Ilaahay ayey mahad u sugnaatay, nabad galyo iyo naxariisna ha 'ahaato Nabi Maxamed (SCW) dushiisa.
laga soo bilaabo 1990 markii ay burburtay Xukumadii hose ee Somalia waxaa meesha ka baxay awoodi ciidan ee uu lahaa wadanka Somaliya, waxaana gacanta u galay dadkii shacabka ahaa Saanadii Ciidan ee uu lahaa wadanka Soomaaliya ayadoo shacabka qaarkoodna ay si xun u isticmaaleen hubkii gacantooda galay kuwaaso u adegsaday Burburinta Dalkooda iyo Baabi'inta Dadkooda.
Xaalada amaan ee Dalka waxey gashay meel xun, Somaliyana ma aynan helin ciidan awood leh oo dib usoo celiyo kala danbeyntii iyo amaankii uu lahaa wadanka Soomaaliya ee ka baxay gacanta kana sii daraayo maalinba maalinta ku xigto.
Doorka Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliya.
Dhibatada ka dhacday Somaliya waa mid ay ka qeyb qaateen Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed oo anan ka soo bixin doorkoodi kadib markii ay Karkaarka weydaaratay Dowladii Soomaaliya waxeyna indhaha ka dawadeen waxa ka dhacaayo Dalkooda,
Qaar kamid ah Ciidamadii Xooga dalka waxey noqden kuwo raja beel taagan, waxaana lagu dilay Dagaaladii sookeeyo xubno sar sare oo kamid ahaa Ciidamadaas, halka qaar kalana ay ka badin wayeen in ay raadiyaan waxii ay ku maareeyn lahaayeen naftooda iyo Qosaskooda, kuwo kale oo kamid ahaa ciidamadaasi waxey noqdeen Qoxooti, balse qaarbaa ka qeyb qaatay dhibatada Soomaaliya ka dhaceyso ayagoona si xun u adeegsaday aqoontoodi Ciidan.
Mudo 20 labaatan sano ah ayey hada Soomaaliya tahay dowlad la'aan ayadoona mareyso hada meeshii ugu xumeeyd, waxaa dhibka anan dhamaadka laheyn ee Soomaaliya ka jiro isku nacay dadkii walaalaha ahaa ee Soomaaliyeed, taasina waxey sababtay in Qabiil Qabiil la isku dagaalo. sidoo kale waxa ka dhacay gudaha wadanka Soomaaliya waxyaabo aad uxun ayadoo markii hore la isku dagaalay hab Beeleed kadibna ay abuurmeen Hogaamiyo kooxeedyo lagu xaman jiray in aynan rabin dowlad loo dhan yahay oo Soomaaliya ka dhalato. balse waxaa kasii daray markii ay soo shaac baxeen Muqaalo cusub oo wato magac wanaagsan laakin ficiladoodu ay xun yihiin kuwaaso sii huriyay dhibkii Soomaaliya ka dhacaayay.
Inta badan dadka odarasa ama indha indheeyo xaalada Soomaaliya ayaa waxa ay shegayaan in Soomaaliya ay hada ubaahan tahay ciidamo nabad ilaalin oo si wanaagsan ugu shaqeyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, si ay usoo celiyaan Qaranimadii ay Somaliya lahaan jirtay.
Wadamada Yugaandha iyo Burund ayaana udiray Wadanka Soomaaliya Ciidamo wato magaca African Union Mission in Somalia AMISOM kuwaaso hada ku sugan gudaha Magaalada Madaxda Somaliya ee Muqdhisho.
Amisom ma aynan sameynin wax isbadal ah oo lataban karo intii ay joogeen Soomaaliya, kaliya waxey ku guuleysten iney sugaan Amaanka Dekada, Garoonka Diyaaradaha iyo Madaxtooyada Soomaaliya oo ay dagan tahay Dowlada KMG ah. sidoo kale ma aynan qabanin wax dhaafsiisan iney daweyaan dadka ku soo dhawacmay dagaalada ka dhacaayo gudaha Magaalada Muqdhisho,
Midowga Africa waxey horay ugu balan qaaden Wadanka Soomaaliya in ay usoo dirayaan ciidamo dhan 8,000 balse aynan soo dhameystirin dhaqaalo la'aan ay sheegeen owgeed.
Sidoo kale sanadkii la soo dhafay ee 2009 waxuu tagay Xog-haya guud ee Qaramada Midobay Ban ki Moon in ku dhow 100 Wadan oo ku yaalo qaarado kala duwan, asagona ka codsaday Dalalkaas iney ugu deqaan Soomaaliya Ciidan nabad ilaalin, balse waxuu shegay inuu wayay hal wadan oo diyaar u ah inuu Soomaaliya ciidan udiro,balse Sanadkaan bilowga ah ee 2010 waxaa muuqato in ciidamadii uu wayay Xog-hayaha guud ee Qaramada Madoobay ay ku sugan yihiin Wadanka Soomaaliya, kuwaaso hada ku socdo Magaca North Atlantic Treaty Organization. NATO lana sheegay iney la dagaalamayaan Kooxaha Burcad Badeeda ah ee Soomaaliyeed.
Cabdishukri Cali Xirsi waa Siyaasi Caan ah oo Soomaaliyeed waxuuna inta badan daraasadeeyaa Arimaha Soomaaliya asagoona la socdo isbadalada Siyaasadeed ee ka jiro gudaha wadanka Soomaaliya, sidoo kale waa Ganacsade aad looga yaqaano Bariga Qaarada Africa.
Abdishukri Ali Hirsi oo hada ku sugan Wadankaan Kenya ayaa Somali Real sheegay in Soomaaliya ay hada ku sugan yihiin Ciidamo badan oo ka socdo wadamada ku midoobay Magaca NATO,waxuu intaas ku daray in ay hada joogaan Biyaha Wadanka Soomaaliya 35, Markab oo ah kuwa dagaalka, ayna kamid yihiin Maraakibtaan kuwa xambaarsan Diyaarado iyo Taankiyo dagaal.
Ciidamadaan NATO ayaa waxey ujoogaan Xeebaha wadanka soomaaliya in ay ladagaalamaan kooxaha Burcad badeeda ah ee Afduubto maraakiibta sida xamuulka iyo kuwa Dalxiisayaasha ee maraayo xaabaha soomaaliyo iyo waliba marin biyoodka caalamiga ah ee ka baxsan Biyaha Soomaaliya. waxaa lagu qiyaasay Ciidamadaan Naato in ay Tiradoodu udhaxeyso ( 20.000 ilaa 25.000) oo askari. waxeyna saaran yihiin Maraakib waa weyn oo dhex mushaaxeyso biyaha wadanka Soomaaliya.
Qiyaas ahaan waxaa lagu shegay in Maraakibtas ay ka badan yihiin kuwii uu Mareykanku udiray wadanka Ciraq xiligii uu ku dulay, sidoo kale ciidamada saaran Maraakibta waa weyn ayaa ayagana lagu qiyaasay in Markab kasta oo weyn ay dul saaran yihiin Ciidamo gaaraayo (2,500) oo askari, halka Markabkiibta yar yarna ay saran yihiin ciidamo dhan (200) labo boqol oo askari.
Gurmadka Gaashan buurta NATO ay uheshay iney ciidamo iyo Maraakiib dagaalba ay ugu soo dirto wadanka dhibaatadu ay ka ogan tahay ee Soomaaliya waxaa qeyb ka noqday Wadanka Japan oo ay ugu danbeysay Taariikh ahaan Markab Dagaal oo u udirto wadan kale Dagaalkii labaad ee Aduunka, hadana Wadanka Japan waxu usoo diray Dalka Soomaaliya Maraakiib Dagaal,waxaana muuqato in ciidamadii uu Xog-hayaha Qaramada Madoobay u wayay wadanka Soomaaliya ay hada joogaan Xeebaha Soomaaliya kuwaaso ku socda magaca howl-galka NATO ee la dagaalanka Burcad badeeda.
Dhanka kale Xildhibaanada Caasha Ahmed Cabdalla oo ka tirsan Xildhibanada Dowlada KMG ah ee Somaliya oo an la kulmay ayaa ayaduna waxey aminsan tahay in Wadanka Soomaaliya uunan hada ubaahneyn in loo soo diro ciidamo nabad ilaalin oo ka yimaado meel kale waxeyna tiri,"Somaliya Ciidan kasta oo la keeno Xal kama keeni karo", waxeyna tusaale usoo qadatay ciidamada Howl-galka Midowga Africa ee AMISOM, kuwaaso ay ku eedeysay iney dileen dad faro badan oo Soomaaliyed.
Sidoo kale Xildhibanad Asha Ahmed Abdala oo hada ah Gudomiyaha Somali Women Parliamentarians Formally, Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed oo loo soo gabiyo (UHBS).ayaa sheegtay in kaliya Soomaaliya ay ubaahan tahay in la taageero loona tababaro Ciidamadeeda, waxeyna ku eedeysay Beesha Caalamkana iney ka gaabisay taageero ay siiso Soomaaliya,mar ay ka hadashay Xalka Soomaaliya ayey tiri waxaa Soomaaliya xal loogu heli karaa in Dowlada KMG ay tanaasul sameyso lana hadasho Xoogaga kasoo horjeedo oo wada-hadal lagu dhameeyo Arimaha Soomaaliya.
Aqoon-yahano faro badan oo Soomaaliyeed ayaa aminsan in Soomaaliya hada ay ubaahan tahay Ciidamo ka socdo Dalalka Siyaasad ahaan ay isku fican yihiin Somalia oo aynan ku jirin Wadamada la dhaho Safka hore ee dariska la ah Soomaaliya,waxeyna qabaan qaar kamid Aqoon-yahanadaas in ay kor ka maamulaan howsha ciidamadaas Qaramada Midoobay, si loo fududeyo dhaqaalaha ay ku howl-gali lahaayeen inta ay wadaan howshooda Nabad ilaalin.
Qaar kamid ah Wadamada ku yaalo Qaaradaan Afrika oo ay ka jireen dhibaatooyina ba'an oo horay loogu diray Ciidamo Nabad ilaalin oo ka kala socdo meelo kale duwan kuna howl-galaayay Magaca Peace keeping forces, ayaa lagu amaanay iney ka dhigeen goobihii loo diray meelo amaan ah.
Waxaana kamid ah Dalalka ku yaalo Qaaradaan Africa ee horay logu diray Ciidamada Nabad ilaalinta Wadamada Kongo, Laberiya, Siraliyoon, Angola, Riwaandha, Burundi, Efrikoost, Sudan, Xuduuda udhaxeyso Itoobiya iyo Eritariya iyo waliba Dalal kale oo faro badan kuwaaso ku yaalo isla qaarada Africa.
Si kastaba ha ahaatee Waxaa macquul ah in Ciidamo ka socdo Qaramada Midobay ay ka howl galan Wadanka Soomaaliya Sanadaha soo socdo sida uu sheegay Abdishukri Ali Hirsi oo daraasadeeyo arimahaaha Soomaaliya,
“waa macquul in ay ka howl-galaan Wadanka Somalia Ciidamo ka socdo Qaramada Midobay kuwaaso noqon doono kuwo isku dhaf ah oo ka kala imaan doono qeybo kala duwan sida Ciidamada Howl-galka Midowga Africa ee AMISOM, kuwa Dowlada KMG ah iyo waliba Maleyshiyooyinka hada lagu tababaraayo Xeerooyinka ku yaalo Wadanka kenya gaar ahaan Xerooyinka Manyaani iyo Maralal oo ku kal yaalo Gobalada Xeebta iyo Bari ee Dalka Kenya oo lagu qiyaasay iney gaarayaan 2,000 oo Askari iyo waliba kuwo kale oo lagu tababaraayo Wadamo ay kamid yihiin Ugandha, Jabuuti, Sudan iyo Ethiopia.
Ciidamadaas kala duwan ayaa lagu wadaa in ay noqon doonaan Ciidamada ka barbar dagaalami doono kuwa NATO ee hada joogo Bada Soomaaliya, si loo soo afjaro qalalaasaha ka jiro Wadanka Soomaaliya.
Aqoon-yahankaan ayaa qabo in Ciidamadaan wada jirka ah ay wada qaadan doonaan Magaca Nabad ilaalin ayagoona hoos tagi doono Qaramda Midoobay.
Sanadkii la soo dhafay ee 2009 ayaa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay waxuu ansixiyay in ciidamada ku sugan Biyaha Soomaaliya ay kula dagaalami karaan Burcad Badeeda meelo ka baxsan biyaha oo ah Bariga. taasna waxa ay ufududeyneysaa in Ciidamadaas ay banaanka oga soo baxaan Biyaha ayagoona howl-galo ka fulin karaayo meelaha banaanka ah oo ay kamid tahay Magaalada Muqdhisho.

Cabdi shugri

Cabdi Shugri

Wariye Najax
Hadaba Su'aasha taagan waxey tahay Beesha Caalamku Soomaaliya ma uwayday Ciidan Nabad ilaalin?.
Abdisalan Mohamed Ali (najah)
Nairobi-Kenya.
Comments to date: 11. Page 1 of 1.
KHADRA SWEDAN | 3:39pm on Wednesday, February 10th, 2010 |
SOMALIA MAFICNA IN CIDAN AJANABI AH LODIRO WAX FAAIDO AHNA MAKENAYSO DHIKU WUU SIIBADANAYAA SHACABKA UNBAA MESHAKU DHAMADA CIDAN MAJABO EE SHACABKAA JABA | |
MARYAN XAMAR | 11:31pm on Saturday, January 30th, 2010 |
WAA LOO BAHAN YAHAY CIIDAMO WELIBA AAD UBADAN, BEEN YAAN LEYSKU SHEEGIN IDINKA BANAANKA AYAA JOOGTAAN MA MALEY KARTIIN SHABAAB DHIBKEY NAGU HAYAAN, XASAN DAAHIRNA WAA ISKU HAL MARKA CIIDAMO WELIBA HADEY RABAAN DIYAARADO HA SOO KAXEYSTAAN CIIDAN LA AANTIIS MA SOCON KARTO DOWLAD KASTA OO IMAATA NIMANKAA DALKEY QABSAN RABAAN MARKA AY QABSADAAN SEY NAYEELI DOONAAN HADA AYAGOO WADA QABSAN AYBA SAAN NAYEELAYAAN ILLAHAY CIIDAMO BADAN HANOO KEENO OO KUWAAN KA BIXISA DALKA, HADA MEESHOO LAGU SHEEGAAYEY BARI AY KU TASHAA OO BUURAA DHAADHEER AA KU YAALA CIIDAMO AALAGU TABARAYAA KUWAASNA SHABAAB WAAYE MARKA MEELKASTA AYAGAA RABA INEY QABSADAAN DADNA MA UNAXAAYAAN QOFKII WARKOODA DIIDANA WAA GAAL AY DHAHHAAN MA MAYAMAY KUWAAS ILLAHAOW NAGA SOO GAAR | |
Bashir kanada | 11:02pm on Saturday, January 30th, 2010 |
bismilaahi raxmaani raxiim,Waxay | |
tom london uk | 10:34am on Saturday, January 30th, 2010 |
anigu waxaan qabaa inaan loo baneen ciidama shisheeye ee loo bahan yahay in la joojiyo diinta sida qaladka loo isticmaalayo .....hadii kale waxaa imandoonta in la arko somali sheeganaysa kiristan oo iyagu isku arki doonaan kuwii xal ka keenilahaa somaliya . kuwaas ayaanu calamku hub iyo taagirdba siin doonaa iyo waliba ciidan laxaad leh ..... wbcwrb | |
tom london uk | 10:30am on Saturday, January 30th, 2010 |
anigu waxaan qabaa inaan loo baneen ciidama shisheeye ee loo bahan yahay in la joojiyo diinta sida qaladka loo isticmaalayo .....hadii kale waxaa imandoonta in la arko somali sheeganaysa kiristan oo iyagu isku arki doonaan kuwii xal ka keenilahaa somaliya . kuwaas ayaanu calamku hub iyo taagirdba siin doonaa iyo waliba ciidan laxaad leh ..... wbcwrb | |
deeq Location unknown | 8:42am on Saturday, January 30th, 2010 |
waxaan aaminsanahay in wax badan oo xaqiiq ah ay warbixintan ku jiraan maxaa yeelay ninkan cabdi shigri ah xog badan buu hayaa laakiin waxaa isweydiintu tahay ciidanka la sheegayo maxay soomaalia ka qaban karaan aniga waxay ila tahay inayan waxba soo kordhineynin oon ka hayan in bur bur iyo baaba horey ciidamo ka badan 30,000 kun waxna ma soo siyaadinin iska daa wax ay soo siyaadiyaane iyagoo la jiid jiidaato baa shaashadaha laga fiirsaday sidaas daraadeed hadii reer galbeedku dowladnimo la doonayaan soomaaliya ciidan ha u dhisaan hana ka daayaan fara gelinta aniga sidaas baa ila haboon | |
deeq Location unknown | 8:36am on Saturday, January 30th, 2010 |
waxaan aaminsanahay in wax badan oo xaqiiq ah ay warbixintan ku jiraan maxaa yeelay ninkan cabdi shigri ah xog badan buu hayaa laakiin waxaa isweydiintu tahay ciidanka la sheegayo maxay soomaalia ka qaban karaan aniga waxay ila tahay inayan waxba soo kordhineynin oon ka hayan in bur bur iyo baaba horey ciidamo ka badan 30,000 kun waxna ma soo siyaadinin iska daa wax ay soo siyaadiyaane iyagoo la jiid jiidaato baa shaashadaha laga fiirsaday sidaas daraadeed hadii reer galbeedku dowladnimo la doonayaan soomaaliya ciidan ha u dhisaan hana ka daayaan fara gelinta aniga sidaas baa ila haboon | |
dahiroow Danmark | 3:21am on Saturday, January 30th, 2010 |
meeshaan Galmudug bas aa ku filan noo ayaada ka nadiifineeyso xusbi fatuut iyo qashinkooda, koonfur dhan noo. Ee Ahla suna hala caawiyo aqyaarta | |
dahiroow Danmark | 3:20am on Saturday, January 30th, 2010 |
meeshaan Galmudug bas aa ku filan noo ayaada ka nadiifineeyso xusbi fatuut iyo qashinkooda, koonfur dhan noo. Ee Ahla suna hala caawiyo aqyaarta | |
Abdifatah London UK | 2:21am on Saturday, January 30th, 2010 |
SCWRB, | |
ismail hussein nairobi-kenya | 2:10am on Saturday, January 30th, 2010 |
a/s may looma wayiin ciidamo nabad ilaalin ah somaliya lkn yaanoo rabaa | |