Ciidamo Itoopiyaan ah oo aad u faro badan, Islamarkaasina wata gaadiidka dagaalka ayaa soo buux dhaafiyay halka lagu magacaabo Sariiraale, iyagoo halkaas durba ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo aan ujeedkooda la garaneyn ilaa hada.
Wadayaasha gaadiidka ka shaqeeyo Gobolada dhexe iyo Ismaamulka soomaalida,ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Itoopiya halkaasi isku balaariyeen,kuwaasi oo ka samaystay sida ay wararka sheegayaan dhufaysyo kala duwan,sida Buuraha ku teedsan,iyadoo arintaasi dadka deegaanada ku dhalisay xabsi xoogan oo ay ka qabaan Ciidanka halkaasi soo dagay.
Ciidamadan Itoopiyaanka ah ayaa waxaa la'ogayn ujeedkooda iyo halka ay ku wajahan yihiin,hase ahaatee waxay tani qayb ka noqonaysaa dhaqdhaqaaqyada Ciidan ee ka jira koonfurta iyo bartamaha soomaaliya.
Arintan ku aadan Ciidamada Itoopiya,ayaa waxaa siwayn looga dareemayaa deegaanada Gobolka Hiiraan, gaar gaar ahaan Magaalada B/weyne,oo ay ka taliyaan Maamul ay leeyihiin Xisbul Islaam,waxaana gudaha Magaalada B/weyne lagu arkayaa dhaq-dhaqaaqyada ay samaynayaan Ciidamada Ururka Xisbul Isalam iyo Shabaabul Mujaahidiin,yadoo Ciidamadooda ku daabulaya gaadiidka waawaayn ee dadwayanah.
Inkastoo aan la'saadaalin karin halka ay ku danbayn karaan xiisadahan laga dareemaayo Gobolada dhexe ee soomaaliya,ayaa waxaa jira hadane guluf dagaal oo ay wado Dowlada KMG ah,oo ku aadan sidii ay gacanta ugu dhigilahayd deegaanada ka maqan oo ay hada ka taliyaan Xoogaga kasoo horjeeda.
Fikradaada ku darso.