Madaxweynaha dowlada FKMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa magacaabay ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan wadanka Mareykanka.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada dowlada FKMG Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu Abuukan Armaan u magacaabay egeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan wadanka Mareykanka.
Warkan ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in magacaabista Abuukar Armaan ay muujineyso dhibu dhiska iyo xiriirka ay dowlada Soomaaliya la yeelaneyso dalka Mareykanka, waxaana sidoo kale qoraalka lagu sheegay in talaabadan ay sii xoojineyso xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.
Abuukar Armaan oo ah 49 jir ayaa ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaano jaaliyada Soomaalida ee Mareykanka dhexdeeda, wuxuuna yahay nin si weyn wax uga qora arimaha Soomaaliya, qoraalo badanna ku leh wargeysyada caalamiga ah.
Arintan waxaa ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili dowlada FKMG Soomaaliya ay sheegtay inay dhaqaale la'aan awgeed ay u xiri doonto qaar ka mid ah safaaradaha dowlada Soomaaliya ku leedahay wadamada reer galbeedka.
Xafiiska wararka Somalireal
Fikradaada ku darso.