Dab geystay qasaaro hantiyadeed islamarkaana aad u xooganaa ayaa Caawa fiidkii waxa uu ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyadoo markii dambana lagu guuleystay in la damiyo dabkaasi.
Mar kaliya ayaa fiidnimadii Caawa waxaa Uuro iyo qiiq faro badan Cirka isqabsaday Dab xoogan oo ka kacay Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Suuqa Bakaaraha gaar ahaan suuqa lagu iibiyo Shidaalka kaasi oo sababay qasaaro hantiyadeed oo aad u faro badan.
Dabka ayaa waxa uu ahaa mid aad u xooganaa waxaana adkaatay in si sahal ah lagu damiyo iyadoo boqolaal dadweyne ah oo goobta soo gaaray markiiba ay u suuro galiwaysay in ay damiyeen, laakiin dadaalo kala duwan oo ay sameeyeen dadweynaha ku dhaqan min degmada Afgooye oo katirsan gobolka Sh/hoose ilaa iyo Waqooyiga magaalada Muqdisho waxaa suuro gashay in la damiyo dabkaasi.
Inkastoo dabku uu sababay qasaaro hantiyadeed oo aad u faro badan ayaan ilaa iyo hada la ogeyn inta ay la egyihiin hantidaasi maadama xilligu uu yahay xilli habeen ah.
Wadooyinka soo gala guud ahaan Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Suuqa Bakaaraha ayaa markii uu dabku kacay waxaa la dhigay Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kuwaasi oo sugayay amaanka Suuqa iyagoona dadka ku amrayay in aysan gudaha u gali Karin qeybaha kale ee Suuqa.
Dabka ayaa qaabkii uu ku bilowday waxaa ka soo baxaya warar kala duwan oo isqilaafsan, waxaana dadka qaarkiis ay sheegayaan in uu yimid kadib markii Madaafiic ay ku soo dheceen suuqa halka warar qaarna ay sheegayaan in dabka uu si iskiis ah u kacay.
War iyo dhamaantii ma ahan markii ugu horeysay oo Dab ceenkan oo kale uu ka kaco gudaha suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Suuqa Bakaaraha, hase ahaatee qeybta uu dabku caawa ka kacay ee Shidaalka ayaan mudooyinkii ugu dambeeyay ka kicin dab ceenkan oo kale.
Somalireal-Muqdisho
Comments to date: 1. Page 1 of 1.
cali cade South afrika | 12:08am on Wednesday, February 3rd, 2010 |
A/c dhamaan masuuliyiinnta webkan iyo dadka ku xiran | |