Marka hore ilaah ayey mahad oo dhan u sugnaatay, Nabigeena Maxamed ahna nabad galyo iyo naxariisi dushiisa allaha yeelo.
Sida inta wax akhrisa iyo intii goobjooga ka ahaydba ay la socdaan ururada Islaamiyiinta ah ayaa waxa ay siyaasada wadanka Soomaaliya ka soo dhex muuqdeen wixii ka danbeeyey bur burkii dowladii dhexe ee Militeriga ahayd, waxayna waqtigii intaa ka danbeeyey soo mareen marxalado kala duwan, iyagoo dagaalo kala duwanna ka soo galay gobolo ay ka mid ahaayeen Jubada hoose, Gedo, Bari iyo Sanaag.
Soo laba kacleyntii Islaamiyiinta ayaa dib u bilaabatay dhamaadkii 2002-dii markaasoo qabiiladii Muqdisho degenaa ay sameysteen Maxkamado shareecada dadka ku xuma oo ay ciidamo u yihiin maleeshiyaad beesha ka tirsan, waxaana Maxkadahaas door fir fircoon ku lahaa wadaadada, balse markaas si fiican uma soo shaac bixin.
Maxkamadihii qabiiladu sameysteen waxay markii danbe ku midoobeen hal dalad oo Madax looga dhigay Madaxweynaha dowlada FKMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxayna magaalada Muqdisho iyo gobolada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ku soo celiyeen xasilooni ay mudo hore ugu danbeysay.
Maxkamadahaas waxaa ku mideysnaa ururada Islaamiyinta sida Ictisaam, Islaax, Majmac, Al-Shabaab, balse Shabaab markaas si fiican looma aqoonin, waxaa kale oo Maxkamadaha ka mid ahaa ganacsato Soomaaliyeed oo caan ka ahaa wadanka., waxaana midnimadaas kor ka muuqatay lagu naaloonayey ilaa laga soo gaaro dagaalkii ciidamada Itoobiya ay la galeen, kaasoo galaaftay jirintaankii Maxkamadaha, waxaana kala irdhoobay Madaxdii daladaas, qaarkoodna waxayba dalka uga carareen banaanka.
Markii ay dib u bilowdeen dagaaladii lagula jiray ciidamadii Itoobiya iyo ciidankii dowladii hore waxaa marba soo baxayey khilaaf hor leh oo ka soo dhex muuqanayey daladii midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahaa, waxaana laga xusi karaa kooxda Al-Shabaab oo si buuxda shaaca uga qaaday inay ka baxday Maxkamadihii Islaamiga ahaa, isla markaasna ay tahay koox madax banaan.
Sidoo kale waxaa ka daba yimid oo dhagaha dadka u dhuun daloola siyaasada Soomaaliya ay maqleen magacyo kale oo aan ka xusi karo, Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed, Raaskaambooni, Caanoole, Maxkamadaha Islaamiga ah (kooxdii C/qaadir Cali Cumar), garabka Asmara iyo magacyo kale, waxaase markaas ay dhamaantood isaga mid ka ahaayeen dagaaladii ay kula jireen ciidamadii dowladii hore iyo kuwii itoobiyaanka ahaa.
Markii la soo dhisay dowlada FKMG Soomaaliya wax badan baa is bedelay, kooxdii Maxkamadaha garabkii C/qaadir Cali Cumar waxay ku biireen dowlada, waxayna la baxeen magaca ciidanka daraawiishta, walow maalin dhaweyd ciidankaas lagu kala biiriyey qeybaha kala duwan ee ciidamada dowlada.
Kooxihii kale 4 ka mid ah ayaa waxa ay ku midoobeen Xisbul Islaam, walow midnimadaas ay ka dhex muuqatay Xamaasad badan oo lagu deg degay, waxaase weli gaar u taagneyd xarakada Shabaabul Mujaahidiin, waxaana jirtay in midowga ururadaas loogu yeeray Al-Shabaab, balse way ka caga jiideen iyagoo si xeeladeysan uga meer meeray inay la midoobaan kooxahan.
Xisbul Islaamka midoobay waxay u arkeen xarakada Shabaabul Mujaahidiin mid dowr weyn ka ciyaari karta dagaalka ay kooxahaas uga soo horjeedeen dowlada FKMG Soomaaliya, balse dhinaca kale waxaa ka muuqatay inayan la dhacsaneyn in koox kale oo xoog leh ay ka dhinac jirto, waxayse ka meer meerayeen inay Xisbul Islaam la dagaalamaan oo ay iyagu ku eedoobaan, waxayse jeclaayeen in Xisbiga ay booska u baneeyaan, si ay u helaan taageerada dhalinyara dagaalanta ee ay isku safka ahaayeen mudada dheer, balse ay ku kala irdhoobeen kala qoqobnaanta kooxaha.
Hadabada Xisbul islaam 4-tii kooxood ee uu ka koobnaa laba ka mid ah waxaa dagaal la galay xarakada Shabaabul Mujaahidiin dhinaca gobolka J/hoose, waxaana dagaalkaas ku adkaaday Al-Shabaab, iyadoo meesha laga saaray labadii kooxood ee kale, waxayna ciidamadii labadaas urur ee Caanoole iyo Kambooni noqdeen, wax ku biira Al-Shabaab, wax iska kala carara, iyo wax ku dhinta dagaalkii qaabka darnaa, halka qaar kalena ay Muqdisho ku go'doomeen.
Kooxda kale ee 3-aad waxay ahayd Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed, kooxdaas waxaa ay xoogooda ka dagaalamaan B/weyne, waxayna u muuqdaan kuwa aan kaligood cidla joogi karin inay la midoonaan Al-Shababaab mooyee, maxaa yeelay waxaa gobolkaas ka jira dagaalo dhinacyo badan ay ku lug leeyihiin oo isgaashaanbuursi badan u baahan.
Waxaa soo haray waa kooxdii garabka Asmara ee uu Sheikh Xasan Daahir odayga u 'ahaa, kooxdaas waxaa ay u dhexeysaa laba arimood inay kala doorato, waa mida horee inay ku biirto kooxda Al-Shabaab maadaama ayan kaligeed gees u taagnaan karin, waa marka labaade inay hindise kale la timaado, balse sida muuqata duruufta hada ay ku sugan tahay maaha mid u saamaxeysa inay sii jirto.
Waxaa jiray dhawaanahan wada hadalo u dhexeeyey labada dhinac ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaamka sii bur buraya, waxayna kulamadaas salka ku hayaan sidii dowlad wadaag ah oo xoogeedu Al Shabaab leeyihiin loo dhisi lahaa, balse waxaa jirta in Sheikh Xasan Daahir iyo kooxdiisa inta la fekerka ah ay ka fekerayaan miisaanka ay ku yeelan karaan dowladaas, iyo qaabka ay dowladaas noqon karto, mana jirto ilaa iyo haatan wax natiijo ah oo ka soo baxay wadahadalaas.
Hadii la dhiso dowladaas oo Sheikh Xasan Daahir iyo kooxdiisa inta la aragtida ah lagu soo biiriyo, dowladaas maahan mid u 'eg mida Xasan Daahir rabi lahaa, maxaa yeelay ma noqon doonto dowlad xiriir la leh dowladaha kale ee caalamka ka jira, taasna maahan mida uu Sheikh Xasan doonayo.
Hadiise uu ka gows adeygo inuu ku biiro dowladaas, isla markaasna halkiisa sii joogo waxaa imaan karta in dowlada Shabaab iyo xulufadeedu ku dhawaaqi doonaan ayan ogolaan doonin cid kale oo meel dhexe joogta, kuna khasbi doonaan in hubka ay wareejiyaan.
Waxaad intaas ku sii dartaa in kuxigeenkii Xasan Daahir " Xasan Turki " uu ku biiray xarakada Shabaab, waxayna taas la macne tahay in hogaankii Xisbul Islaam qaar ka mid ah ay u hayaameen halkaas iyo Shabaab, halka qaar kalena ay ku haminayaan.
Waxaa xusid mudan in ciidamo ka tirsan Xisbul Islaa ay joogaan magaalooyin ka baxsan Muqdisho, waxaana ka mid ah dhowr magaalo oo ka tirsan gobolka Gedo, degmada Tateegloow, magaalada B/weyne, degmada Buur-hakabo, Afgooye, deegaanada loo barakacay ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye iyo goobo kale.
Gunaanad
Si kastaba xaalku ha 'ahaadee waxaa iska cad in kooxihii Islaamiyiinta ahaa ee marba heer soo marayey ay maanta isugu biyo shubanayaan hal koox, waana xarakada Shabaabul Mujaahidiin, hadii ay dowlad ku dhawaaqaan iyo hadii kaleba ma muuqato koox kale oo aan xarakadaas ahayn oo ka jiri doonta wadanka, waxaana halkaas ku dhamaanaya jiritaankii ururkii Xisbul Islaam, waxaana filayaa in cinwaanka faaladeyda aan cadeeyey.
Fiiro gaar ah: kooxda Ahlu Suna waxa ay dagaal kula jirtaa Al-Shabaab, waxayna arinkaas isku aragti ka yihiin dowlada FKMG Soomaaliya.
BILOWGII HALKA URUR IYO DHAMAADKII XISBUL ISLAAM.
W/Q Maxamed Nuur Shire
Comments to date: 7. Page 1 of 1.
SANDHEERE Location unknown | 2:23am on Wednesday, February 10th, 2010 |
WAA MAHADSAN TAHAY QORAAGA MAQAALKAN WAXAA TAHAY QOF XOG BADAN OG LAAKIIN WAXAA KA SOO HORJEEDAA AL SHABAAB SIDA AAN FAHMAY | |
Maankeey Location unknown | 5:11am on Sunday, February 7th, 2010 |
waxaa soo dhawaatay guushii dkmg waana u dhamaantay alshabaab hadii kalikood soo heraan aaba fiican hal mar oo dharbaaxo kulul ah yaa u harsan ajaaniibtii waa baqayaan ee hala adkeysto guusha waa dhowdahayaa | |
Kamaal Location unknown | 8:10am on Friday, February 5th, 2010 |
waxaan ku raacsanahay qoraaga maqaalkan sida uu u cabiray xaalada soomaaliya waaxaana qoraalka ka muuqata xogogaalnimo badan waxaan ku sii dari lahaa waxaa la gaaray markii la dabargoyn lahaa shabaab iyo acwaantiisa wax kasta oo meel sare gaara waa ay guul dareystaan waxayna hada ku sugan yihiin wadadii ay ku fashilmi lahaayeen maxaa yeelay waxaa ku badan kibirka isla weyniga iyo qooqa hadii tilmaamahaas laga helana waa hubaal inay jabayaan waxaa intaa ka sii daran waa xarako dhiigyacabayaal ah oo aan ixtiraamin oday culimo dhalinyaro iyo cid kale kaliya waxay fiiryaan maxaa idin amray amiirkiina wixii uu amri way sameynayaan wax kasta ha ahaadaano lama fiirinaayo maxaa sax ah maxaa khaldan | |
Xaashi Location unknown | 5:37am on Thursday, February 4th, 2010 |
qoraaga wuu fiican yahay qaab ahaan laakiin waxaa ka muuqata inuu ku kacsan yahay al shabaab | |
Xaashi Location unknown | 5:37am on Thursday, February 4th, 2010 |
qoraaga wuu fiican yahay qaab ahaan laakiin waxaa ka muuqata inuu ku kacsan yahay al shabaab | |
Cali muqdisho | 2:18am on Thursday, February 4th, 2010 |
ANI WAXAA Y ILA TAHAY HAL KOOX INAY SOO HARTO AA FIICAN ISBARBARYAAC WAAN KA SOO DAALNAY HAL KOOX HADII AY ADKAATA WAA TALO WANAAGSAN HADII LAGA ADKAADANA DHIBKA AYAA YARAANAAYA LAAKIIN TOBON KOOX OO MID WALBA AY RABTO GUUL HADII LAGA ADKAADANA AY DAGAAL HOOSE BILAABEYSO DHIBKA AYAA KU SOO BALAARANAAYO AL SHABAAB MA FIICNA WAA DAD XUN LAAKIIN WAXAY DHAAMAAN KOOXO BADAN HAL KOOX WAAYE DHIBKEEDA WAA LOO DUL QAADAN KARAA LAAKIIN TOBON KOX OO WADA XUN YAA U ADKEESANAAYO WAA IGA DHAMAATAY | |
Mukhtaar boosaaso | 9:41am on Wednesday, February 3rd, 2010 |
qoraaga maqaalkan si fiican buu u abaaray waa xaqiiq jidha laakiin waxaa u arkaa in shabaab ayan ka danbeyn doonin maxaa yeelay waxay cagta saareen wadadii bur burka waa koox aan kala saari karin waxa dadka dan u ah iyo waxxa kale hadii shabaab sii jiraan soomaalinimo majiri doonto hadii ay baabaaan ayaa soomaalida u roon xitaa hogaamiyaashii dagaalka baa dhaamay | |