Wadayaaha gaadiidka ka shaqeeyo Gobolada dhexe oo cabasho xoogan ka muujinaya,kooxo burcad ah oo Wadada u gala.



Wadayaaha gaadiidka ka shaqeeyo Gobolada dhexe ee soomaaliya ayaa waxaa ay cabasho xoogan ka muujinaya,kooxo burcad ah oo falal amaan daro ka gaysta Wadada laamiga ah ee isku xirta Kala-bayr iyo Bacda ee dhinaca waqooyi ee Gobolka Hiiraan.


Kooxahan hubaysan ayaa waxaa lasheegay in wadada ay dhigtaan Isbaarooyin,halka qaar kamid ah ay isticmaalaan Jidgooyo looyaqaan sooboodo oo gaariga meel gaaban looga soo baxo,kuwaasi oo dadka musaafirka ah iyo gaadiidka ka qaato waxyaalaha ay markaasi sahay ahaanta u wataan.


Mid kamid ah wadayaasha gaadiidka oo lagu magacaabo Xasan Xuseen Cali oo maanta soomaray Wadadaasi oo aan kula kulmay gudaha Magaalada B/weyne,ayaa waxaa uu sheegay in in kooxaha burcada ah ay si'taako taako ah Isbaarooyin u dhigteen Wadada,waxaana uu sheegay in dadka ay sida ay doonaan ula kulmaan.


Xasan ayaa waxaa uu intaasi ku daray in gaadiidka iyo dadka safarka ah ay qaati ka taagan yihiin marista wadada laamiga ah,waxaana uu sidoo kale sheegay in wadayaasha ay qarka u saaran yihiin in shaqo joojin ay sameeyaan hadii aysan wax iska badalin arimahaasi.


Inkastoo aysan ahayn markii ugu horaysay oo falal nuucaan ah laga sheego dhinaca waooyi ee Gobolka Hiiraan,ayaa hadane waxaa ay kusoo beegmaysaa xili dhawaan halkaasi howlgalo si wada jir ah ugu sameeyeen Ciidamo kala taabacsan Xisbul Islaam iyo shabaabka.


www.somalireal.com B/weyne

Comments to date: 1. Page 1 of 1.

Dafle   Location unknown

2:44pm on Wednesday, February 3rd, 2010

Tuug WAA un tuug waa kuwaa suufiyadi musaafurkii wadooyinka u galaya away diintii ay sheeganayeen sowma dacaanin mooryaanimo halka ay ka gaareen welee idinkama dhegeysto sowtaa cadaatay waxaad tihiin magacaa un noo daaya koleey waad wasaqeyseene markaad Gaal la hoos fadhiisateen magacaan mugga weyn waana ognahay kolkii horaba ciddi idiin bixisay mooryaan dad dil ah o rabay xalaleysashada dhiiga shacabka ayaa aas aaska idiin dhigay fiiro gaar ah inta yar ee ay dhib ka tahay suufinimada haka fiirsadeen halka ay tagan yihiin iyo is baarada ay dul fadhiyaa

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Qoraal faahfaahsan oo ku saabsan Zakaatul Fidriga
  Hay'adda UNHCR oo sheegtay dad laba boqol kor u dhaafaya inay ku dhinteen dagaalada Muqdisho ka soconayey labada todobaad
  Xaalada Muqdisho oo maanta yara degen iyo dhinacyada iska soo horjeeda oo isku qalab uruursanaya
  Diyaargarowga Munaasabada ciidul fidriga oo laga dareemayo suuqyada Magalaadda Cape-Town ee wadanka koonfur Africa
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay.