Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo sheegay inuu Ahlu Suna kala talinayo dhinaca militeriga



Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah saraakiishii ciidankii qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu kooxda Ahlu Sula ku biirinayo khibrad dhinaca Militeriga ah.


Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo hada ku sugan degmada Guriceel ayaa voa-da u sheegay inuu halkaas u tagay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa dagaalka kooxda Ahlu Suna kula jirto xarakada Shabaabul Mujaahidiin, wuxuuna intaas ku daray in sidoo kale ay doonayaan in maamul heer degmo ah ay u sameeyaan deegaanada ay ka taliyaan Ahlu Suna, sida uu sheegay.


Maxamed Nuur Galaal ayaa sheegay in safarka uu ku joogo degmada Guriceel ay ku wehliyaan laba nin oo aqoonyahano ah, kuwaasoo shaqadoodu  tahay maamul u sameynta degmooyinka ay gacanta ku hayaan Ahlu Suna, sida uu sheegay.


Jeneraalka ayaa intaas ku daray inuu xiriir fiican la leeyahay kooxda Ahlu Suna, isla markaasna uu si buuxda uga qeyb qaadanayo dagaalka ay kula jiraan kooxaha kale ee Islaamiyiinta ah.


Dhinaca kale Jeneraal Galaal ayaa  ka gaabsaday inuu isagu wax lug ah ku leeyahay, xiriir ka dhexeeya Ahlu Suna iyo Itoobiya, balse wuxuu ku adkeystay in ayan waxba ku jabneyn in labadaas dhinac iska kaashadaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.


Arintan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili abaabulo dagaal oo xoog leh ay ka soconayaan gobolada dhexe ee dalka, iyadoo dad badanna ay saadaalinayaan in dagaal kala bax ah uu ka dhici karo halkaas.


Xafiiska wararka Somalireal


www.somalireal.com


 

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Qoraal faahfaahsan oo ku saabsan Zakaatul Fidriga
  Hay'adda UNHCR oo sheegtay dad laba boqol kor u dhaafaya inay ku dhinteen dagaalada Muqdisho ka soconayey labada todobaad
  Xaalada Muqdisho oo maanta yara degen iyo dhinacyada iska soo horjeeda oo isku qalab uruursanaya
  Diyaargarowga Munaasabada ciidul fidriga oo laga dareemayo suuqyada Magalaadda Cape-Town ee wadanka koonfur Africa
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay.