Dawladda KMG Soomaaliya iyo Uruka Xisbul Islaam oo ka hadlay dabkii xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha.



Dawladda KMG Soomaaliya iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa waxay ka hadleen dabkii xalay ka kacay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha oo ay ku bas beeleen hanti fara badan oo ay lahayd ganacsato Soomaali ah oo u badnaa shidaal, ugana tacsiyeeyay milkiilayaasha ay hantidooda wax gaartay.


Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee Gobolka Banaadir C/salaan Daahir Cabdulle oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in maamul ahaan iyo dawlad ahaan ay aad uga xun yihiin dabka xalay ka kacay suuqa Bakaaraha kuna tilmaamay inuu yahay masiibo rabbaani, wuxuuna Alle uga baryay dadka ku hanti beelay inuu beddelkooda siiyo


Dhinaca kale Xoghayaha Warfaafinta uruka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macallin Cali oo saxaafadda reer Muqdisho la hadlay ayaa waxa uu isagana sheegay inay aad uga xun yihiin masiibada ka dhashay dabka xalay qabsaday qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha, wuxuuna tacsi u diray milkiilayaashii ay hantidooda ku bas beeshay dabka isagoona Allena uga baryay inuu beddel wanaagsan siiyo.Ugu dambeyntii qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen in ay ka xun yihiin dabka xalay ka kacay suuqa Bakaaraha, waxayna ka codsadeen shacabka Soomaaliyeed ganacsatadooda in ay gargaaraan oo ay wax u caymiyaan milkiilayaasha ay hantidooda ku bas beeshay dabka xalay ka kacay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha.


Somalireal-Muqdisho


WWW.Somalireal.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Maamulka iyo wariyaasha Somalireal oo diraya hambalyada Ciida Soonfureed.
  Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxyadii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
  Sheikh Maxamuud Shibli oo qoraal uga soo jawaabay su'aalo ay weydiiyeen shabakadaha warbaahinta ee Somalireal iyo halgan
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo si aad ah looga dareemayo magaalada Nairobi.
  Xaalada Muqdisho oo maanta degenaasho aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo iyo khasaaraha dagaalada oo sii badanaya