Al shabaab oo sheegay in ay fashilmeen dadkii ka danbeeyay dabkii xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha. { Daawo Sawirada }.



Xarakada Al shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay fashilmeen dadkii ka danbeeyay dabkii xalay ka kacay Suuqa ug weyn magaalada Muqdisho ee Suuqa Bakaaraha.


Xili xalay dab xoogan uu ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa maanta waxaa ka hadlay arintaasi Xarakada Al Shabaab kuwassi oo sheegay in ay ku hungoobeen dadkii ka danbeeyay in uu dabkaasi ka kaco goob lagu iibiyo Shidaalka oo ku taala Suuqa Bakaaraha.


Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo ah Waaliga Wilaayada gobolka Banaadir ee Al Shabaab ayaa shir uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in ay fashilmeen dad uu ku sheegay in ay damacsanaayeen in ay burburiyaan hantida taalo suuqa Bakaaraha ee dadka ganacsatada Soomaalida ay leeyihiin.



Waxaa sidoo kale uu sheegay in loo baahanyahay in ganacsatada Suuqa ay u sameeyaan Wadooyin waaween oo loo soomaro suuqa si ay u yaraato gubashada hantida taalo Bakaaraha, waxaana uu sheegay in dadka wadooyinka dhistay ay dib uga baxaan wadada islamarkaana ay ku ekaadaan goobahooda oo kaliya.



Wakiilka gobolka Banaadir ee Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab waxa uu sidoo kale sheegay in ay soo bandhigi doonaan mar dhaw qasaaaraha dhabta ah inta uu la egyahay isagoona sheegay in tiro koob ay wadaan, waxaana uu intaasi ku daray in ay kulan yeelan doonaan walaayada gobolka Banaadir ee Al Shabaab iyo ganacsatada Suuqa Bakaarah


Ugu dambeyntii Ganacsatadii uu qasaaraha soo gaaray ayaa hada waxa ay ku mashquulsan yihiin tira koobka hantidii ka qasaartay iyagoona sheegay in ay la kaashan doonaan Al shabaab, lamana oga waxa ay Shabaabka u qaban doonaan dadka qasaaraha uu soo gaaray.


Somalireal-Muqdisho


WWW.Somalireal.com

Comments to date: 1. Page 1 of 1.

silaaxudiin   dhuusamareeb

11:24pm on Wednesday, February 3rd, 2010

waxaa dabkaa ka danbeeyey cadawga dalka,dadka iyo diinta. alshaaabna waxaa looga fadhiyaa inay cadaalada horkeenaan dadkii waxaa gaystay, waxaan filayaa in dabkaa laga soo khorsheeyey villa somalia, xalane ama halkaan aan joogo. shacabkana waan uga xunahay waxa soo gaadhay.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Qoraal faahfaahsan oo ku saabsan Zakaatul Fidriga
  Hay'adda UNHCR oo sheegtay dad laba boqol kor u dhaafaya inay ku dhinteen dagaalada Muqdisho ka soconayey labada todobaad
  Xaalada Muqdisho oo maanta yara degen iyo dhinacyada iska soo horjeeda oo isku qalab uruursanaya
  Diyaargarowga Munaasabada ciidul fidriga oo laga dareemayo suuqyada Magalaadda Cape-Town ee wadanka koonfur Africa
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay.