Ururka Midowga afrika ayaa dowlada Jabuuti ku amaanay ciidamada ay ugu talagashay inay u dirto wadanka Soomaaliya, kuwaasoo dhawaan la filayo inay soo gaaraan Muqdisho.
Madaxa amaanka iyo nabadgalyada u qaabilsan ururka midowga afrika John Pean oo magaalada Jabuuti kulan kula qaatay Madaxweyne Ismaaciil Cumar geele ayaa shaaca ka qaaday in midowga afrika ay aad ugu faraxsan yihiin ciidamada Jabuuti u direyso Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray inay mahad balaaran u celinayaan Jabuuti, sida ay isaga xilsaartay amuuraha Soomaaliya.
John Pean ayaa sheegay in ay jiraan dalal kale oo balan qaaday inay ciidamo ku soo biirin doonaan ciidamada AMISOM ee hada ka howlgala magaalada Muqdisho, wuxuuna intaas ku daray in la dhameystiri doono ciidankii horey loogu balan qaaday Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa hada waxaa jooga ciidamo ka socda wadamada Uganda iyo Burundi, kuwaasoo howsha ay hada qabtaan ay tahay ilaalinta dekeda iyo garoonka diyaardaha ee Muqdisho iyo sugida amaanka dowlada FKMG Soomaaliya, waxaana jirta in ciidankaas ay dhibaato xoog leh u geystaan shacabka magaalada Muqdisho gaar ahaan marka ay dhacaan dagaalada.
Dowlada FKMG Soomaaliya ayaa iyadu horey u dalbatay in la soo dhameystiro ciidamadii midowga afrika ay u balan qaadeen inay keenayaan Soomaaliya, waxaana jirta in dowlada Nigeria oo horey ciidamo u balan qaaday ay ka laabatay go'aankaas, mana jirto waqti rasmi ah oo midowga afrika shaaciyeen in ciidanka AMISOM lagu soo dhameystirayo.
Xafiiska wararka Somalireal
Fikradaada ku darso.