Qaar ka mid ah bogaga internet ka ee Soomaalida ayaa si khaldan u tarjumay khudbad uu Sheikh Maxamed Cabdi Umal jimcihii ka jeediyey Masaajidka abuu Bakar Sidiiq ee loo yaqaano 6 street ee xaafada Islii magaalada Nairobi.
Dhowr web site oo ka mid ah kuwa Soomaalida ee daabaca wararka ayaa si aan sax ahayn u tarjumay khudbad uu Sheikh Maxamed Cabdi Umal maalintii Jimcaha ahayd ka jeediyey Masaajidka uu imaamka ka yahay ee abuu Bakar Sidiiq ee xaafada Islii magaalada Nairobi.
Web site-yadaas oo u muuqda kuwa aan ilaalineynin habka gudbinta wararka ee Diinta Islaamka ay qabto iyo anshaxa saxaafada ayaa waxa khudbada Sheikha u fasireen si uusan Sheikhu u sheegin, waxayna cinwaano ka dhigteen in Sheikh Umal uu Khawaarij ku sifiiyey xarakada Al-Shabaab.
Somalireal-Nairobi
Comments to date: 3. Page 1 of 1.
Abdisalan south africa | 3:00am on Friday, February 5th, 2010 |
Asc aniga horta madhagaysa muxaadarada sheikha laakiin uma maleynaayo insheika xarkada mujaahidiinta alshabab kusheegaayo khawariij ee somalida ayaa sixun wax ufasirato walib waa yaqaanaan in culimada bee kasheegaan ee inta alla kabaqaan hadalka haka fiirsadaan wabilaahi towfiiq | |
deeq Location unknown | 7:29am on Tuesday, February 2nd, 2010 |
waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in khudbadii sheikh aan somali real ka dhageysano waa ay dadaaleen ilaahay kheyr haka amaal mariyee kolay aniga fahan keyga sheikh umal magaca kaliya uun buu sheegine wax kale ma dhaafin waana la fahmi karay meeshuu u jeeday waa ay iska cadahay laakiin waxaa is weydiinayaa muxuu sheikhu u gabanayaa dadku wax ay fahmayaane mase xoogaa baqdin ah ayaa jirta iyaga xitaa hadii ay dhageystaan way ogaan karaan in sheikhu iyagu u socdo marka maxaa is bedelay waxaan ku soo gunaanadayaa culimadu wax waa cadeeyeen ee hala raaco hadii la garab maro mugdi iyo meel aan la aqoon ayaa lagu socdaa | |