Sheikh Xasan Turki " waxaan goob joog ka ahaa shirkii ka dhacay Baydhabo, waana ku kalsoonaa"



Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Xisbul Islaam Sheikh Xasan Cabdalla  Xirsi (Turki) ayaa shaaca ka qaaday inuu la midoobay xarakada Shabaabul Mujaahidiin kuna qanacsan yahay.


Sheikh Xasan Turki oo maanta war kooban siiyey bahda saxaafada ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu la dhacsan yahay la midoobida xarakada Shabaab, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay laagama maarmaan tahay midnimada Mujaahidiinta, sida uu hadalka u dhigay.


" Waxaan marqaati ka ahaa oo aan  goob joog ka ahaa shirkii ka dhacay Baydhabo, waana ku kalsoonaa, waxaana ugu baaqeynaa Mujaahidiinta inay midoobaan meel kastoy joogaan, si ay ula sii midoobaan Mujaahidiinta Islaamka oo diintana loo difaaco" sidaas waxaa shaaca ka qaaday gudoomiye ku xigeenkii hore ee Xisbul Islaam Sheikh Xasan Turki.


Sheikh Xasan Turki ayaa hore u 'ahaa gudoomiye ku xigeenkii Xisbul Islaam, waxaana ay Al-Shabaab kala fogaadeen markii uu dhamaaday xiligii maamulka Kismaayo loo qabtay oo ahayd 6 bilood, wixii xiligaas ka danbeeyeyna wuxuu ku sugnaa deegaanada koonfurta Soomaaliya.


Hadalka wadaadkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili gudoomiyaha Xisbul Islaam Sheikh Xasan Daahir uu sheegay in ayan jirin koox Raaskambooni la yiraahdo oo Madax banaan, isla markaasna xarakada Shabaab ku eedeeyey inay jabiyeen heshiis ay horey u galeen, kaasoo ku saabsanaa in kooxina kooxda kale ayan fur furi karin.


Somalireal-Muqdisho


www.somalireal.com

Comments to date: 2. Page 1 of 1.

aweys   muqdisho

9:16am on Thursday, February 4th, 2010

waxaan la yaabanahay ninkaan mukhtaar la dhaho ma daalo miyaa maalin walba wuxuu soo qoraa wax mujaahidiinta iska horkeenayaa laakiin ilaahay fadligiis waa la sii socdaa asna habaarka hasii wado hadii uu cid xaq ku leeyahay ha qabto habaarkiisa waxaan ku soo jeedinaa inaad ilaahay ka baqdid iskana dhaaftid isku dirka iyo dacaayadaha aad la daba scodid mujaahidiin hadii kale meel daran baad ku danbeyn doontaa

Mukhtaar   boosaaso

9:14am on Thursday, February 4th, 2010

waxaan aaminsanahay in shiikh xasan turki uu ka cabsaday al shabaab sidaasna uu ula midoobay sababtoo ah waxaan ogeyn sidii ay u duleysteen waagigii hore warkiisana waan maqleynay markii uu ka hadlaayey maamulka kaligiis taliska ah ee kismaayo ka sameeyeen shabaab marka meel kale oo uu u ciirsado buu garan waayey waana loo hanjabay oo waxaa lagu yiri amam na soo raac ama waan ku qaleynaa marka wuu iska raacay intii la qali lahaa

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Maamulka iyo wariyaasha Somalireal oo diraya hambalyada Ciida Soonfureed.
  Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxyadii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
  Sheikh Maxamuud Shibli oo qoraal uga soo jawaabay su'aalo ay weydiiyeen shabakadaha warbaahinta ee Somalireal iyo halgan
  Diyaargarowga Munaasabada Ciidul Fidriga oo si aad ah looga dareemayo magaalada Nairobi.
  Xaalada Muqdisho oo maanta degenaasho aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo iyo khasaaraha dagaalada oo sii badanaya