Puntland oo cambaareyn u jeedisay Somaliland



Wasiirka warfaafinta ee Puntland C/xakiim Axmed Guuleed ayaa sheegay in ay cambaareynayaan talaabada ay ciidanka Somaliland ku xirxirayaan ardayda iyo dadka rayidka ah ee ku dhaqan Laascaanood.


Wasiirka warfaafinta Puntland C/xakiim Axmed Guuleed ayaa sheegay in talaabada ay ciidanka Somaliland ku xirxirayaan dadka rayidka ah ay tahay wax aan loo dul qaadan karin, isla markaasna caburin ku ah shacabka reer Laascaanood, sida uu hadalka u dhigay.


Wasiirka ayaa sidoo kale hadalkiisa ku daray in dowladiisa ay si buuxda u cambaareyneyso talaabadii ciidamada Somaliland ku horjoogsadeen Garaadada gobolka oo ku shirsanaa deegaanka Holhol ee gobolka Sool, wuxuuna ku tilmaamay arinkaas mid gaf ku ah dhamaan Isimada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.


C/xakiim Axmed Guuleed ayaa sheegay in dowladiisa ay ka soo horjeedo falalka amaan xumida ah ee uu ku tilmaamay falal argagixiso, wuxuuna intaas ku daray in maamul walba uu xaq u leeyahay inuu ilaashado amaankiisa, sida uu sheegay.


Ugu danbeytii wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay in dadka reer Laascaanood ay ka mid yihiin Puntland, isla markaasna ay diidan yihiin ciidamada Somaliland ee xooga ku haysta, waa sida uu wasiirku hadalka u dhigaye.


Hadalka ka soo baxay Puntland ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili ciidamada Somaliland ay magaalada Laascaanood ka qabqabteen dad aad u badan, ka dib banaanbaxyo rabshada wata oo dadna ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada, waxaana xisid mudan in Mas'uuliyiinta Somaliland ee gobolka ku sugan ay sheegeen inay baarayaan dadka ay xireen, cidii danbi lagu waayana ay sii deynayaan.


Xafiiska wararka Somalireal


www.somalireal.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Qoraal faahfaahsan oo ku saabsan Zakaatul Fidriga
  Hay'adda UNHCR oo sheegtay dad laba boqol kor u dhaafaya inay ku dhinteen dagaalada Muqdisho ka soconayey labada todobaad
  Xaalada Muqdisho oo maanta yara degen iyo dhinacyada iska soo horjeeda oo isku qalab uruursanaya
  Diyaargarowga Munaasabada ciidul fidriga oo laga dareemayo suuqyada Magalaadda Cape-Town ee wadanka koonfur Africa
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay.