Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta xirnaa Dareeska Ciidanka Tuutaha ee Cagaaran ayaa waxa uu ka biyo diiday heshiiskii shalay ay ku midoobeen kooxaha Al-Shabaab iyo Raankambooni.
Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta shir jara'id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in uu jiro midoobitaanka kooxaha Al Shabaab iyo Mucaskarka Raaskaambooni.
Waxa uu tilmaamay Sheekh Xasan Daahir Aweys in ay Cambaareenayaan ku biiritaanka kooxda Raaskaambooni ay ku biireen Xarakada Al Shabaab, wuxuuna intaas ku daray in Shabaab iyo Xisbul Islaam ay balamo horay u kala dhigteen.
Sheekha ayaa tibaaxay in balamadaasi ay kamid ahaayeen in aan wax Ciidamo ah oo katirsan Xoogaga Islaamiyiinta aan la kala qaadan Karin, taasoo uu miijiyey in dhinaca kale ay ka soo bixi waayeen balantaas, sida uu Sheikhu hadalka u dhigay.
Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay in aan loo baahneyn in balantii la kala galay aan laga bixin, wuxuuna ku nuux nuuxsaday inay doonayeen in loo ixtiraamo sida ay iyaguba wax u ixtiraamayaan.
Sheekh Xasan Turki oo shalay la midoobay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa horey waxa uu u 'ahaa ku xigeenkii Xasan Daahir, waxaana muuqata in Xisbul Islaam ay hogaankoodii kala jabeen.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ay sii wadi doonaan dagaalada ay kala soo horjeedaan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Hadalkan ka soo baxay gudoomiyaha ugu sareeya ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku soo beegmaya xilli ku xigeenkiisa iyo Ciidamo Raaskaambooni ah ay shalay ku biireen Xarakada Al Shabaab.
Somalireal-Muqdisho
Comments to date: 5. Page 1 of 1.
cabdulkhadir saciid jaamac boston ma u.s.a. | 6:52pm on Tuesday, February 2nd, 2010 |
aad baan u soo dhoweynayaa is afgaranwaaga soo dhexgalay al-shabaabiyo ahlu-suna waanse filayey in ay sidaa ku dhici doonto xasan daahir waxaan kaaga digay markaad soo dhoweysay al-shabaab waxaan jeclaan lahaa in aad ka nasastid siyaasada waad ku fashalintey sidaa iyo nabad gelyo. | |
Cali Location unknown | 8:57am on Tuesday, February 2nd, 2010 |
waxaa fiican in sheekh xasan oo walaalaha dhinac ka soo raaco sidaas aa u fiican aduun iyo aaqiro | |
aweys muqdisho | 8:36am on Tuesday, February 2nd, 2010 |
nimanka meeshaan iiga horeeyey ee doonaayo inay mujaahidiinta isku diraan taas ma dhaceyso xsan daahir waa waalidka mujaahidiinta wax dhib ahna mala kulmaayo ee waxaa arimahaas buun buuninaayaa waa cadowga ilaahay iyo kuwa aan waxba kala kaseynin oo idinka oo kale ah. | |
Mukhtaar boosaaso | 8:36am on Tuesday, February 2nd, 2010 |
runtii xasan daahir waagii baa hada ku baryey sxb kaa xasan turki wuu tashaday adna tasho weliba aniga waxaan kugula talin lahaa inaad dowlada la midowdo cudud fiican baa halkaas ka soo bixi lahayd shabaabna waad ka ciil beeli lahayd laakiin hada cuqdad baa kugu dishay meel cidlo ah xitaa hadaad shabaab la midowdo way kuu dhaami lahayd sidan hada waxaa soo dhow mar dhow inay shabaab dil kugu xukumaan oo madaxa kaa jaraan ee intaadan halkaas gaarin goaan qaado hadii kale war ayaa ku sugayaa wixii shacabka masaakiinta ah aad u geysatay shabaab ayaa kaa jaraaya labadii xad daro ku heshiisa xaq ayey isku qabtaan | |
deeq Location unknown | 8:35am on Tuesday, February 2nd, 2010 |
waxaan marka hore salaamayaa maamulka iyo wariyaasha web site kan somalireal runtii aad baan idin jecelnahay, waxaa filayaa in wadaadka xasan daahir ah meel cidlo ah looga guuray laakiin waxaa la sugayaa waxa uu sameyn doono ma dowladuu ku biiri doonaa mase shabaab ayaa dhiniciisa ka soo raaci doonaa waxaa intaa dheer shabaab xil kuma aaminaayaan waxay u arkaan nin aan leysku halayn karin oo beri wax kale ay ka suuroobaan marka nin raga ayaa ilaahay ka dhigayee si uun ha yeelo hana iska dhaafo calool jileeca faraha badan waxaan aaminsanahay shabaab wuu u hiiliyey laakiin iyagu way qaawiyeen | |