Maamulada gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug oo ku heshiiyey inay sii wadaan wadahadalka lagu xalinayo khilaafka u dhexeeya



Maamulada gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxa ay shalay ku heshiiyeen inay horay u sii socdaan kulamada  ay ka yeelanayaan dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo dabayaaqadii sanadkii hore.


Mas'uuliyiinta labada dhinac ee ay kala hogaaminayeen Axmed Cali Salaad gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland iyo Xasan Faarax Barre gudoomiyaha Galmudug ee gobolka Mudug ayaa shalay waxa ay yeesheen kulan, waxayna kulankaan ku gorfeynayeen sidii xal waara loogu heli lahaa amaanka magaalada Gaalkacyo ee ay dagaalo soo noqnoqday ka dhaceen sanadkii tagay.


Falanqeyn dheer ka dib labada dhinac ayaa isla gartay inay kawada shaqeeyaan amaanka magaalada Gaalkacyo, waxay kaloo ku heshiiyeen in ay sii wadaan wadahadalada lagu doonayo in xal kama danbeys ah loo helo magaalada Gaalkacyo, iyadoo la tixgelinayo xabad joojintii horey ay labada maamul u gaareen.


Kulanka shalay ayaa waxa uu ku soo dhamaaday jawi fiican, balse waxaa leys weydiinayaa halka ay ku danbeeyeen heshiisyadii horey looga gaaray dagaaladii sanadkii hore ka dhacay magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug.


Dabayaaqadii sanadkii hore ayey ahayd markii muran ka dhashay canshuur qaadis ay isu badaleen dagaalo dad badani ay ku dhinteen, dad intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen, waxaana markii danbe ay labada maamul ku heshiiyeen inay xabada joojiyaan.


Somalireal-Gaalkacyo


www.somalireal.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Qoraal faahfaahsan oo ku saabsan Zakaatul Fidriga
  Hay'adda UNHCR oo sheegtay dad laba boqol kor u dhaafaya inay ku dhinteen dagaalada Muqdisho ka soconayey labada todobaad
  Xaalada Muqdisho oo maanta yara degen iyo dhinacyada iska soo horjeeda oo isku qalab uruursanaya
  Diyaargarowga Munaasabada ciidul fidriga oo laga dareemayo suuqyada Magalaadda Cape-Town ee wadanka koonfur Africa
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay.