Diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah ee loo yaqaano Helicopter ayaa waxaa saaka lagu arkay iyadoo dul heehaabeysa hawada sare ee magaalada Marka xarunta gobolka Sh/hoose.
Diyaaradan ayaan la garaneyn halka laga leeyahay iyo ujeedada ka danbeysa dul meereysigeeda magaalada Marka, balse waxaa lagu wadaa inay ka soo kacday Maraakiibta shisheeye ee joogta xeebaha wadanka Soomaalliya.
Dadweynaha magaalada Marka ayaa cabsi xoog leh ka muujinaya diyaaradan, iyadoo ay ka cabsi qabaan in diyaaraduhu ay soo bataan, isla markaasna geystaan dhibaato aan la mahdinin ciribeeda.
Horey ayaa diyaaradaha dagaalka ee Mareynkanka waxa ay duqeyn ka geysteen gobolka Sh/hoose. iyagoo ku dilay hogaamiye sare oo ka tirsanaa xarakada Shabaabul Mujaahidiin, waxaana jirta sidoo kale in hawada magaalooyin dhowr ah oo ku yaala bartamaha iyo koonfurta wadanka Soomaaliya lagu arkay diyaarado joog hoose ku duulaya oo dul heehaabaya.
Arimahan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xili dowlada FKMG Soomaaliya ay ku hanjabtay inay duulaan ku qabsabneyso gobolada gacanta ugu jira xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka soo hoejeeda.
Xafiiska wararka Somalireal
Fikradaada ku darso.