Duqeyn ba'an islamarkaana Khasaaro geysatay ayaa duhurnimadii manta waxaa loo gesystay xaafado kamid ah Waqooyiga magaalada Muqdisho.
Mar kaliya ayaa Duhurnimadii manta waxaa tiro Madaafiic ah lagu garaacay degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, C/Casiis iyo Boondheere oo dhamaantood kawada tirsan degmooyinka Waqooyi ee magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay waxaa madaafiicdaasi ku qurbaxay ilaa 2-ruux oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10-kale kuwaasi oo dhamaantood ku sugnaa xaafadaha Madaafiicda lala dhacay.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Madaafiicdan ay bilowdeen kadib markii dhowr Madfac lagu garaacay xarunta Madaxtooyda ee Villa Soomaaliya iyadoona Madaafiicda lagu soo garaacay xaafadaha dadka rayidka ah la sheegay in ay Jawaab u 'ahaayeen Madaaficda markii hore lagu gamay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Xilliga Madaafiicdaasi ay dhacayeen ayaanay jirin wax dagaalo fool ka fool ah oo ka dhacayay qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, hase 'ahaatee Madaafiicdaasi ayaa walwal iyo walaac xoogan waxa ay ku abuureen dadkii faro ku tiriska ahaa ee ku haray xaafadaha degmooyinka Waqooyi ee magaalada Muqdisho.
War iyo dhamaantii ma ahan markii ugu horeysay oo duqeyn ceenkan oo kale ah loo geysto degmooyinka Waqooyiga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Somalireal-Muqdisho
Fikradaada ku darso.