Al-Shabaab oo soo bandhigtay sarkaal maanta isku soo dhiibay



Afhayeenka xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheikh Cali Maxamuud Raage (Cali dheere) ayaa maanta shaaca ka qaaday in dhinacooda uu ku soo biiray sarkaal ka soo goostay dowlada FKMG Soomaaliya.


Sheikh Cali Dheere oo maata saxaafada kula hadlayey magaalada Muqdisho,  ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan ciidamada ka soo goosanaya dowlada, isla markaasna ayan wax dhib ah la kulmi doonin, sida uu sheegay.


Afhayeenka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in iyagu ay duulaan ku qaadi doonaan dhinaca dowlada, halkii iyaga la soo weerari lahaa, wuxuuna carabka ku dhuftay in dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho ay iyagu ku qaadeen dhinaca ciidanka dowlada.


Sheikh Cali dheere afhayeenka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ugu baaqay ciidamada dowlada iyo saraakiishooda inay isku soo dhiibaan Mujaahidiinta, isagoona u balan qaaday in si wanaagsan ay ula dhaqmi doonaan, sida uu sheegay.


Sidoo kale waxaa saxaafada la hadlay sarkaalka ka soo goostay dhinaca dowlada oo lagu magacaabo Baashi Axmed Urur, waxaana uu sheegay in isaga iyo saraakiil kaleba ay go'aan sadeen inay isku soo dhiibaan xarakada Shabaabul Mujaahidiin, wuxuuna intaas ku daray inuu ka mid ahaa ciidamada dowlada FKMG Soomaaliya ee ku sugan warshadii Nacnaca ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho,waxaa kaloo goobta lagu soo bandhigay hub gaaraya 50 qori oo nooca fudud ah.


Majiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowlada FKMG Soomaaliya oo la xiriira sarkaalka iyo ciidanka la sheegay in dhinacooda ay ka soo goosteen, waxayna arintani ku soo aadeysaa xili magaalada Muqdisho laga dareemayo dhiilo colaadeed tii ugu darneyd, waxaana aan si dhab ah loo sheegi karin goorta uu bilaaban doono dagaalka labada dhinac ay ka dhawaajiyeen.


Somalireal-Muqdisho


www.somalireal.com

Fikradaada ku darso.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 


LA XIRIIRA
  Qoraal faahfaahsan oo ku saabsan Zakaatul Fidriga
  Hay'adda UNHCR oo sheegtay dad laba boqol kor u dhaafaya inay ku dhinteen dagaalada Muqdisho ka soconayey labada todobaad
  Xaalada Muqdisho oo maanta yara degen iyo dhinacyada iska soo horjeeda oo isku qalab uruursanaya
  Diyaargarowga Munaasabada ciidul fidriga oo laga dareemayo suuqyada Magalaadda Cape-Town ee wadanka koonfur Africa
  Sheeko Gaaban: Macalimiinta Iskuulka Qoyane waa laga gardaran yahay.