Barakacayaasha duleedka Muqdisho cidina uma maqna ceelna uma qodna



Mahad oo dhan ilaah ayey u sugnaatay nabad galyo iyo naxariisna ha 'ahaato nabi Maxamed ( SCW) dushiisa.



Inta badan  xaafadaha magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya waa kuwo haawanaya oo aanay cidna joogin marka laga reebo Hal ilaa iyo Labo qof  oo guryaha ku yaala xaafadaha magaalada Muqdisho ilaalo ka haya.



Laga soo bilaabo Dabayaaqadii sanadii 2006-dii min sanadkan lagu guda jiro ee 2010-ka oo hada bilow ah waxaa baaba'aya magaca qaaliga ah ee Muqdisho oo sida lawada ogyahay Caasimada Soomaaliya ah.



Laakiin marka aad qiimeyn sameyso amaba aad socod ku soo martid xaafadaha kala gadisan ee magaalada Muqdisho waxa aad ka dheehan kartaa Isbadalo cusub iyo Muuqaalo aan iska warqabin.



Tusaale ahaan marka aynu soo qaadano degmooyinka Hiliwaa, Deyniile, iyo Shibis oo dhamaantood ka tirsan gobolka Banaadir waxaa ka taliya Xarakada Al Shabaab, laakiin Shabaabka ma ahee ma jirto cid kale oo ku nool marka laga reebo dad faro ku tiris ah oo mar mar soo booqda Aqaladooda.



Qiimeyn aan sameenayay mudo dheer ayaa waxaa ii soo baxday in dadkii ku noolaa xaafadaha magaalada Muqdisho intooda badan ay degeensadeen Wadooyinka u kala jiheysta Koofurta iyo Waqooyiga magaalada Muqdisho.



Deegaano ay kamid yihiin KM-13, Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi, Lafoole, Carbiska ilaa iyo degmada Afgooye oo gobolka Sh/hoose ka tirsan waxaa ku sugan Qoysas ay halakeeyeen Coolada dabo dheeraatay ee Muqdisho ka jirta.



Dadka ka cararay dagaalada ka sii holcaya magaalada Muqdisho ee deegsanaya duleedyada magaalada waa kuwo u badan Haween, Caruur iyo Dad da'ah kuwaasi oo aan awoodin in nolol maalmeedkooda ay helaan.



Qaar kamid ah dadkaasi Sadexda Waqti waxaa laga yaabaa in aysan helin wax cuno ah marka laga reebo biyaha oo si dhif ah ama naadir ah ay ku helaan, waxaana dhici karta in biyaha xitaa aysan helin mararka qaar.



Wardhiigleey, Boondheere, C/ Casiis, Yaaqshiid, Shibis, Kaaraan, Huriwaa, iyo Shangaani waxa ay yihiin degmooyin dhanka Waqooyi kaga yaala magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waxaana ka barakacay dad lagu qiyaasay kumanaan qoys, kuwaasi oo hadda ku dacdareysan daafaha magaalada.



Maalinba maalinta ka danbeysa iyadoo ay yihiin dhibaatooyinka heysta dadka barakacayaasha ah kuwa sii liicaya hadana ma jirto cid gar gaar bini'aadanimo u fidisay dadkaasi hadii ay ahaan lahaayeen Ganacstada Soomaaliyeed, Qurbo joogta Soomaalida, iyo hay'adaha Samafalkaba.



Waxaa la yaab leh !!! Dadkii ka barakacay guryahoodii Muqdisho ee Filooyinka iyo Dabaqyada ahaa oo iminka ku hooyanaya meelo banaan ah islamarkaana barxado oo kale ah, halka kuwa ugu roona ay ku hooyanayaan Guryo ka sameysan Cooshada kuwaasi oo aan celin Karin Qoraxda iyo Dhibicda Roobka.



Haweenka iyo Caruurta barakacay ka sokow dhibaatooyinka ay ka carareen ee dagaalada, waxaa u sii dheer deegaanada ay nabada ka raadiyeen oo ay ku haysato Caafimaad daro, Cuno yari, iyo Caruurtii oo mararka qaar la sheegayo in ay gaajo u dhintaan.



Hadaba waxa quus taagan nolasha dadka u barakacay duleedyada Magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya, halka kuwo kale oo iyaguna ka carerey dagaalada sokeeye ay ku dhibaateysanyihiin qaar kamid ah wadamada deriska la ah Dalka Soomaaliya sida Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Yeman iyo dalka Suudaan.



Waxaa hada  dalka ka siibaxaya boqolaal dhalin yara ah, kuwaasi oo iyagu caadeystay in ay naftooda ku biimeeyaan Bada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Yeman waayo waxa ay wayeen waxbarasho, Dowlad caadil ah iyo meel ay ku shaqeystaan maadaama  shaqada dalka Soomaaliya taala iminka  ay noqotey dagaal oo kali ah.



Ugu danbeyntii waxaa wali aan la saa daalin karin xiliga Soomaaliya ay ka dhalaneyso dowlad caadil ah oo dhibaatada ka saarta dadkani Kumunaanka gaaraya ee ku dacdaraysan gudaha dalka Soomaaliya iyo dalalka kale ee shisheeye.



Hadaba waxaa laga wada wardhowrayaa sanadkan cusub sida uu ula yimaado isbedelo cusub, tolow ma sidan ayaa lagu sii jiri doonaa, mase waxaa imaan doono isbedel ka duwan wixii la soo maray 20-kii sano ee la soo dhaafay, ilaahay waxaan ka baryayaa inuu sanadkan Soomaalida uga dhigo mid ay ka gudbaan xiliyada adag ee ay soo martay.



W/Q Cumar Cabdi Xasan (Caaqilyare)



cumarcabdi11@hotmail.com

Comments to date: 1. Page 1 of 1.

ifraax   dayniile

5:41am on Thursday, September 2nd, 2010

aad ayaad ugu mahad san tahay qaabka aad u diyaarisay

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay
  Sh Maxamed Tahliil alaha u naxariisto maxaan ku bartay? Sh Ahmed Cabdi Samad
  HILIBkA CULIMADU WAA SUMEYSAN YAHAY EE HA CUNIN.
  DURUUS KU SAABSAN RAMADAANKA KA FAA'IIDEYSO.
  DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA ? Shiikh Maxamed Idirs qebta 1-aad