Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbul Islaam ayaa xalay ka badbaaday weerar loo adeegsaday bambaanada gacanta laga tuuro oo ay la beegsadeen dabley hubeysan.
Sarkaalka la weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Barre Cali Barre wuxuuna ahaa afhayeenkii mucarkii Raaskambooni, kaasoo dhawaan beeniyey in dugsigii tababarka ee Raaskambooni ay la midoobeen xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Barre Cali Barre oo ahaa sarkaalka la weeraray ayaa waxa lagu bartilmaameedsaday meel aan ka fogeyn gurigiisa oo ku yaalo magaalada Muqdisho, mana jirin wax khasaare ah oo soo gaaray saraalka la weeraray.
Sheikh Barre ayaa sheegay in uusan cidna farta ku fiiqi karin, balse wuxuu carrabka ku adkeeyey ay soo weerareen kooxo cadow ku ah diinta islaamka, isla markaasna diidan nolosha bini'aadamka, sida uu hadalka u dhigay.
Sarkaalkan ayaa waxa uu sheegay in uu sii wadan doono howshiisa, isla markaasna ayan wax saameyn ah ku yeelan doonin weerarka lagu qaaday.
Arintan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili dhawaan sarlkaalkan uu beeniyey in ay midoobeen kooxaha Raaskambooni iyo Al-Shabaab, lamana garanayo cida iyo sababta ka danbeysa isku dayga lagu doonayey in lagu khaarijiyo.
Xafiiska wararka Somalireal
Fikradaada ku darso.