Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa waxa ay ka soconayaan magaalada Muqdisho caasimada wadanka, iyadoo cabsi xoog lehna ay qabaan shacabka.
Dowlada FKMG Soomaaliya ayaa waxaa soo gaaray ciidamo loogu soo tababaray wadamada Itoobiya, Kenya Jabuuti iyo Uganda, waxaana jirta in ciidamo kale ay tababaro ugu soo dhamaadeen xeryo ku yaala magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale ee kooxaha Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam ayaa iyagana sheeda kala socda dhaqdhaqaaqyada ay wadaan ciidamada dowlada FKMG Soomaaliya, waxaana sidoo kale kooxda Al-Shabaab oo ka mid ah dhinacyada dowlada dagaalka kula jira ay dhawaan soo bandhigeen ciidamo badan oo ay tababar u soo xireen.
Warar xog-ogaal ah oo ay Somali Real heleyso ayaa xaqiijinaya in safafka hore ee meelaha leysku horfadhiyo ee magaalada Muqdisho ay soo dhoobteen ciidamada dowlada FKMG Soomaaliya, halka dhinaca kale ee kooxaha Islaamiyiintana ay wadaan qorshayaal ay uga hortagayaan dagaal kasta oo uga yimaada dhinaca dowlada.
Waxaa intaas dheer dhaarta iyo hanjabaadyada labada dhinac ay isu marinayaan qalabka warbaahinta, waxayna arimahaas cabsi xoog leh ku beereen shacabka ku harsan magaalada Muqdisho, kuwaasoo xaalkoodu yahay mid aan caga badan ku taagneyn.
Dadka waxgaradka ah ee odorasa arimaha cakiran ee Muqdisho ayaa waxa ay saadaalinayaan in dagaal ka dhaca magaalada uu sababi karo in magaaladu ay noqoto mid inta ka sii harsan ay ku dunto, waxaana haatan la wada ogyahay in Muqdisho ayan garan karin dadkii horey ugu noolaan jiray marka loo eego bur burka ku yimid iyo dhirta faraha badan ee ka soo baxday xaafadihii ay shacabku ku badnaan jireen.
Xafiiska wararka Somalireal
Fikradaada ku darso.