Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa dhibaato aan yareyn ku qaba ciidanka bileyska dalka Kenya.
Magaalada Nairobi waxaa ku dhaqan Soomaali aad u badan waxay ugu badan yihiin xaafada Islii, waxayna halkaas ku haystaan ganacsi balaaran, sidoo kale waxaa xaafada Islii ka socda dhismayaal waaweyn oo cusub.
Dhibaatada ciidanka bileyska ay ku hayaan Soomaalida Kenya ku dhaqan ayaa waxaa ka mid ah, iyagoo xarig kula kaca, waxayna ugu marmarsiyoodaan inayan u dhalan dalka Kenya, waxaa kaloo ka mid ah dhibaatada ay ku hayaan dhac ay u geystaan xiliyada habeenkii ah, iyagoo ka qaata hadba wixii ay kahelaan, wayna baartaan.
Sidoo kale waxaa intaas dheer cagajugleyn xoog leh, iyagoo dhinaca kale katiinado ku jeebeeya dad aan waxba galabsan, waxayna mar mar dusha u saaraan danbiyo ayan galabsan, waxaana intaas u dheer iyagoo mar marka qaarkood jirdil u geysta.
Ujeedada ciidanka Bileyska dalka Kenya ka leeyihiin arinkaas ayaa waxay tahay inay lacag ka helaan Soomaalida, waxayna aaminsanyihiin inuusan jirin qof Soomaali ah oo fara maran.
Gorgortanka ciidanka Kenya iyo ehelada ama asaxaabta dadka u gacan gala ciidanka blileyska waa iska caadi habeenii, iyadoo sidoo kale maalinta cadna aad arinkaas indhahaaga saareyso, waxaana lagu gorgortamayaa qiimaha lagu sii deyn karo qofka u xiran askarta Kenya.
Hadii qofka ay qabtaan ciidanka bileyska uu lacag wato iyada waa ka xoogayaan intii ay doonto lacagtaas ha le'ekaato, waxayna sidoo kale mar marka qaarkood dadka ka qaataan taleefoonada gacanta lagu qaato gaar ahaan kuwa qaaliga ah.
Waxaad indhahaaga saareysaa qof Soomaali ah oo inta gacanta katiinad looga xiray si dulinima ah uu u jiidayo askari kenyan ah oo aan ka gabaneynin indhaha dadka, iyadoo aad arkeyso qof Soomaali ah oo sharaf leh oo baryaya askariga Kenyanka ah oo aan cidna u diir naxeynin ujeedadiisuna tahay oo kaliya inuu lacag kahelo Soomaalida dhooban Nariobi.
Kuma koobna dhibaatada dadka aan sharciga lahayn oo kaliya ee waxaa sidoo kale mar marka qaarkood la qaba Soomaalida u dhalatay Kenya ee sharciga leh, kuwaasoo si cad loogu sheego in laga doonayo lacag, taas ma aha wax lala yaabo marka la joogo Kenya.
Sidoo kale Soomaalida dibadaha kayimd ee wata shariyada dalalka ay ka yimaadeen ayaa la wadaaga Soomaalida kale dhibaatada, waxaadna indhahaaga saareysaa qof wata sharciga dalka Mareykanka ama kan Sweden oo askari Kenyan ah uu gacanta intuu ka xirto jiidanayo.
" Askari Kenyan ah ayaan arkay oo gacanta igu dhegen, waxaan weydiiyey wuxuu iga doonayo wuxuu ii sheegay inuu doonayo inaan tusiyo hadii aan sharci leeyahay, waxaan la soo baxay passporkeyga oo ah Mareykan, wuxuu igu yiri askarigii Kenyanka ahaa waan u jeedaa inaad American tahay laakiin waxaan kaa rabaa lacag, wuxuuna igu dhajiyey katiinad, waxayna igu riteen taxi isaga iyo mid kale oo la socday, wayna igu dhex baarteen, waxay iga qaateen lacag $ 450 doolar ah iyo camiro cusub oo qaali ah oo aan sitay" ayuu yiri Muuse Maxamed oo Somali Real uga waramay sida ay ula dhaqmeen booliska dalka Kenya.
Ma aha Muuse oo kaliya dadka sidaas oo kale loo galay ee waxaad arkeysaa dad aad u fara badan oo Soomaali ah oo ka sheekeynaya dhibaato ay u geysteen bileyska dalka Kenya, balse waxay dad badani qabaan in Soomaalida ay mas'uul ka tahay waxa ku dhacaya, maxaa yeelay hadii si sharci ah loo doodo askariga qiil uma helayo inuu soo qabsado qof sharci leh amaba qoxooti ku jooga dalka oo ay ogtahay dowlada Kenya, laakiin Soomaalida ayaa hadii uu u soo dhaqaaqo dhinacooda askari waxay la soo ordayaan lacag ay isku furanayaan, waa midaas tad dhiira gelisay booliska Kenya.
Marka leysku soo duubo mayara dhibaatada Soomaalida ku haysata dalka Kenya, waxaana taas loo aaneynayaa isku xirnaan la'aanta haysata Soomaalida, waxayna arimahan oo dhan ku soo beegmayaan xili dowlada Kenya ay ku cel celisay inay dalkeeda ka saareyso dadka aan sharciga ku joogin.
Somalireal-Nairobi
Fikradaada ku darso.