Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa ka baqanaya in loo ugaarsado sida Soomaalida ku nool South Africa, iyadoo dhac iyo dilalba loo geysto.
Warbaahinta wadanka Kenya qaarkood ayaa aad wax uga qora Soomaalida ku nool magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii ee ay Soomaalidu ku badan tahay, iyagoo " warbaahinta" tooshka ku ifiya hantida ay haystaan Soomaalida, waxayna qaarkood la xiriiriyaan inay xiriir toos ah la leeyihiin Islaamiyiinta ka dagaalama Soomaaliya.
Qoraalada ay daabacayaan wargeysyada Kenya qaarkood, iyo barnaamijyo kale oo laga sii daayo taleefishinada qaarkood oo dhamaantood wax looga sheegayo Soomaaliya, ayaa saameyn ku yeeshay shacabka wadanka Kenya, iyadoo bulshada Kenyaanka ahi ay wararka ka qaataan oo kaliya warbaahinta maxaliga ah ee Kenya.
Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa wadanka Kenya ayaa ah kan ugu daran ee Soomaalida tooshka ku ifiya, wuxuuna hada bilaabay inuu soo daabaco sawiro ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, kuwaasoo uu ku eedeeyey inay hanti aan la garaneyn halka ay ka keeneen haystaan, isla markaasna ay si aan sharci ahan ku qaateen aqoonsiga wadanka Kenya, sida uu daabacay.
Sidoo kale shacabka Kenyaanka ah ayaa laga dareemayaa isbedel weyn, iyadoo meelaha dadku ku kulmaan si gaar ah isha loogu eego shacabka Soomaaliyeed, waxaana intaas dheer hanjabaadyo loo soo jeedinayo shacabka ku dhaqan wadanka Kenya.
Marka leysku soo xooriyo waxaa dad badani hadal hayaan in hadii ay xaaladu sidan ku sii socoto ay talo faraha ka bixi doonto, iyadoo laga cabsi qabo ugaarsi la mid ah kan loo geysto Soomaalida ku nool wadanka South Africa.
Xafiiska wararka Somalireal
Fikradaada ku darso.