Madaxweynaha Dowladda Puntland C/raxmaan Faroole ayaa kulan la qaatay Masuuliyinta dalka Masar,isagoo booqasho ku jooga dalkaas.Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa ay ku warameen in Madaxweynuhu uu kulamo la qaatay Wasiirka arimaha dibadda ee Masar Axmed Abuul qeyd iyo Madaxweynaha dalkaas Maxamed Xusni Mubaarak.
Waxaana uu kulankaas ahaa mid looga hadlayay xiriirka u dhaxeeya dalka Masar iyo Xukuumadda Puntland,iyadoo kulankaas uu ahaa mid albaabada uu xirnaayeen.
Madaxweynaha iyo masuuliyinta dalka Masar ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii ay iskaashi dhan weliba ah u samayn lahaayeen,waa sida ay ku warameen masuuliyinta Madaxtooyada Puntland oo la hadlay Saxaafadda.
Gaba gabadi waxaa ay sheegeen in uu Madaxweynuhu dib ugu soo laaban doono degaanadda Puntland.
Somali Real-Boosaaso
Fikradaada ku darso.