Dowlada Kenya oo ciidamo aad u farabadan soo dhoobtay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya



Dowlada wadanka Kenya ayaa ciidamo aad u farabadan soo dhoobtay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo cabsi xoog lehna ay la soo daristay dadka ku dhaqan deegaanada xuduuda ku dherersan.


Ciidamada dowlada Kenya ay keentay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya ayaa ah kuwa loogu talagay inay ilaaliyaan xuduuda, waxaana jirta in arinkaas ay dhibaato xoog leh ay kala kulmeen qoxootiga doonaya inay u gudbaan dhinaca wadanka Kenya.


Mas'uuliyiin ka tirsan Kenya ayaa sheegay inay ilaalashanaan amaankooda, isla markaasna ay ka feejigan yihiin in kooxaha ka dagaalama Soomaaliya ay u talaabaan dhinaca Kenya, waxayna Mas'uuliyiintaas sheegeen in uu xiran yahay xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.


Soomaalida ku nool dhulka ku dherersan xuduuda iyo kuwa ku jira xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab ayaa cabsi xoog leh ka muujiyey arinkan, iyadoo sidoo kale Soomaalida ku dhaqan wadanka Kenya gudihiisa ay wadnaha farta uga hayaan in ciidamada Kenya ee gudaha ku sugan ay dhibaato u geystaan.


Arimahan oo dhan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xili dowlada FKMG Soomaaliya ay isu diyaarineyso dagaal balaaran ay ku qaado meelaha ay ka taliyaan Islaamiyiinta ka soo horjeeda, lamana saadaalin karo sida xaalku ku danbeyn doono.


Xafiiska wararka Somalireal


www.somalireal.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Qoraal faahfaahsan oo ku saabsan Zakaatul Fidriga
  Hay'adda UNHCR oo sheegtay dad laba boqol kor u dhaafaya inay ku dhinteen dagaalada Muqdisho ka soconayey labada todobaad
  Xaalada Muqdisho oo maanta yara degen iyo dhinacyada iska soo horjeeda oo isku qalab uruursanaya
  Diyaargarowga Munaasabada ciidul fidriga oo laga dareemayo suuqyada Magalaadda Cape-Town ee wadanka koonfur Africa
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay.