aan soo ogaanay in xijaabku yahay sida Salaada iyo Cibaadaadka kaleba waxaa muhiim ah in aanu waxa ka tilmaamno Niqaabka oo ah bartilmaameedka diiradu ay u saran tahay kuwa  dacaayaadaha la daba taagan haweenka dhowrsan ee jirkoodii asturay, iyaga oo fulinaya amarka Eebe si ay u noqdaan kuwo dhowrasn.



 


INDHA SHAREERKA IYO XUKINKIISA.


Marka laga hadlayo Niqaabka ama Indha Shareeka oo aad hada moodo in badan oo ka mid ah dadka Muslimiinta ah in shaki la galiyo loona tuso mid aan Diin aheyn ayaan waxaan tilmaamayaa in indha shareerku yahay gabal ka mid ah xijaabka uu Allaah Dumarka amray, mana jirin Niqaabka qof ka mid ah Culumada muslimiinta ee hadalkooda la qaato oo ka saaray Xijaabka, laga soo bilaabo xiligii Saxaabada ilaa iyo hada oo aan joogno.



 


Muranka ayaa ah mid xiliyo danbe bilowday waxaana hurmuud ka ah dhaq dhaqaaqyada Calmaaniga ah oo kaashanaya hay'ado reer Galbeed ah, waxana ay mararka qaarkood ay arintan u adeegsanayaan Rag sumad Culumanimo leh si ay ugu sahlanaato in ay shaki galiyaan in badan oo Muslimiin ah aqoon durugsana aan u laheyn Diinta Islaamka.



 


Culumada Islaamku waxa ay isku waafaqsan yihiin in uu ka mid yahay Xijaabka oo uusan aheyn mid ka baxsan sidii aanu horay ku soo tilmaamnay balse waxaa jira khilaaf ku saabsan Xukinkiisa marka laga eego Waajibnimadiisa ama Sunanimadiisa,khilaafkan kuma saabsana inuu Diinta sal ku leeyahay iyo in kale maxaa dhacay Mashruucnimadiisa waa ay isku waafaqsan yihiin Muslimiinta oo dhan, waxana uu ku sugan yahay Kitaabka iyo sunnada Nabiga SCW.



 


Khilaafkan salka waxa uu ku hayaa in wajigu yahay cowro iyo in kale xiliyada aan laga baqeyn fidnada  taas oo macnaheedu yahay in hadii fidno looga baqayo haweenka ay isku waafaqsan yihiin in ay waajib tahay in ay                                        asturaan Wajiyadooda taasina khilaaf kama taagna ee khilaafku waxa uu ka taagan yahay waa hadii Fidno laga aamin yahay.



 


Si kastaba ha ahaatee C/llaahi Ibnu cabbaas waxa uu ku tagay in wajiga in ay asturto Gabadha Muslimka ahi ay tahay waajib waxana uu baneeyey in isha Bidix oo kaliya ay feydo si ay wax uga aragto waxana sidoo kale yiri markii ay  Fasirayeen Aayada Suuratul Axaab :- C/llaahi Binu Mascuud,Caa'isha Bintu Abii Bakar,Asmaa Bintu Abii Bakar,Xasan Al-Bisri,Bukhaari,Inu Xajar Al-Casqalaani,Ibnu Jariir Al-Dabari,Ibnu kthiir,Ibnul Jowzi,Abii C/llaahi Al-Qurdubi,Abu Bakar Al-Jasaas,Alqaadi Al-Baydaawi,Taabcigii waynaa ee Cubeyda Al-Salmaani,,Mansuur Al-Sancaani,Imaam Albaqawi,Zamakhshari,Abu Xayaan Al-andalusi,Abu Isxaaq Al-Naysaaburi,Siraaju Diin Al-Xanbali,Abu SacuudAl-cimaadi,Max'ed Binu Cali Al-Showkaani,Max'ed Al-Amiin Al-Shiqiidi,Nasir Al-Sacdi iyo Max'ed Cali Al-Sabuni.



 


Lagu ma soo koobi karo Culumada ku fasiray Ayada Suuratul Axzab iyo Suuratu Al-Nuur in Wajiga asturaadiisu tahay mid waajib ah.Sh.Max'ed Cali Al-Sabuni waxa uu ku sheegay kitaabkiisa تفسير اّيا ت أالأحكام" "in ay Bidco tahay in la feydo wafiga waxana uu yiri"Qowlka wajiga feydidiisa waa hadii laga aamin yahay Fidno hadiise aysan jirin in aan aamin laga aheyn la iskuma khilaafsana uu yiri "Shiikha ayaa waxa uu sheegayaa in dooda hada taagan ee baneyneysa feydida Wajiga ay tahay mid bilaabatay xili danbe, waxana ay uga gol leeyihiin ayuu yri in lagu fasahaadiyo isla markaasna lagu fidneeyo haweenka Muslimka ah.



 


Caa'isha ayaa waxa ay leedahay waxaan la soconay Nabiga SCW anaga oo Ixraaman Xaj,waxa ay tiri Caa'sha:-"marka ragu naga soo agdhawaadaan oo nala simaan waxaan sii deysaneyney Jalbaabkayaga Wajiga, marka ragu na dhaafaana waanu feydeyney"waxaa wariyey Abu Da'ud..



 


Waxaa kaloo ku tusinaya Niqaabku in uu yahay Sharci ku sugan Islaamka Xadiithkii C/llaahi binu Cumar ee ahaa in Nabigu yiri SCW:-"Haweenta Xiran Xajka Ma xiraneyso Niqaab iyo galofka gacmaha la gashto Xadiithkan waxaa soo saaray Bukhaari.,waxaa kalo ku tusinaya Asmaa Bintu Abii Bakar oo tiri:-"waxaan astueynay wajigayaga marka ragu yimaadaan".waxaa soo saaray Xaakim.



 


Si kastaba ha ahaatee Nusuusta ku aroorta Niqaabka halkan kuma soo koobi karno maxaa yeelay qormadayadu waa un tusaaleyn aanu ku macneyneyno in Niqaabku yahay diin loona baahan yahay in lala yimaado,waxaa kaloo waajib ah in laga hortago kuwa lagu ibtleeyey wanaaga haweenka  doonayana in ay guryahooda iyo dhowrsanaantooda meel uga dhacaan.



 


Dacaayadaha lala beegsanayo Astaamaha Islaamka ma ahan mid hada soo bilaabatay oo waxaa jirtay  in kol hore la isku dayey in barabugaando la fidiyo taas oo xittaa mararka qaarkood loo  adeegsanayey dad aqoon diimeed lagu tuhmayo balse aan dan badan ka lahayn waxa ay ku hadlayaan.



 


MAXEY KU DOODAYAAN KUWA KA SOO  HORJEEDA INDHA SHAREERKA


Inta aan u fiirsaday ama aan ka akhriyey waxa ugu xoog badan doodooda in ay yiraahdaan waa caado  Carbeed in kastoo aan horay ku soo sheegay  qaar ka mid ah Madaxda Carbeed oo leh waxa u salka ku hayaa giriiga balse inta badan waxa ay leeyihiin Niqaabku kuma sugna Kitaab Iyo Sunno midna,warkan macnihiisu waxa uu yahay in uusan diin shaqo ku lahayn, sida ay ku doodayaan.



 


Qoladan saan  ku doodeysa ha ahaadaan kuwo  sumad Culumo leh ama yeysan ahaanine hubaal waxaa ah in marka ay saas ku doodayaan ay cadow u yihiin Xajaabka oo dhan mana ahan macnuhu in ay si gaar ah u tooganayaan indha Shareerka oo aanu soo sheegnay asalkiisa.



 


Su'aasha is weydiinta mudan ayaa ah waa iyaga ku mashquulsan Haweenka asturay jirkoodee maxay uga hadli la'yihiin kuwa jirkoodii qaawiyey?marna lagama yaabo in aad aragto ama aad akhriso marka aad daraaseyneyso Qolooyinkan iyaga oo saran ama wax ka shegaya,iska daa in ay ka sheegaane waxa ay can ku yihiin inay qaawiyaan inta asturan isla markaasna ay sii fogeeyaan inta lunsan.



 


UGU DANBEYN


Hadii aanu soo sheegnay Asalka Xijaabka oo dhan  waxaad  iska jirtaa kuwa  goob kasta la taagan luminta Bulshada iyaga oo doonaya inay ka dhigaan Gabdhaheena kuwa qaawan oo ka dhar la' dhamaan dhowrsanaanta qeybaheeda kala gedisan, waxaana soo jeedinayaa qodobadan.



1-Waxaa haboon in aad  akhrisaan Xijaabka iyo waxa uu yahay inta aydan dhageysan kuwa  Dadka Wadada baadida ah ugu yeeraya,  taasi waxa ay idiin sahleysaa in aad ogaataan meesha ay ka duulayaan.



 


2-Niqaabku ma aha  mid ka baxasan Xijaabka sida aanu horay ku soo sugnay.



3-Muranka ku saabsan in uusan Diin  aheyn Niqaabku waa Mashruuc ay dhaqaale badan ku bixiyaan Hay'ado fara badan oo reer galbeed ah .



 


4-Culumada Islaamka waxa ay isku raacsan yihiin in Niqaabku yahay qayb ka mid ah Xijaabka, sidoo kalena waxa ay isku waafaqsan yihiin in ay waajib tahay in Gabadha muslimka ahi asturto wajigeeda hadii aan aamin laga aheyn Fidno.



 


5-khilaafka culumadu waxa uu yahay hadii aamin laga yahay Fidno  ma Waajib baa mise waa Suno?iyada oo ay isku waafaqsan yihiin in laba goorba ay fadli badan tahay in ay daboolato Wjigeeda.



 


5-Waxaad is waydiisaa xiligan aamin ma looga yahay Haweenka Fidno mise loogama aha si aad  u qaadato labada qowl ee Culumadu  ay yiraahdeen.



 


6-Niqaabku marka uu ugu hooseeyo  waa Sunno marka ugu sareysana waa Waajib waana sida inta badan ay ku tageen Mufasiriintu iyo Culumadu oo ay ugu horeeyaan Asxaabtii Nabiga SCW.


7-Ogow Haweenka  Muslimaadka ah waxa ay leeyihiin Cadow soo jireen ah oo aan raali marna ka aheyn in ay dhowrsadaan isla markaasna ay jirkooda qariyaan



 


C/llaahi Max'ed Faarax



alhiiraani@hotmail.com



www.somalireal.com

Comments to date: 2. Page 1 of 1.

uyu   trtru

4:00pm on Sunday, January 24th, 2010

tyuyuyuyty tyyt

maxamuud c/daahir   zambia

2:07am on Saturday, December 26th, 2009

waxaan u arkaa cadaadiska lasaaray inlajoojiyo isticmaalka xijaabka inuu yahay mid lagula dagaalamayo diinta islaamka ayna kadanbeeyaan yuhuud iyo reer galbeed waxaan usoo jeedin lahaa dhammaan ummada islaamka inay kaqayb qaataan sidii looga dhaadhicin lahaa hablaha islaamka siday diintu kaqabto isticmaalkiisa.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay
  Sh Maxamed Tahliil alaha u naxariisto maxaan ku bartay? Sh Ahmed Cabdi Samad
  HILIBkA CULIMADU WAA SUMEYSAN YAHAY EE HA CUNIN.
  DURUUS KU SAABSAN RAMADAANKA KA FAA'IIDEYSO.
  DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA ? Shiikh Maxamed Idirs qebta 1-aad