Sedex qof oo ku geeriyootay Dab saaka aroortii hore qabsaday guri ay daganaayeen qoys dan yar ah deegaanka Qow ee gobolka Hiiraan


Sedex qof oo ah labo caruur ah iyo hooyadii dhashay ayaa geeriyooday saaka aroortii hore markii uu dab qabsaday gurigii ay daganaayeen oo ku yaallo deegaanka Qaw oo ah xadka ay wadaagaan Gobolka Hiiraan iyo Ismaamulka somalida Itoobiya.

Dadka deegaanka ayaa saaka mar qura ku kacay qoyskan oo ku gubanaya,kuwaasi oo markiiba ku guulaystay in ay damiyaan Dabka,laakiin waxaa uu sababay in ay ku dhintaan qaar kamid ahaa qoyska,iyadoo ilaa hada aan laxaqiijin sababta uu ku kacay Dabkan,iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in uu ka bilowday xero Ari,kaasi oo markii danbe ku faafay guriga.


Qaar kamid ah dadka deegaanka Qow oo Somalireal xiriir la sameysay ayaa waxaa ay sheegeen in mashaqada qabsatay qoyskan ay tahay markii ugu horaysay oo Dab nuucaan ah ka kaco deegaankaasi,waxaana ay sheegeen in dadka dhintay ay ahaayeen labo caruur ah oo da'dooda lagu qiyaasay lix jir iyo afar sano jir iyo hooyadii dhashay caruurtaasi,waxaana ay intaasi ku dareen in qoyskan ay kamid ahaayeen dadkii dhawaan ka barokacay dagaaladii ka dhacay Magaalada B/weyne.


Muusiibooyinka Dabka ka kaco deegaano kamid ah Gobolka Hiiraan iyo deegaanada u dhow dhow, ayaa inta badan waxaa ay sababaan dhimasho xanuunleh iyo waxyeelo kale oo kamid ah dhaawacyo iyo hanti beel,iyadoo maalin ka hor sidan oo kale ay ugu dhinteen ilaa labo qof kadib markii uu Dab qabsaday guri ay daganaayeen oo ku yaallo deegaanka Booco ee dhinaca bari ee Degmada B/wyne.


Somalireal-B/weyne


www.somalireal.com


 


 

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Qoraal faahfaahsan oo ku saabsan Zakaatul Fidriga
  Hay'adda UNHCR oo sheegtay dad laba boqol kor u dhaafaya inay ku dhinteen dagaalada Muqdisho ka soconayey labada todobaad
  Xaalada Muqdisho oo maanta yara degen iyo dhinacyada iska soo horjeeda oo isku qalab uruursanaya
  Diyaargarowga Munaasabada ciidul fidriga oo laga dareemayo suuqyada Magalaadda Cape-Town ee wadanka koonfur Africa
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay.