Dagaal aad u ba'an oo ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa xalay magaalada Muqdisho waxa uu ku dhex maray ciidamada dowlada FKMG Soomaaliya iyo xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda.
Dagaalkan oo bilowday saqdii dhexe ee xalay ayaa ahaa mid aad u xoogan, waxaana dagaalka barbar socday madaafiic leys weydaarsanayey, wuxuuna dagaalku ka dhacay degmooyinka Boondheere iyo xaafado ka tirsan degmada C/casiis ee waqooyiga magaalada Muqdisho.
Dagaalka oo xili habeenimo ah dhacay ayaa ilaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay waxaa lagu sheegay 2 qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca 7 qof oo kale, kuwaasoo dhamaantood ahaa shacab aan dagaalka ku jirin.
Dhinacyada dagaalamay ayaan la garaneyn hadii khasaare kala gaaray, iyadoo lawada ogyahay dhibaatada ugu badan ee dagaalada Muqdisho inay ku dhacdo shacabka aan cidina u tureyn ee ku dhibaateysan magaalada Muqdisho.
Guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa hada waxa ay ku jirtaa xaalad dagaal, waxaana dhagta loo wada taagayaa goorta uu bilaaban doono dagaalka ay dowlada FKMG Soomaaliya ku dhawaaqday inay kula wareegyeso gobolada ay gacanta ku hayaan xoogaga Islaamiyiinta ah Muqdishona ay ka midka tahay.
Somalireal-Muqdisho
Comments to date: 1. Page 1 of 1.
AMAKAAK DENMARK | 6:41am on Monday, February 8th, 2010 |
SOOMAALI LAMOOD AYAAD WADATIHIIN MARK WAXAA LOO BAHAANYAHAY INAAD WAX UQABATAAN DALKA IYO DADK EE AYDAAN INIKU WAXBA QABSAN | |