Labada maamul ee gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa maana lagu wadaa inay Gaalkacyo uga arinsadaan dhameystirka heshiiskii ay horey u gaareen.
Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiis ay horey labadan dhinac uga gaareen dagaalo soo laab laabtay oo sanadkii hore dhowr jeer ka dhacay magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug.
Gudiyo ka kala socda labada dhinac ayaa gees walba u matali doona wadahadalka, iyadoo gudiyadaasna horey loogu heshiiyey, waxaana xaaladu ay u muuqataa mid aan sahlaneyn maadaama aan weli la dhaqan gelinin heshiiskii horey loo gaaray.
Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Cali Salaad ayaa sheegay inay iyagu kulanka dalbadeen, isla markaasna ay doonayaan in la turxaan bixiyo waxa ka dhiman heshiiskii horey loo gaaray, wuxuuna intaas ku daray inay dhinacooda diyaar u yihiin tanaasul.
Horey ayaa waxay labada dhinac ugu heshiiyeen in la tiriyo guryaha iyo goobaha ganacsi ee ku yaala halka muranku ka dhashay, ka dibna dhinicii guryihiisu bataan uu maamulo canshuurna ka qaado halkaas, mana muuqato in arinkaas wax ka hirgaleen.
Magaalada Gaalkacyo ayaa horey ay uga dhaceen dagaalo sokeeye oo ay dad badani ku dhinteen, waxaana markii danbe lagu soo wada degay heshiis ay wada gaareen ururadii USC/ SNA iyo SSDF, wixii intaas ka danbeeyeyna si nabad ah ayey magaalada u wada degenaayeen dhinacyadii heshiiskaas galay, walow mar mar ay ay ka dhacayeen dagaalo iyo dilal ka dhan ah amaanka.
Somalireal-Gaalkacyo
Fikradaada ku darso.