Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ayaa ku eedeeyay Xarakada Al Shabaab in ay dambeeyaan Dabkii dhawaan ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Sheekh Yuusuf Indhacade oo maanta Saxaafada kula hadlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Dabkii dhawaan ka ka kacay Suuqa Baakara ay ka dambeeyaan Dhaqdhaqaaqa Mujaahidiinta Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade in Dabkan uu yimid kadib markii uu qilaaf uu soo kala dhaxgalay sida uu sheegay Dhadhaqaaqa Mujaahidiinta Al Shabaab isagoona meesha ka saaray in dowladda KMG Soomaaliya ay wax lug ah ku leedahay Dabkii dhowr habeen ka hor ka kacay Suuqa Bakaaraha.
Hadalkan eedeynta ah ee ka soo yeeray Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Yuusuf Indhacade ayaa imaanaya Xilli dhawaan Wakiilka Gobolka Banaadir ee Al Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen uu warbaahinta Muqdisho u sheegay in Dabkii maalmo ka hor ka kacay Suuqa Bakaaraha ay ka dambeeyeen dad uu ku tilmaamay Cadow .
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.