Xisbul Islaam oo shaaca ka qaaday in ay ka war heleen duulaan ay dawladda KMG ku soo qaado goobaha ay ka taliyaan ee Muqdisho.



Ururka Xisbul Islaam ayaa waxa ay sheegeen in ay ka war heleen dhaqdhaqaaqyada ciidan oo ay wadaan dawladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM kaasoo ay ku doonayaan in ay ku soo weeraraan fariisimada iyo aagagga ay ku sugan yihiin Xoogaga Islaamiyiinta ee dowladda ku kacsan.

 


Afhayeenka dhinaca Hawlgalada ururka Xisbul Islaam Maxamed Cismaan Caruus oo la hadlayay saxaafada reer Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay dowladda KMG ciidamo uu ku tilmaamay koobi lagu soo tababaray dalka Jabuuti geysay goobo hor leh meelihii hore ay u joogeena ay ku xoojisay kuwo kale, wuxuuna intaasi ku daray in haddii ay isku dayaan in ay dhinacooda u soo dhaqaaqaan ay jawaab culus ka bixin doonaan.


Waxa uu sheegay Afhayeenka hawlgalada Ururka Xisbul Islaam in qaar badan oo ka mid ah ciidamadii lagu soo tababaray dalalka Jabuuti iyo Uganda markii ay aagaga la geeyay ay qoryahooda ula soo gudbeen dhinaca Mujaahidiinta sida uu hadalka u dhigay isagoona kula taliyay kuwa hadda la soo dhoobay meelahaasi in ay maraan wadada ay mareen kuwii ka horeeyay si ay u badbaadaan.

 


Warkan ka soo yeeray Afhayeenka dhanka howlgalada ee Ururka Xisbul Islaam ayaa imaanaya xilli 48-saac ee ugu dambeysay dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo aan caadi aheyn ay dowladda KMG Soomaaliya ka sameysay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

 


Somalireal-Muqdisho

 


WWW.somalireal.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Qoraal faahfaahsan oo ku saabsan Zakaatul Fidriga
  Hay'adda UNHCR oo sheegtay dad laba boqol kor u dhaafaya inay ku dhinteen dagaalada Muqdisho ka soconayey labada todobaad
  Xaalada Muqdisho oo maanta yara degen iyo dhinacyada iska soo horjeeda oo isku qalab uruursanaya
  Diyaargarowga Munaasabada ciidul fidriga oo laga dareemayo suuqyada Magalaadda Cape-Town ee wadanka koonfur Africa
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay.