Dawladda KMG Soomaaliya ayaa waxay faahfaahin ka bixisay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay saacadihii ugu dambeeyay ka wadeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha ay isku hor fadhiyaan iyaga iyo ciidamada AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda.
Afhayeenka wasaaradda Warfaafinta dawladda KMG Soomaaliya C/risaaq Maxamed Qaylow oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo kuwa militariga ah in ay geeyeen goobo ay ka mid yihiin Asluubta, Warshadda Kabka, Kaxda iyo aagagga ay isku hor fadhiyaan iyaga iyo xoogagga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda, wuxuuna intaasi ku daray in ay dowladda bedel ku sameyneyso ciidamadeeda ka jooga aagagga ay isku hor fadhiyaan.
C/risaaq Qaylow wuxuu sheegay in qorshaha dawladda ee xilligan in uu yahay ka shaqeynta amaanka iyo xasiloonida dalka oo idil taasi oo ay suurto gal tahay in loo sii maro qorshahaasi fulintiisa awood militari, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada dowladda ay waajib ka saarantahay in ay galaan meel walba oo loo diro.
Ugu dambeyntii Afhayeenka wasaaradda warfaafinta dawladda federalka Soomaaliya wuxuu shaaca ka qaaday in ciidamada militariga goobaha la geeyay ay ka sugayaan amaanka, wuxuuna farta ku goday in ay horay digniino uga bixiyeen in shacabka aan dhac loo gaysan, askarigii lagu arko isagoo ku gudo jira falalkaasina talaabo sharci ah laga qaadi doono.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.