Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan qasaaraha nafeed iyo hantiyeed ee ka dhashay dabkii xoogganaa ee xalay fiidkii ka kacay kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taala nawaaxiga Sarta Maalin Taajir, kaasoo soconayay ku dhowaad afar saacadood, inkastoo markii dambe dadalo ay sameeyeen gawaari booyado iyo dab damis la helay ay suurto gashay in dabka la bakhtiijiyo abaarihii 11:00-kii habeenimo.
Dabkan oo socday mudo 4-saacadood ayaa markii uu bilowday waxaa soo gaaray gaabta dadweyne aad u faro badan kuwaasi oo ka kala yimid xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir iyo duleedyada magaalada Muqdisho islamarkaana doonayay in ay ka qeybqaataan daminta dabka goobtaasi ka kacay.
Wararka la xaqiijiyay ayaa waxay sheegayaan in dabkaasi ay ku geeriyoodeen labo qofood oo midi haweeney tahay oo ku mashquulsanaa daabulidda alaabahooda oo si aad ah ugu dhawaa halka uu dabku ka soconayay, waxaana dabkaasi gebi ahaanba uu basbeeliyay boqolaal fuusto shidaal ah iyo dhismayaal isugu jira maqaaxi iyo guryo.
Si kastaba xaalku ha ahaadee intii uu dabku soconayay waxaa amaanka si weyn u sugayay Ciidamo katirsan kuwa Al-shabaab kuwaasi oo dadka ku wargelinayay inay is caawiyaan iskana ilaaliyaan inay qaataan alaabo aan kuwooda ahayn, waxaana mararka qaar la maqlayay rasaas goos-goos ah oo lagu kala cayrinayay dadka marka ay soo bataan.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.