Ciidamada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa xabsiga u taaxaabay dad aad u badan ka dib markii shalay banaanbaxyo rabshada wata ay ka dhaceen magaalada.
Dadka ay ciidanka qabqabteen ayaa gaaraya dhowr iyo lixdan qof, waxayna dadkaas isugu jiraan bulshada qeybaheeda kala duwan, iyadoo dadweynaha magaalada ay caro xoog leh ka qaadeen xariga lagula kacay dadkaas.
Dadka la xir xiray ayaa qaar badan oo ka mid ah waxaa loo qaaday dhinaca degmada Ceynaba ee gobolka Sool, iyadoo magaalada Laascaanood ay ku sugan yihiin Madax sare oo ka tirsan Somaliland, waxaana jirta in amarka lagu xirayo dadkan uu bixiyey wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland.
Magaalada Laascaanood ayaa dhawaanahan waxaa ka dhacayey qaraxyo iyo dilal loo geysanayey Mas'uulliyiinta gobolka Sool uga wakiilka ah Somaliland, mana jirto ilaa iyo haatan cid falalkaas loo Maxkamadeeyey.
Shalay ayey ahayd markii dadweyne farabadan ay ka banaabaxeen xarig ciidanka Somaliland kula kaceen macalimiin wax ka dhigta Machadyada magaalada, waxaana banaanbaxyadaas ka dhashay qabshado uu qof ku dhintay dad kalena ay ku dhaawacmeen, waxayna arimahan oo dhan ku soo beegmayaan xili Garaadada SSC ay shir ku leeyihiin deegaanka Buuro-Wadal.
Xafiiska wararka Somalireal
Fikradaada ku darso.