Xarakada Alshabaab oo maanta Degmo cusub u magacaabay Gobolka Hiiraan.



Xarakada Al Shabaab ayaa maanta Degmo cusub u magacaabay deegaanka Ceel-Cali oo kamdid ah Gobolka Hiiraan,islamarkaasina xad la'leh Gobolka Bakool.


Arintan ayaa waxaa ay ka danbeysay markii maanta kulan balaaran oo mudo saacado ah socday ku yeesheen,Odayaal,waxgarad,iyo culuma'udiin deegaanka ah iyo saraakiil ka mid ah Alshabaab ayaa waxaa kulankaasi siwayn looga hadlay xaalada deegaanak Ceel-Cali,waxaana ay Odoyaasha iyo saraakiisha islagarteen in deegaanka Ceel-Cali loogu dhawaaqo Degmo kamid ah Gobolka Hiiraan.


Magacaabistan deegaankan ayaa waxaa la sheegay in ay u dhanyihiin adeegyadii looga baahnaa Degmo,sida Iskuulaad, goobo Caafimaad iyo qadadka isgaarsiinta.iyo adeegyo kala duwan.


Kulankan ayaa waxaa mas'uuliyiintii ka qaybqaadatay kamid ah Madaxa Siyaasada iyo arimaga Gobolada ee Xarakada ALshabaab Sheekh Xuseen Fiidow iyo Waaliga Wilaayada Gobolka Hiiraan Sheekh Abuukar Axmed.


Mas'uuliyiintii ka hadashay oo kamid ahaa Sheekh Xuseen Fiidow oo ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya deegaanka Ceel-Cali ay ka mid tahay Dgmooyinka hoostaga Goolka Hiiraan,islamarkaasina looga baahan yahay dadka deegaanka in ay sidaasi u qaataan,waxaana uu intaasi ku daray in Degmada Ceel-Cali ay haatan wax laqaybsan karto Dgmooyinka kale ee Gobolka.


Nabadoon Axmed aadan oo ka mid ah nabadoonadii ka qeyb qaadatay kulankii maanta, ayaa waxaa uu sheegay in ay si aad ah ugu faraxsan yihiin magacaabista Degmadan cusub ee Ceel-Cali,waxaan uu intaasi ku daray in dadka deegaanka ay si'aad ah usoo dhawaynayaan magacaabistan.


Degmada cusub ee Ceel-Cali ee Maanta Degmada loo'aqoon saday, ayaa waxaa hoos imaanaya ilaa 11 Tuulo,waxaana ay xigtaa Xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Bakool gaar ahaan Degmada Tiyeeklow.iyadoo talaabadani ay maanta si'aad ah usoo dhaweeyeen dadka ku dhaqan gobolka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaanka maanta Degmada loocaleemasaaray ee Ceel-Cali.


Xafiiska wararka somalireal


www.somalireal.com B/weyne.

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Qoraal faahfaahsan oo ku saabsan Zakaatul Fidriga
  Hay'adda UNHCR oo sheegtay dad laba boqol kor u dhaafaya inay ku dhinteen dagaalada Muqdisho ka soconayey labada todobaad
  Xaalada Muqdisho oo maanta yara degen iyo dhinacyada iska soo horjeeda oo isku qalab uruursanaya
  Diyaargarowga Munaasabada ciidul fidriga oo laga dareemayo suuqyada Magalaadda Cape-Town ee wadanka koonfur Africa
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay.