Xaafada islii waa xaafad ay Soomaalida ugu badan tahay marka loo fiiriyo dadyowga kale ee la degan .
Soomaalidu horey ayey u deganaan jirtay xaafada Islii, laakiin waxaa la oran karaa waxay si rasmi ah u soodegeen waxii ka danbeeyey 1991-kii markii dowladii Maxamed Siyaad Barre dhacday oo qaxoodi badan ay soo galeen wadanka Kenya.
Markay Sooamaalidii qaxootiga ahayd soo degeen xaafada Islii dhibaatooyin tiro badan bay la kulmeen dhibaatooyinka ugu waa weyn waxaa ka mid ahaa Police ka Kenya oo si xun ula dhaqmi jiray, xabsiyadana utaxaabi jiray si ay uga qaataan lacago madaxfurasho ah, marka aad wax ka weydiisid dadkii soo galay Kenya waqtiyadaas waxay kuu sheegayaan in si aad u xun loola dhaqmi jiray ayna aad ugu adkayd in ay ka daneystaan suuqyada xaafada, mararka qaarkoodna guryahaa loogu soo dhici jiray.
Waqtigaas waxaa lagu arki jiray dariiqyada xaafada Islii Soomaali badan oo xarko inta laysugu xirxiray sida xoolaha lakala dilaalayo .
Wixii ka danbeeyey sanadkii 2002 markii talada wadanka uu la wareegay maamulka cusub ee uu madaxda ka ahaa Madaxweynaha haatan talada haya ee mwe kibaki Soomaalidu waxay aad ugu diirsadeen isbedelkii yimi oo waxyaabo badan ka bedelay sidii loola dhaqmi jiray.
Inkastoo aan la oran karin waa uu dhamaaday qaabkii waxashnimada ahaa ee askartu bulshada Soomaalida ula dhaqmi jirtay laakiin aad buu u yaraaday oo Soomaalidu waxay heleen dhaqdhaqaaq xaga xoriyada ah oo aanay hore u haysan .
Iyadoo la dareemay isbedeladaa hadana wixii ka soo danbeeyey bartamihii 2006-dii markii kooxaha islaamiyiintu ay la wareegeen gacan ku haynta inta badan koonfurta Soomaaliya xidhiidhka u dhexeeyey Soomaalida iyo Dowlada Kenya khaastan laamaha amniga wuu ka soodarayey.
Markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya oo ayna ku soo dhawaadeen xuduuda Kenya, waxaa dhacday in dowlada Kenya ay dad badan oo Soomaali u badan ay u gacan gelisay Itoobiya, waxaana xiliyadaas ciriiri galay Soomaalida qaxootiga ahayd ee ku noolaa wadanka Kenya gaar ahaan magaalada Caasimada ah ee Nairobi.
Wixii xiligaas ka danbeeyey hadba heer ayey soo mareysay dhibaatada Soomaalida ay ku qabaan booliska Kenya,gaar ahaan ayaamahan danbe waxaa bilaabay in hodeelada laysugu soogalo, iyo guryaha oo dariiqyada layska qabqabto, cabsida ay Soomaalidu askarta ka qabaan aad bay kor ugu kacday, waxaa xusid mudan in qofka Soomaaliga ah markuu kasoo horbaxo nin kenyan ah oo madow uu isweydiiyo talow kani maku qabanayaa khaasatan xiliyada aroortii iyo maqribkii oo aad dadka loo qabqabto.
Su'asha ugu horeysa ee askarigu weydiiyo qofka Soomaaliga ah ayaa waxa ay tahay Al-shabaab baad tahay iyo argagixiso si loo cabsi geliyo.
qofka marka laqabto waxaa laweydiiyaa maxaad lacag haysaa waana la baadhaa hadii laga waayo 1500 ksh oo u dhiganta 20$ dolar tagsi baa lagu ridaa waxaana lageeyaa Police-station halkaas oo lagaga qaado 3000 ksh ama 50$.
Intaas waxaa dheer xiliyada chrismiska ama ciida gaaladu soo dhowdahay askartu aad bay u kacsan tahay oo dadka aad baa loo qabqabtaa si ay u helaan waxay sanadka cusub ku soodhoweeyaan .
Xaaladu si kastaba ha ahaatee lama oran karo Soomaalidu dhibka qayb kuma laha sababtoo ah maleh community ama gudiyo ka shaqeeya danta guud oo dhibtooyinka la soo gudboonaada bulshada Soomaliyeed wax ka qabta , sidoo kale maahan dad isku duuban oo meel loogu soo hagaago leh .
waa dad aan inta badan garaneyn nidaamka iyo dowladnimada, xuquuqda ay leeyihiin iyo tan lagu leeyahay waxaana u sabab ah jahliga haysta, burburka dheeraaday iyo dowlad la'aanta haysata iyo weliba kuwa kale oo horleh hada ku soo biiray.
Maxamed Cali
Comments to date: 1. Page 1 of 1.
Ismahan Holland | 11:44am on Sunday, April 18th, 2010 |
Asc | |