BILOWGII HALKA URUR IYO DHAMAADKII XISBUL ISLAAM.



Marka hore ilaah ayey mahad oo dhan u sugnaatay, Nabigeena Maxamed ahna nabad galyo iyo naxariisi dushiisa allaha yeelo.



Sida inta wax akhrisa iyo intii goobjooga ka ahaydba ay la socdaan ururada Islaamiyiinta ah ayaa waxa ay siyaasada wadanka Soomaaliya ka soo dhex muuqdeen wixii ka danbeeyey bur burkii dowladii dhexe ee Militeriga ahayd, waxayna waqtigii intaa ka danbeeyey soo mareen marxalado kala duwan, iyagoo dagaalo kala duwanna ka soo galay gobolo ay ka mid ahaayeen Jubada hoose, Gedo, Bari iyo Sanaag.



Soo laba kacleyntii Islaamiyiinta ayaa dib u bilaabatay dhamaadkii 2002-dii markaasoo qabiiladii Muqdisho degenaa ay sameysteen Maxkamado shareecada dadka ku xuma oo ay ciidamo u yihiin maleeshiyaad beesha ka tirsan, waxaana Maxkadahaas door fir fircoon ku lahaa wadaadada, balse markaas  si fiican uma soo shaac bixin.



Maxkamadihii qabiiladu sameysteen waxay markii danbe ku midoobeen hal dalad oo Madax looga dhigay Madaxweynaha dowlada FKMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxayna magaalada Muqdisho iyo gobolada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ku soo celiyeen xasilooni ay mudo hore ugu danbeysay.



Maxkamadahaas waxaa ku mideysnaa  ururada Islaamiyinta sida Ictisaam, Islaax, Majmac, Al-Shabaab, balse Shabaab markaas si fiican looma aqoonin, waxaa kale oo Maxkamadaha ka mid ahaa ganacsato Soomaaliyeed oo caan ka ahaa wadanka., waxaana midnimadaas kor ka muuqatay lagu naaloonayey ilaa laga soo gaaro dagaalkii ciidamada Itoobiya ay la galeen, kaasoo galaaftay jirintaankii Maxkamadaha, waxaana kala irdhoobay Madaxdii daladaas, qaarkoodna waxayba dalka uga carareen banaanka.



Markii ay dib u bilowdeen dagaaladii lagula jiray ciidamadii Itoobiya iyo ciidankii dowladii hore waxaa marba soo baxayey khilaaf hor leh oo ka soo dhex muuqanayey daladii midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahaa, waxaana laga xusi karaa kooxda Al-Shabaab oo si buuxda shaaca uga qaaday inay ka baxday Maxkamadihii Islaamiga ahaa, isla markaasna ay tahay koox madax banaan.



Sidoo kale waxaa ka daba yimid oo dhagaha dadka u dhuun daloola siyaasada Soomaaliya ay maqleen magacyo kale oo aan ka xusi karo, Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed, Raaskaambooni, Caanoole, Maxkamadaha Islaamiga ah (kooxdii C/qaadir Cali Cumar), garabka Asmara iyo magacyo kale, waxaase markaas ay dhamaantood isaga mid ka ahaayeen dagaaladii ay kula jireen ciidamadii dowladii hore iyo kuwii itoobiyaanka ahaa.



Markii la soo dhisay dowlada FKMG Soomaaliya wax badan baa is bedelay, kooxdii Maxkamadaha garabkii C/qaadir Cali Cumar waxay ku biireen dowlada, waxayna la baxeen magaca ciidanka daraawiishta, walow maalin dhaweyd ciidankaas lagu kala biiriyey qeybaha kala duwan ee ciidamada dowlada.



Kooxihii kale 4 ka mid ah ayaa waxa ay ku midoobeen Xisbul Islaam, walow midnimadaas ay ka dhex muuqatay Xamaasad badan oo lagu deg degay, waxaase weli gaar u taagneyd xarakada Shabaabul Mujaahidiin, waxaana jirtay in midowga ururadaas loogu yeeray Al-Shabaab, balse way ka caga jiideen iyagoo si xeeladeysan uga meer meeray inay la midoobaan kooxahan.



Xisbul Islaamka midoobay waxay u arkeen xarakada Shabaabul Mujaahidiin mid dowr weyn ka ciyaari karta dagaalka ay kooxahaas uga soo horjeedeen dowlada FKMG Soomaaliya, balse dhinaca kale waxaa ka muuqatay inayan la dhacsaneyn in koox kale oo xoog leh ay ka dhinac jirto, waxayse ka meer meerayeen inay Xisbul Islaam la dagaalamaan oo ay iyagu ku eedoobaan, waxayse jeclaayeen in  Xisbiga ay booska u baneeyaan, si ay u helaan taageerada dhalinyara dagaalanta ee ay isku safka ahaayeen mudada dheer, balse ay ku kala irdhoobeen kala qoqobnaanta kooxaha.



Hadabada Xisbul islaam 4-tii kooxood ee uu ka koobnaa laba ka mid ah waxaa dagaal la galay xarakada Shabaabul Mujaahidiin dhinaca gobolka J/hoose, waxaana dagaalkaas ku adkaaday Al-Shabaab, iyadoo meesha laga saaray labadii kooxood ee kale, waxayna ciidamadii labadaas urur ee Caanoole iyo Kambooni noqdeen, wax ku biira Al-Shabaab, wax iska  kala carara, iyo wax ku dhinta dagaalkii qaabka darnaa, halka qaar kalena ay Muqdisho ku go'doomeen.



Kooxda kale ee 3-aad waxay ahayd Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed, kooxdaas waxaa ay xoogooda ka dagaalamaan B/weyne, waxayna u muuqdaan kuwa aan kaligood cidla joogi karin inay la midoonaan Al-Shababaab mooyee, maxaa yeelay waxaa gobolkaas ka jira dagaalo dhinacyo badan ay ku lug leeyihiin oo isgaashaanbuursi badan u baahan.



Waxaa soo haray waa kooxdii garabka Asmara ee uu Sheikh Xasan Daahir odayga u 'ahaa, kooxdaas waxaa ay u dhexeysaa laba arimood inay kala doorato, waa mida horee inay ku biirto kooxda Al-Shabaab maadaama ayan kaligeed gees u taagnaan karin, waa marka labaade inay hindise kale la timaado, balse sida muuqata duruufta hada ay ku sugan tahay maaha mid u saamaxeysa inay sii jirto.



Waxaa jiray dhawaanahan wada hadalo u dhexeeyey labada dhinac ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaamka sii bur buraya, waxayna kulamadaas salka ku hayaan sidii dowlad wadaag ah oo xoogeedu Al Shabaab leeyihiin loo dhisi lahaa, balse waxaa jirta in Sheikh Xasan Daahir iyo kooxdiisa inta la fekerka ah ay ka fekerayaan miisaanka ay ku yeelan karaan dowladaas, iyo qaabka ay dowladaas noqon karto, mana jirto ilaa iyo haatan wax natiijo ah oo ka soo baxay wadahadalaas.



Hadii la dhiso dowladaas oo Sheikh Xasan Daahir iyo kooxdiisa inta la aragtida ah lagu soo biiriyo, dowladaas maahan mid u 'eg mida Xasan Daahir rabi lahaa, maxaa yeelay ma noqon doonto dowlad xiriir la leh dowladaha kale ee caalamka ka jira, taasna maahan mida uu Sheikh Xasan doonayo.



Hadiise uu ka gows adeygo inuu ku biiro dowladaas, isla markaasna halkiisa sii joogo waxaa imaan karta in dowlada Shabaab iyo xulufadeedu ku dhawaaqi doonaan ayan ogolaan doonin cid kale oo meel dhexe joogta, kuna khasbi doonaan in hubka ay wareejiyaan.



Waxaad intaas ku sii dartaa in kuxigeenkii Xasan Daahir " Xasan Turki " uu ku biiray xarakada Shabaab, waxayna taas la macne tahay in hogaankii Xisbul Islaam qaar ka mid ah ay u hayaameen halkaas iyo Shabaab, halka qaar kalena ay ku haminayaan.



Waxaa xusid mudan in ciidamo ka tirsan Xisbul Islaa ay joogaan magaalooyin ka baxsan Muqdisho, waxaana ka mid ah dhowr magaalo oo ka tirsan gobolka Gedo, degmada Tateegloow, magaalada B/weyne, degmada Buur-hakabo, Afgooye, deegaanada loo barakacay ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye iyo goobo kale.



Gunaanad



Si kastaba xaalku ha 'ahaadee waxaa iska cad in kooxihii Islaamiyiinta ahaa ee marba heer soo marayey ay maanta isugu biyo shubanayaan hal koox, waana xarakada Shabaabul Mujaahidiin, hadii ay dowlad ku dhawaaqaan iyo hadii kaleba ma muuqato koox kale oo aan xarakadaas ahayn oo ka jiri doonta wadanka, waxaana halkaas ku dhamaanaya jiritaankii ururkii Xisbul Islaam, waxaana filayaa in cinwaanka faaladeyda aan cadeeyey.



Fiiro gaar ah: kooxda Ahlu Suna waxa ay dagaal kula jirtaa Al-Shabaab, waxayna arinkaas isku aragti ka yihiin dowlada FKMG Soomaaliya.



BILOWGII HALKA URUR IYO DHAMAADKII XISBUL ISLAAM.



W/Q Maxamed Nuur Shire



mncismaan@hotmail.com


Comments to date: 2. Page 1 of 1.

Algedaawi   Caalamka

7:54am on Tuesday, April 20th, 2010

Fikirkaygu waxaa weeye qoraagu si fiican ayuu u tacliiqiyey maqaalkiisa waxaanan ku dari lahaa muslimiinta xiliga nabada way isku dhexjiraan muminkooda iyo munaafaqooda iyo madaxtinimo doonkooda waxayse kala baxaan marka jihaadku yimaado ayey gees u baxaan munaafiqiin iyo madaxtinimo raadiska waxaa soo harana waa mu,minka aan raadinin culuwi iyo fasahaad midna ciribta danbana kuwaas ayaa leh waana shabaabka

Algedaawi   Caalamka

7:53am on Tuesday, April 20th, 2010

Fikirkaygu waxaa weeye qoraagu si fiican ayuu u tacliiqiyey maqaalkiisa waxaanan ku dari lahaa muslimiinta xiliga nabada way isku dhexjiraan muminkooda iyo munaafaqooda iyo madaxtinimo doonkooda waxayse kala baxaan marka jihaadku yimaado ayey gees u baxaan munaafiqiin iyo madaxtinimo raadiska waxaa soo harana waa mu,minka aan raadinin culuwi iyo fasahaad midna ciribta danbana kuwaas ayaa leh waana shabaabka

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay
  Sh Maxamed Tahliil alaha u naxariisto maxaan ku bartay? Sh Ahmed Cabdi Samad
  HILIBkA CULIMADU WAA SUMEYSAN YAHAY EE HA CUNIN.
  DURUUS KU SAABSAN RAMADAANKA KA FAA'IIDEYSO.
  DALYOHOW YAA KU LEH? DADYOHOW YAA KAA NAXAYA ? Shiikh Maxamed Idirs qebta 1-aad